Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo saddex ka mid ah ay yihiin shacab ayaa la xsaqiijiyay inay ku dhinteen dagaallo xalay ka dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaalladaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerara ay koox hubeysani ku qaadday saldhig ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, iyadoo dagaalkaas uu sababay dhimashada saddex qof oo shacab ah iyo dhaawaca saddex kale.
"Weerarku wuxuu dhacay xalay, waxaana ku dhintay saddex qof oo shacab, kuwaasoo ku dhawaa saldhigga, waxaana ku dhaawacmay isla gurigaas saddex kale," ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda Towfiiq.
Dowladda KMG ah ayaa sheegtay in weerarkaas ay geysteen kooxo hubeysan ayna raadinayaan, iyadoo xaafadda Towfiiq uu saakay ka billowday baaritaan xooggan oo ay sameynayaan ciidamada dowladda.
Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas, balse saraakiisha DKMG ah ayaa waxay ku eedeynayaan falalkan oo kale Xarakada Al-shabaab oo horay uga baxday Muqdisho, laakiinse sheegatay inay weli ka howlgasho.
Dhanka kale, dagaal ayaa isaguna xalay ka dhacay duleedka degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, iyadoo la sheegay inay ku dhinteen laba qof oo dhinacyadii hardamay ka kala tirsan.
Weerarradan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo shalay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM u tallaabeen lana wareegay deegaanno dhinaca Waqooyi-bari ee magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku haysay Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya