
Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas ku nool ayaa kulan muhiim ku qaatay xaafadda City Lorge ee magaalada Cape-town iyagoo kala hadlay wasiirka arrimo dhowr ah, isla markaana talooyin dhaxal-gal ah u gudbiyay waisirka.
Wasiirka ku xigeenka ayaa soo hadal-qaaday xiriirka Soomaaliya iyo Koonfur Afrika isagoo sheegay inay ka go'an tahay dowladdooda garab-istaaga dadka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay in muddo dheer ku jireen dagaallo iyo qalalaase siyaasadeed.
Kulankani ayaa diiradda lagu saaray dhibaatada lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool, iyadoo wasiirka la gudoonsiiyay qoraallo muujinaya tacadiyada loo geysto Soomaalida Koonfur Afrika ku nool, sidoo kale wasiirka waxaa la guddoonsiiyay qoraal lagu muujiyay aragtida Soomaalida ku nool Koonfur Afrika.
Mahad Cumar Cabdi (Mahad Libaax) oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika oo kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan xiriirka labada dowladood, isagoo ku tilmaamay go'aankaas taallaabo muhiim ah iyo sida ay fursad weyn ugu tahay Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.

Sidoo kale, Mahad oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku nool una taagan qabashada xilka safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa hadalkiisa ku daray in dowladda Koonfur Afrika ay horay u soo dhaweysay Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool wuxuuna u mahadceliyay wasiirka.
Kulankani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika qaybaheeda kala duwan, iyadoo la is-dhaafsaday aragtiyo iyo sida loogu dhaqan gelin lahaa xiriirkani cusub ee labada dowladood iyadoo jaaliyada ay muujisay taageero buuxa.



Maxamed Deeq Muuse (Deeqdarajo)
Deeqdarajo36@hotmail.com
Cape Town, South Africa