Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho qaybna ka ah AMISOM ayaa ka cabanaya mushaar la'aan tan iyo bishii November haysatay, iyadoo qaar ka mid ah askarta oo la hadlay wargeys kasoo baxa Kampala ay sheegeen inaysan mushaaraadkooda helin tan iyo bishii November ee sannadkii hore.
Askari diiday inuu magaciisa sheego oo ka tirsan ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho ayaa sheegay inaysan jirin wax lacago ah oo kusoo dhacay xisaabtiisa bankiga tan iyo bishii 11-aad ee sannadkii hore, isagoo xusay inuusan garanayn sababta.
"Xaaskeygu waxay ii sheegtay inaan wax lacag ah la siin illaa bishii November ee sannadkii hore. Halka shaqaalaha kale ee dowladda ay helaan mushaarkooda marka ay bishu dhammaato," ayuu yiri askariga magaciisa qariyay.
Haweeney lagu magaceeda kusoo koobtay Monica oo la hadashay wargeyska Observer ee dalka Uganda Jimcihii shalay ayaa sheegtay in ninkeeda uu joogo dalka Soomaaliya aysanna helin wax lacag ah tan bishii November ee sannadkii hore.
"Wiilkeyga oo toddoba jir ah waxaa laga soo eryay iskuulkii uu wax ka baranayay sababtoo ah lama bixin lacagtii uu wax ku baranayay," ayay wargeyska u sheegtay iyadoo intaas ku daray inay aad ula yaaban tahay sababaha lacaguhu u daaheen.
Afhayeenka AMISOM, Col. Paddy Ankunda oo isaguna la hadlay wargeyska ayaa xaqiijiyay in ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya aysan wax mushaaraad ah helin, balse ay uu kasoo baxay Midowga Afrika welina uusan soo gaarin ciidamada.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay ka cowdaan mushaar la'aan, horraantii sannadkan ayay ahayd markii ay cabanayeen ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku sugan mushaar la'aan bilooyin ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya