Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Muqdisho iyagoo kulamo la qaatay xubno ka tirsan dowlada Somalia iyo saraakiisha AMISOM.
Moses Wetangula iyo saraakiisha la socda ayaa waxay kulamadooda diirada ku saarayeen ka mid noqonaysa ciidamada Kenya ee AMISOM, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha uu rasmi ahaan ugala hadlay ciidamada AMISOM.
Wafdiga Kenyanka ah ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho xubno wasirro ah oo dowladda a tirsan, waxaana markiiba ay bilaabeen inay kulamo la yeesheen madaxda dowlada iyo kuwa Ciidamada Midowga Afrika.
Xukuumada Naorbni ayaa waxay sheegtay inay ka mid noqonayso ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaase ay ku adkeysanaysay inay howlgalka ka wadayso gobolada Koonfureed ee ku dhow xuduudda dalkeedu la leeyahay Soomaaliya.
Ma jiraan warar badan oo laga ogyahay socdaalka, waxaase la sheegay in mararka ay dhammaadaan shirarka madaxda DKMG , saraakiisha AMISOM iyo wafdiga Kenya ka socda uu wasiirka arimaha dibada ee Kenya Wetangula qaban doono shir jaraa'id.
Waa markii labaad oo Wetangula uu safar ku yimaado Muqdisho tan iyo markii ay ciidamada Kenya kasoo gudbeen xadka ay la wadaagaan Soomaaliya sannadkii hore waxaana safarkiisii hore uu ku saleysnaa dambinta caro ay ciidamada Kenya ka muuujiya madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya