Sunday, May 26, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2012
Xoogagga Al-shabaab iyo Dad Xoolaley ah oo ku Dagaalamay Nawaaxiga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu xoogagga Al-shabaab iyo dad xoolaley ah ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Dhakaajo oo waxyar u jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilowareedyo ku sugan Baardheere dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii uu muran dhexmaray xoolaleyda iyo xoogagga Al-shabaab, kaasoo ka dhashay kadib markii sida la sheegay xoolaleyda ay diideen in ay bixiyaan Xoolo Zako ah oo ay Xarakada Al-shabaab dooneysay in ay ka qaado.

Ilo wareedyo ka madaxbanaan labada dhinac ayaa HOL u xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen shan kamid ah dhinacyadii dagaalamay, iyadoona ay weli taagantahay xiisada u dhexeysa xoolaleyda iyo dagaalyahanna Al-shabaab ee gobolka Gedo.

Col warfaa Sheekh Aadan oo ah afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee Gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay duleedka Baardheere uu u dhexeeyay dad Xoolaley ah iyo Al-shabaab.

"Xoolaleyda ayaa ishortaag ku sameeyay Maleyshiyaad katirsan Al-shabaab oo doonayay in ay Xoolahooda xoog uga qaataan," ayuu Afhayeenku hadalkiisii ku daray. Illaa imika ma jiraan wax warar ah oo ku aadan dagaalkaasi oo kasoo baxay dhanka masuuliyiinta Al-shabaab ee gobolka Gedo.

Xiisadahani kasoo cusboonaaday duleedka Baardheere ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Gedo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo dagaal oo aad u xooggan oo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo garabsanaya kuwa Ahlusunna iyo Militariga Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya





Post your comments

3/14/2012 9:45 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Muqdisho iyagoo kulamo la qaatay xubno ka tirsan dowlada Somalia iyo saraakiisha AMISOM.

3/14/2012 8:57 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Tababar ugu soo xidhay dugsiga tababaradda ciidammadd Booliska ee Mandheera cutubkii u horeeyay ee si gaar ah loo tobabaro loona bixiyey ciidamadda ka jawaabidda xaaladda degdega ah (Resistant Reaction Unit), kuwaas oo ay tobabarka siinayeen khuburo dawladda Ingiriiska ah.

3/14/2012 8:56 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) —Dood-cilmiyeed looga hadlayay dilalka sii kordhaya ee loo geysanayo wariyeyaasha ka howlgala Soomaaliya iyo sida loo hormarin karo aqoonta suxufiyiinta ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah, saraakiisha ammaanka iyo ururada Bulshada.

3/14/2012 8:01 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Deegaanka Gabiley ee Somaliland ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen xaruntoodda xilkii ka qaaday Maayarkii Gabiley, Khadra Xaaji Gaydh, maayar cusubna doortay Inj. Axmed Muxumed Qaalib.

3/14/2012 7:18 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ka mamnuucday gobollada ay ka taliso hay'adda badbaada dhallaanka ee Save the Children, kaddib warbixin kasoo baxday xafiiska la socodka hay'adaha ajnabiga ah ee Al-shabaab oo loo yaqaanno OSAFA.

3/14/2012 7:09 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha itoobiya, Meles Zenawi oo ku qabtay shir jaraa'id Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamadiisa Soomaaliya ku sugan aysan la baxayn inta laga soo celinayo ammaanka guud ee Soomaaliya.

3/14/2012 6:31 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux labisnaa dharka ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo ay ku xirnaayeen waxybaaha qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro ninkii qaraxa fuliyay sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo kuwa AMISOM.

3/14/2012 2:32 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilalka ka qaaday xubno ka mid ah golihiisa Wasiiradda, kuwa cusubna u magacaabay masuuliin kale.

3/14/2012 2:16 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul-goboleedka Ximan iyo xeeb, Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey) oo maalmihii ugu dambeeyey safar ku joogay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa wareysi khaas ah oo dhinacyo badan taabanaya wuxuu siiyey shabakada Hiiraan Online (HOL), kaasoo uu kaga hadlay waxqabadka maamulkiisa iyo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaanna kororka maamul-gobolleedyada.

3/14/2012 2:14 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in la geynayo ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay kawadaan Soomaaliya.

3/14/2012 2:09 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo safar ku jooga Itoobiya ayaa xalay kulan la yeeshay ra'iisul wasaaraha dalkaas, Meles Zenawi, iyagoo kawada hadlay xaaladda Soomaaliya.

3/14/2012 2:08 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Uganda, Jen. Around Nyakairima oo ka hadlayay kulan lagu soo gabgabeeyay Muqdisho oo ku saabsan ammaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay shaxda ay AMISOM uga howlgalayso gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla ee ay weli ku sugan tahay Al-shabaab.