Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha itoobiya, Meles Zenawi oo ku qabtay shir jaraa'id Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamadiisa Soomaaliya ku sugan aysan la baxayn inta laga soo celinayo ammaanka guud ee Soomaaliya.
Zenawi ayaa hadalkan jeediyay kaddib kulan uu Addis Ababa kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif, isagoo sheegay inay ciidamadiisu kula dagaalamayaan gudaha Soomaaliya xoogagga Al-shabaab.
"Marka aan Al-shabaab ka saarno gobollada ay Soomaaliya kaga sugan yihiin ayaan ku wareejin doonnaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si ay isugu ballaariyaan dalka oo dhan," ayuu Zenawi ,ku sheegay shirkiisa jaraa'id.
Ra'iisul wasaare Zenawi wuxuu sheegay in kulankii uu madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay ay intiisa badan uga hadleen xaaladda ammaan ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in Itoobiya uu waajib ka saaran yahay inay ka hortagto dhibaato kasta oo kusoo fool leh Soomaaliya.
Dhanka kale, Zenawi wuxuu Xarakada Al-shabaab ku tilmaamay koox dhibaatooyin kawada dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay la dagaalamayaan inta ay dalka oo dhan ka saarayaan.
Hadalkan kasoo baxay ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Itoobiya ay dhawaan sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Somaaliya bisha Abriil ee soo socota, markaasoo ay ciidamada AMISOM kala wareegayaan gacan ku haynta degmooyinka Baydhabo iyo Baladweyne.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya