Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2012
Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan oo la geynayo Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM

Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in la geynayo ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay kawadaan Soomaaliya.

Gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa wuxuu qayb ka yahay afar qaybood oo loo qaybiyay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya si ay uga howlgasho AMISOM markii ugu horreysay muddo shan sano ah oo ay Soomaaliya ku sugan yihiin.

"Baladweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan waxaa ka howlgalaya ciidamada Jabuuti ee kusoo biiray AMISOM, waxaana hoggaaminaya sarkaal Jabuutiyaan ah oo ay la shaqeynayaan laba sarkaal oo Uganda iyo Burundi u dhashay," ayuu yiri taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Around Nyakairima.

Ciidamada Itoobiya ee hadda gacanta ku haya Baladweyne ayaa la sheegay inay dib ugu laabanayaan soohdinta dalkooda markii la bedelo, isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay howlgalkooda oo ay ku ballaarinayaan Soomaaliya.

Haddii ay suurogasho in ciidamada Jabuuti la geeyo Baladweyne ayaa waxay tani ka dhigaysaa markii ugu horreysay oo ay ciidamadaas ka howlgalaan Soomaaliya tan iyo markii ay ka mid noqdeen ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM.

Dhanka kale, Jen. Nyakairima wuxuu sheegay in ciidammo ka socda dalka Sierra Leone ay ka mid noqonayaan kuwa AMISOM ee ka howlgalaya gobollada Jubbooyinka iyagoo wehlin doona ciidamada Kenya ee halkaas ku sugan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/14/2012 9:45 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Muqdisho iyagoo kulamo la qaatay xubno ka tirsan dowlada Somalia iyo saraakiisha AMISOM.

3/14/2012 8:57 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Tababar ugu soo xidhay dugsiga tababaradda ciidammadd Booliska ee Mandheera cutubkii u horeeyay ee si gaar ah loo tobabaro loona bixiyey ciidamadda ka jawaabidda xaaladda degdega ah (Resistant Reaction Unit), kuwaas oo ay tobabarka siinayeen khuburo dawladda Ingiriiska ah.

3/14/2012 8:56 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) —Dood-cilmiyeed looga hadlayay dilalka sii kordhaya ee loo geysanayo wariyeyaasha ka howlgala Soomaaliya iyo sida loo hormarin karo aqoonta suxufiyiinta ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah, saraakiisha ammaanka iyo ururada Bulshada.

3/14/2012 8:01 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Deegaanka Gabiley ee Somaliland ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen xaruntoodda xilkii ka qaaday Maayarkii Gabiley, Khadra Xaaji Gaydh, maayar cusubna doortay Inj. Axmed Muxumed Qaalib.

3/14/2012 7:18 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ka mamnuucday gobollada ay ka taliso hay'adda badbaada dhallaanka ee Save the Children, kaddib warbixin kasoo baxday xafiiska la socodka hay'adaha ajnabiga ah ee Al-shabaab oo loo yaqaanno OSAFA.

3/14/2012 7:13 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu xoogagga Al-shabaab iyo dad xoolaley ah ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Dhakaajo oo waxyar u jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/14/2012 7:09 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha itoobiya, Meles Zenawi oo ku qabtay shir jaraa'id Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamadiisa Soomaaliya ku sugan aysan la baxayn inta laga soo celinayo ammaanka guud ee Soomaaliya.

3/14/2012 6:31 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux labisnaa dharka ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo ay ku xirnaayeen waxybaaha qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro ninkii qaraxa fuliyay sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo kuwa AMISOM.

3/14/2012 2:32 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilalka ka qaaday xubno ka mid ah golihiisa Wasiiradda, kuwa cusubna u magacaabay masuuliin kale.

3/14/2012 2:16 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul-goboleedka Ximan iyo xeeb, Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey) oo maalmihii ugu dambeeyey safar ku joogay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa wareysi khaas ah oo dhinacyo badan taabanaya wuxuu siiyey shabakada Hiiraan Online (HOL), kaasoo uu kaga hadlay waxqabadka maamulkiisa iyo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaanna kororka maamul-gobolleedyada.

3/14/2012 2:09 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo safar ku jooga Itoobiya ayaa xalay kulan la yeeshay ra'iisul wasaaraha dalkaas, Meles Zenawi, iyagoo kawada hadlay xaaladda Soomaaliya.

3/14/2012 2:08 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Uganda, Jen. Around Nyakairima oo ka hadlayay kulan lagu soo gabgabeeyay Muqdisho oo ku saabsan ammaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay shaxda ay AMISOM uga howlgalayso gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla ee ay weli ku sugan tahay Al-shabaab.