Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2012
Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo kulan ay Addis Ababa ku yeesheen uga hadlay Arrimaha Soomaaliya

Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo safar ku jooga Itoobiya ayaa xalay kulan la yeeshay ra'iisul wasaaraha dalkaas, Meles Zenawi, iyagoo kawada hadlay xaaladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobollada Hiiraan iyo Bay, kuwaasoo gacan ku siinaya DKMG ah sidii ay uga qabsan lahaayeen gobolladaas Xarakada Al-shabaab.

Madaxa warfaafinta ee xafiiska madaxweynaha Sudaal F. Seed oo Addis Ababa ku sugan ayaa sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga labada dal, sidii ay qayb uga qaadan lahayd Itoobiya dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo sidii labada dal ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda.

"Qodobbada looga hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa sidii ay Itoobiya gacan uga siin lahayd DKMG ah dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo sidii ay mashaariicda koronto ee ay bixiso Itoobiya uga faa'iideysan lahayd Soomaaliya," ayuu yiri Suldaan oo la hadlayay warbaahinta.

Booqashada madaxaweynaha Soomaaliya uu ku tagay Addis Ababa oo ah mid hal maalin ah ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xukuumadda Itoobiya ay sheegtay inay ciidamadeeda ku sugan Baydhabo iyo Baladweyne la baxayso bisha Abriil ee sannadkan.

Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu sannadihii 2006 illaa 2008 ahaa cadowga dowladda Itoobiya isagoo dagaallo kula jiray ciidamadii Itoobiya ee xilligaas ku sugnaa xarunta Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood, balse maanta waa saaxiibka Itoobiya.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan kumannaan ciidammo Afrikaan ah kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa Itoobiya iyo Kenya oo dowladda KMG ah ee Soomaaliya ka caawinaya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo madaxweyne Shariif uu isku dayayo inay ciidamadaas sii joogaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/14/2012 9:45 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Muqdisho iyagoo kulamo la qaatay xubno ka tirsan dowlada Somalia iyo saraakiisha AMISOM.

3/14/2012 8:57 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Tababar ugu soo xidhay dugsiga tababaradda ciidammadd Booliska ee Mandheera cutubkii u horeeyay ee si gaar ah loo tobabaro loona bixiyey ciidamadda ka jawaabidda xaaladda degdega ah (Resistant Reaction Unit), kuwaas oo ay tobabarka siinayeen khuburo dawladda Ingiriiska ah.

3/14/2012 8:56 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) —Dood-cilmiyeed looga hadlayay dilalka sii kordhaya ee loo geysanayo wariyeyaasha ka howlgala Soomaaliya iyo sida loo hormarin karo aqoonta suxufiyiinta ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah, saraakiisha ammaanka iyo ururada Bulshada.

3/14/2012 8:01 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Deegaanka Gabiley ee Somaliland ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen xaruntoodda xilkii ka qaaday Maayarkii Gabiley, Khadra Xaaji Gaydh, maayar cusubna doortay Inj. Axmed Muxumed Qaalib.

3/14/2012 7:18 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ka mamnuucday gobollada ay ka taliso hay'adda badbaada dhallaanka ee Save the Children, kaddib warbixin kasoo baxday xafiiska la socodka hay'adaha ajnabiga ah ee Al-shabaab oo loo yaqaanno OSAFA.

3/14/2012 7:13 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu xoogagga Al-shabaab iyo dad xoolaley ah ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Dhakaajo oo waxyar u jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/14/2012 7:09 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha itoobiya, Meles Zenawi oo ku qabtay shir jaraa'id Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamadiisa Soomaaliya ku sugan aysan la baxayn inta laga soo celinayo ammaanka guud ee Soomaaliya.

3/14/2012 6:31 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux labisnaa dharka ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo ay ku xirnaayeen waxybaaha qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro ninkii qaraxa fuliyay sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo kuwa AMISOM.

3/14/2012 2:32 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilalka ka qaaday xubno ka mid ah golihiisa Wasiiradda, kuwa cusubna u magacaabay masuuliin kale.

3/14/2012 2:16 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul-goboleedka Ximan iyo xeeb, Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey) oo maalmihii ugu dambeeyey safar ku joogay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa wareysi khaas ah oo dhinacyo badan taabanaya wuxuu siiyey shabakada Hiiraan Online (HOL), kaasoo uu kaga hadlay waxqabadka maamulkiisa iyo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaanna kororka maamul-gobolleedyada.

3/14/2012 2:14 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in la geynayo ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay kawadaan Soomaaliya.

3/14/2012 2:08 AM EST
Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Uganda, Jen. Around Nyakairima oo ka hadlayay kulan lagu soo gabgabeeyay Muqdisho oo ku saabsan ammaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay shaxda ay AMISOM uga howlgalayso gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla ee ay weli ku sugan tahay Al-shabaab.