Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Uganda, Jen. Around Nyakairima oo ka hadlayay kulan lagu soo gabgabeeyay Muqdisho oo ku saabsan ammaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay shaxda ay AMISOM uga howlgalayso gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla ee ay weli ku sugan tahay Al-shabaab.
Jen. Nyakairima wuxuu sheegay in AMISOM ay kaga adkaanayaan Al-shabaab laga soo billaabo Koonfurta Gaalkacyo illaa Raas-kambooni, isagoo sheegay in howlgalkan uu yahay wajigii saddexaad ee howlgallada ciidamada Midowga Afrika.
"Shaki iigama jiro inaan kaga adkaannay Muqdisho, waxaana qorsheynaynaa inaan kaga adkaan doonno gobollada kale ee dalka, waadna arki doontaa," ayuu yiri Jen. Nyakairima oo ka hadlayay kulanka looga hadlay ammaanka Soomaaliya.
Taliyuhu wuxuu sheegay in afar aag loo qaybiyay Soomaaliya, isagoo sheegay in aagga koowaad oo ah Muqdisho iyo labada shabeelle ay ka howlgeli doonaan ciidammada Uganda iyo Burundi uuna hoggaaminayo taliye Uganda u dhashay.
Aagga labaad ayuu ku sheegay Jubbooyinka, wuxuuna xusay inay ka howlgeli doonaan ciidammada Kenya oo ku biiray AMISOM iyo kuwo ka socda dalka Sierra Leone oo dhwaan imaan doona dalka, wuxuuna xusay in howlgalkaas uu horkici doono taliye u dhashay dalka Kenya.
Aagga saddexaad ayaa noqday Bay iyo Bakool wuxuuna sheegay inay ka howlgeli doonaan ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi, uuna hoggaamin doono taliye u dhashay dalka Burundi oo uu ka hoos shaqeynayo taliye Uganda u dhashay.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Aagga afaraad uu noqon doono laga billaabo Baladweyne illaa Koonfurta Gaalkacyo ayna ka howgeli doonaan ciidamada dalka Jabuuti ka socda, kuwaasoo uu hoggaaminayo taliye u dhashay dalkaas oo ay ka hoos-shaqeynayaan taliye laba taliye oo u kala dhashay Uganda iyo Burundi.
Jen. Nyakairima wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay dib ugu laaban doonaan xuduudda dalkooda marka ay kala wareegaan degmooyinka ay ku sugan yihiin, isagoo xusay inay ku filan yihiin nabad kusoo celinta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya