Isniin, Maarso 12, 2012 (HOL) — Hay'adda bisha cas iyo hay'adda Kizilay ee dalka Turkiga ayaa diyaarinayaan qorshe ay Muqdisho uga dhisaan xarun lagu barto dhaqanka dalka Turkiga, taasoo uu maalgelinayo madaxweynaha dalka Turkiga.
Hay'adaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay wadaan howlo isugu jira dhinaca gargaarka bani'aadamnimada iyo horumarinta, iyagoo howlahooda billaabay markii ay abaaraha iyo macluushu ka dilaacday Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Turkiga, Cabdullaahi Guul ayaa kulan uu la yeeshay madaxa hay'adda Kizilay, Ahmet Lutfi Akar wuxuu ku ballanqaaday dhismaha xaruntan oo ay qayb ka yihiin dhimaha masjid iyo laybareeri.
Mr. Akar ayaa la sheegay in dhismaha xaruntan ka dalbaday madaxweynaha dalka Turkiga bishan todobadeedii iyadoo madaxweynaha Turkiga uu ogolaaday. sidoo kale hay'adda Kizilay ayaa waxay hirgelin doontaa iskuul lagu barto caafimaadka.
"Madaxweynaha Turkiga wuxuu gacan ka geysanaya dhismaha xarun lagu barto dhaqanka Turkiga, isagoo fiirinaya muhiimadda ay Turkiga u leedahay arrintan," ayuu mr. Akar u sheegay wargeysyada kasoo baxa dalka Turkiga qaarkood.
Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa horay u ballanqaaday inay ka hirgelinayaan Soomaaliya mashaariic fara badan oo ay ka mid yihiin iskuullo wax lagu barto iyo xarumo kale oo laga caawiyo dadka Soomaaliyeed.
Hay'adda Kizilay ayaa horay uga hirgelisay Muqdisho dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin: dhismaha 10,000 oo teendho, foorno guur-guurta oo maalin walba soo saaraysa 16,000 oo rooti iyo kushiin ay maalin walba raashin lagu kariyo raashin bisil oo 10,000 oo ay raashin ka qaataan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya