Isniin, Maarso 12, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay si weyn u adkeysay ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.
Ku-xigeenka afhayeenka booliska Kenya, Charles Owino oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidammo dheeri ah ay geeyeen soohdinta ay la wadaagaan Soomaaliya si ay uga hortagaan kooxo uu ku sheegay argagixiso dooneysa inay dalka u soo gudbaan.
Mr. Charles ayaa sheegay in ammaanka dalka ay si weyn u adkeeyeen isla markaana ciidammo dheeraad ah la geeyay goobaha muhiimka ah ee ku yaal dalka, wuxuu intaas ku daray in ciidamada lagu wargeliyay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka dalka Kenya inay la shaqeeyana ciidamada ammaanka islamarkaasina ay kusoo wargeliyaan wixii ay u arkaan inuu lid ku yahay ammaanka dalka.
Habeen ka hor ayay ahayd markii weerar bambaano ah lagu qaaday boosteejada ugu weyn ee magaalada Nairobi ee loo yaqaan "Country Bus" halkaasoo ay ku dhinteen afar qof, halka la sheegay in ilaa 39 kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan, waxaana dowladda Kenya ay weerarkaasi ku eedeeysay xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, walow masuuliyiinta Al-shabaab aysan ka jawaabin eedeyntaasi.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya