4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Dowladda Puntland oo Heshiis Iskaashi la SaxiixatayDowladda Deegaanka Somalida ee Dalka Ethiopia


Khamiis, June 21, 2012(HOL): Madaxweynaha Dowladda Puntland eeSomalia Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Faroole) ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowladda Deegaanka Somalida ee dalkaEthiopia, iyadoo uu kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda Dowladda DeegaankaSomalida (DDS) ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) oo ay Madaxweyne Faroole kasoo wada duuleen magaaladaAddis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia maalintii Jimcaha ee 15kii June 2012, iyadooMadaxdaasi iyo Wufuudii la socotay si weyn loogu soo dhaweeyey MagaaladaJigjiga, waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta DDS, Bulshada rayidka ah iyo saxaafadda.

Wafdiga Dowladda Puntland oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Faroole ayna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. CabdullahiAhmed Jamac (Ilkajir) iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa waxaa loo bandhigay xaflad-sharaf oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Maalmihii ay Wafdiga Dowladda Puntland ku sugnaayeen Magaalada Jigjiga ayaa waxaa u qabsoomay howlo muhiim ah, iyadoo Mas'uuliyiinta DDS ay soo bandhigeen warbixin ku saabsan qaabka uu maamulkoodu u shaqeeyo, mashaariicda horumarineed sida biyaha, waddooyinka iyo korontada ee ka socda deegaannada ay maamusho DDS, iyo xiriirka wada shaqayn ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Ethiopia iyo DowladdaDeegaanka Somalida ee dalka Ethiopia.


Sidoo kale, Wafdiga DowladdaPuntland ayaa booqday xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Guud oo dhismihiisa dhowaan la dhamaystiray, Jaamacadda Jigjiga oo ay dhigtaan kumanaan-kun ardaySoomaali ah, Xarunta Agoomaha ee magaalada Jigjiga, iyo Dugsiga Caafimaadka (Health College), halkaasoo Madaxweynaha Puntland uu kula kulmay arday Reer Puntland ah oo deeqo waxbarasho ah ka faa'idaysanaya.

Wafdigii Dowladda Puntland oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka DDS Cabdifatax Maxamud Xasan ayaa kulan ballaaran la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee DDS iyadoo laga wada hadlay arrimo la xiriira dhaqanka iyo isu dhawaanshaha iyo isdhexgalka dadka walaalaha ah.

Maalintii Isniinta ee 18kii June 2012 ayaawaxaa Heshiis Guud si wadajir ah u saxiixay Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole iyo Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia Cabdi Iley, iyadoo heshiiskaas uu sii xoojinayo heshiiskii Puntland iyo DDS ay wada saxiixeen 27 June 2010, waxaana Heshiiska Guud lagu xusay arrimo muhiim ah ayna ka mid yihiin Amniga iyo Ganacsiga sharci darrada ah (Security and Ilegal Trade); Dhiirigelinta Ganacsiga Sharciga ah (Lawful Commerce); iyo IskaashigaGuud ee arrimaha Horumarinta sida biyaha, waxbarashada, iskaashiga xilliyada xaaladda deg dega ah sida masiibooyinka dabiiciga ah (General Cooperation onDevelopment Affairs).


Safarkii Wafdiga Dowladda Puntland uu hoggaaminayey Madaxweyne Dr.  Cabdiraxman Faroole ayaa guul ku soo dhammaaday iyadoo la filayo in si weyn loo dardargalin doono xiriirka wada shaqayneed ee arrimaha amniga iyo ganacsiga ee ka dhaxeeyaa Puntland iyo DDS.

WafdigaPuntland ayaa maalintii Talaadada ee 19kii June 2012 gaaray magaalada Nairobi eexarunta dalka Kenya, halkasoo uu ka furmay Shirkii Madaxda Soomaalida ee la xiriiray Geedi socodka (Roadmap-ka) sida arrimaha ansixinta Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaystirka xilliga ku meel gaarka ah, si dalka Soomaaliya u helo Dowlad rasmi ah.