4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Aragtiyo laga Ururiyay Shacabka Soomaaliyeed oo lagu ogaaday inay si xooggan u taageersan yihiin Dastuurka Cusub

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Ra'yi ururin la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 75% dadka Soomaaliyeed ay taageersan yihiin dastuurka qabyo-qoraalka ah ee loo sameynayo Soomaaliya, iyadoo dadku ay diidmo ka muujiyeen in haweenka ay loo ogolaado inay jagooyinka sarsare ee dowladda qabtaan.

Ururinta fikradaha dadweynaha ayaa waxaa sameysay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo gacan ka helaysa shirkadda Google, waxaana fikradaha laga ururiyay 3,000 qof oo Soomaali ah.

Madaxa laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da, C/raxmaan Yarabroow Wehliye ayaa sheegay inay aad ugu adkaatay inay helaan dadka ku nool deegaannada ay Al-shabaab ka taliso, wuxuuna xusay in dadkii ay la xiriireen ay intooda badan baqdin ku jirtay.

"Baqdintu waa jirtaa, waayo nimankan Al-shabaab la yimaahdo ma ahan kuwo ciyaaraya... waxaana dhici karta in taleefoonno badan marka aad wacdo aad qof keliya fikir ka hesho," ayuu yiri C/raxmaan Yabarow.

Fikradaha la ururiyayay ayaa waxay sidoo kale dadku si weyn ugu taageereen inay Soomaaliya yeelato dowlad dhexe oo awood leh, waxayna sidoo kale taageereen in xuquuqda aadanaha la dhowro.

Aragtiyadan ayaa ururintooda waxaa lagu soo beegay iyadoo lagu wado in 10-ka bisha soo socota ee July la ansixiyo dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo in xilliga KMG ah laga baxo marka la gaaro bisha Ogoosto ee isla sannadkan.

Inkastoo shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay taageereen dastuurka ayaa haddana waxaa ka taagan muran ku saabsan qodobbo ka mid ah, waxaana markii la sheegay in dastuurka la ansixiyo aad uga soo horjeestay dadweynaha iyadoo uu isbedel ku yimid fikirkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya