Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Jun 16, 2012
Saraakiil ka socday ciidamada AMISOM oo Maanta gaartay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan (SAWIRRO)
Sabti, June, 16, 2012 (HOL) – Saraakiil isugu jirta Uganda, Burundi iyo Jabuuti qeybna ka ah howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay gaartay islamarkaana si wada jir ah u booqday magaalada Beledweyne.
Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen magaalada waxaa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha dowladda Itoobiya oo ay ka wada hadlleen arrimo la xiriira xaaladaha dhinaca nabad-galyada iyo waliba xoojinta ciidamada midowgga Africa “”AMISOM’’ oo hadda qeyb ka mid ah ku sugan magaalada Beledweyne.
Kulan ay si wada jira ah u qaataan wafdiga AMISOM, mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo Saraakiisha dowladda Itoobiya ayaa siweyn loogu lafaguray howl-galada ka dhan ah Xarrakada Al-shabaab iyo sidii loo soo dadajin lahaa ciidamada AMISOM inta ka dhiman, iyaga oo sheegay xubanaha maanta gaaray magaalada Beledweyne in maalmaha nagu soo foolka leh soo gaari doonaan gobollka ciidamo dheeraad ah oo ka socda midowgga Africa.
Intii ay ku sugnaayeen saraakiisha magaalada Beledweyne waxaa ay booqdeen Isbitaalka guud ee magaalada iyaga oo halkaa warbixino kaga dhageystay howl-wadeegnada Isbitaalka, waxaana ay sheegeen in qorshahoodu aheyn oo kaliya dhinaca militariga, laakiin ay doonayaan xitaa in ay gacan ka geystaan howlaha la xiriira arrimaha bulshada sida caafimaadka.
Booqashada saraakiisha AMISOM ay ku tageen magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegantay xili maalin uun ka hor uu booqday magaalada wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda KMG C/samad Macalin Max’uud oo wehliyaan xubno ka tirsan wasaarrada gaashaandhiga xukuumada KMG, Midowgga Africa iyo UN-ka intaba.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya.
Post your comments
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo soo bandhigay Cows artificial ah oo la dhigayo Garoomada Kubadda Cagta Muqdisho
6/16/2012 2:16 PM EST
Sabti, June 16, 2012(HOL): Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaca ka qaaday in uu magaalada Muqdisho soo gaaray Cowskii Artifishaalka ee lagu gogli lahaa garoonka Stadium Banaadir, iyadoo shirkadda qandaraaska hoose ee dhsimaha la siiyay ee {East African Modern Engineering company EMECO} ay soo dhameystirtay diyargarowgii hore ee dhulka cowska la dhigi doono.
Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo Muqdisho kulan ku yeeshay Qodobbana kasoo saaray
6/16/2012 9:34 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Kulan ay laba maalmood uga socday Muqdisho 10-murashax oo u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayay kasoo saareen dhowr qodob oo ku saabsan doorashooyinka, iyagoo beesha caalamka ugu baaqay inaysan madaxda dowladda KMG ah u isticmaalin doorashada gargaarka ay beesha caalamka ka helaan.
Hay'adda WHO oo dib u furtay Xaruntii Caafimaad ee Degmada Xudur kaddib markii laga saaray Al-shabaab (SAWIRRO)
6/16/2012 8:59 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dib u furtay xaruntii caafimaadka degmada Xudur ee gobolka Bay, kaddib markii laga saaray xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay muddo afarta sano ku dhow.
Wasaarada Waxbarashadda Somaliland oo shaacisay Xilliga uu dhacayo Imtixaamka Shahaadiga ee Dugsiyadda Dhexe iyo Sare
6/16/2012 8:45 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Marwo: Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay wakhtiga rasmiga ah ee imtixaanka shahaadiga ah Dugsiyadda dhexe iyo kuwa Sareba ka bilaabmi doono Somaliland, iyadoo sheegan in bishan June sodankeedda uu imtixaanku u bilaabmi doono, waxaanay ardayda ugu bushaaraysay in niyad sami ku galaan imtixaankaasi.
Guddiga Qoraalka Dastuurka oo sheegay inuu dib u dhac ku yimid qorshe ay kusoo bandhigi lahaayeen Dastuurka
6/16/2012 8:20 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Guddiga qoraalka dastuurka Soomaaliya ayaa maanta sheegay inuu dib u dhac ku yimid qorshe ay ku doonayeen inay dastuurka kusoo bandhigaan, iyagoo sheegay in toddobaadka soo socda ya soo bandhigi doonaan.
Ciidanka Somaliland oo Hawl-gal ka sameeyey deegaanka Tuka-Raq oo hoos-yimaada maamulka Khaatumo
6/16/2012 8:01 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mr: Axmed X. Cali Cadami ayaa sheegay in hawlgal uu ciidanka Milatariga Somaliland ka sameeyey Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ciidamo Maamulka khaamuto State hore u fadhiyeen ay kala wareegeen.
Dhaxal-Sugihii Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo ku geeriyooday Magaalada Geneva ee dalka Swizerland
6/16/2012 8:01 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Telefishinka dalka Sucuudiga ayaa maanta oo Sabti ah baahiyay in dhaxal-sugihii boqortooyada Saudi Arabia, Na'if Bin Cabdul-casiis Aala-Sucuud uu ku dhintay magaalada Geneve ee dalka Swizerland.
Dagaal Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhex-maray Degmada Qansax-dheere
6/16/2012 7:28 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay lix qof oo u badan dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaal maanta ka dhacay degmada Qansax-dheere ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.
Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose
6/16/2012 6:46 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaar waxyaabaha qaraxa laga buuxiyay ayaa goor dhaweyd ka dhacay degmada Afgooyer ee gobolka Shabeellad hoose, waxaana mas'uuliyadda weerarkan sheegatay Al-shabaab.
Dooni u rarnayd Ganacsato Soomaaliyeed oo ku degtay Dekedda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
6/16/2012 6:02 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Doon siday shixnado ganacsi oo u rarnayd ganacsato Soomaali ah ayaa ku dagtay meel u dhow dekedda Magaalada Kismaayo, kadib markii ay ku dhacday Jamal ku yaalla Badda Dhexdeeda.
Ahlusunna Waljamaaca oo sheegay in degmada Ceelbuur ay uga soo baxeen sababo la xiriira qaabkii dagaalka oo ay bedeleen
6/16/2012 3:17 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay bedeleen qaabkii ay kula dagaalami jireen Al-shabaab, taasna ay keentay inay isaga soo baxaan deegaanno ka tirsan gobolkaas oo ay ka mid tahay degmada Ceelbuur.
Ganacsato Soomaali ah oo bilihii ugu dambeeyay dalka Koonfur Afrika loogu geystay falal isugu jira dil, dhac iyo boob-hantiyeed
6/16/2012 3:16 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Labadii bilood ee lasoo dhaafay dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay in ka badan 10-ganacsato Soomaaliyeed ah tiro intaasi ka badana waa lagu dhaawacay, waxaa kaloo loo geystay boob-hanitiyeed oo aad u ballaaran.
Dagaallo saacado badan qaatay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo iyo guulo laga kala sheegtay
6/16/2012 3:13 AM EST
Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 12-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaallo culus oo shalay illaa xalay ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Somali News
Somaliland forces seize territory in the south
-
SomalilandPress
6/16/2012 12:06 PM EST
LAS ANOD — The Somaliland military have seized a strategic territory near the Somalia border following an offensive against an outlawed separatist rebel on Saturday.
Suicide blast hits Somali base outside capital
-
Reuters
6/16/2012 12:01 PM EST
MOGADISHU (Reuters) - An al Shabaab suicide bomber rammed a vehicle packed with explosives into the gate of a government base in Afgoye outside the Somali capital on Saturday causing casualties, the police and rebels said.
Q&A: Many new refugees call Twin Cities home
-
Minnesota Public Radio
6/16/2012 8:32 AM EST
Saturday is Twin Cities World Refugee Day. The United Nations refugee agency reports that Minneapolis and St. Paul have both been among the top five cities for refugee resettlement in the last decade.
Iran Urges Int'l Efforts to Fight Piracy
-
Fars News Agency
6/16/2012 8:30 AM EST
Director-General of Iran's Ports and Shipping Organization for Maritime Affairs Ali Estiri underlined the necessity of collective efforts by the international community to fight sea piracy in the world.
Dadaab: camps cannot go on
-
MSF UK
6/16/2012 6:47 AM EST
MSF calls for solutions for Dadaab’s half a million Somali refugees. It is only a matter of time before the next emergency hits Dadaab refugee camp, says a briefing paper released today by Médecins Sans Frontières/Doctors Without Borders (MSF) ahead of World Refugee Day (Wednesday 20 June).
Somali government releases two men found guilty in killing the journalist, Hassan Fantastic
-
allvoices
6/16/2012 6:01 AM EST
The family of Hassan Osman Abdi “ Hassan Fantastic” the assassinated journalist of Radio Shabelle Director disheartened about the news of two men held for his killing case that the central prison of Mogadishu released last Thursday on 7th June after taking bribe without bringing before the justice.
White House: Military is fighting terrorism in Somalia and Yemen
-
CNN
6/16/2012 5:50 AM EST
For the first time, the Obama administration has publicly stated that U.S. military forces are engaged in direct action against suspected terrorists in Yemen and Somalia.
Kenya repulses Al Shabaab with aerial firepower
-
The Standard
6/16/2012 5:31 AM EST
Even though Kenya gives the impression that its military adventure in Somalia was precipitated by increased incidents of kidnapping of tourists, a look at how it has waged the campaign against the Somali militia group suggests a carefully and meticulously executed plan.
Kenyan al-Shabab Fighters Present Problems for Families
-
VOA
6/16/2012 5:05 AM EST
The Somali militant group al-Shabab has long relied on an extensive funding and recruitment network funneled through a community-based organization in Kenya called the Muslim Youth Center. Kenyans say there has been a devastating impact on the community resulting from hundreds of young men leaving their families to join the Islamist movement.