Hiiraan Online
Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, July 30, 2012
Qiimaha Maciishada Somaliland oo sare u kacay bisha Ramadaan iyo Sarifka Doolarka oo hoos u dhac uu ku yimid
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Qiimaha badeecadaha quutul-daruuriga ah ayaa sare u kac uu ku yimid bishan barakaysan ee Ramadaan, halka qiimihii sarifka doollarkuna hoos uga dhacay suuqyada sarifka Somaliland.
Jamaal Xuseen Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatadda Somaliland oo isbedelka ku dhacay qiimaha meceeshadda HOL uga waramay ayaa sheegay in guud ahaan bisha Ramadaan ay korodho qiimaha meceeshaddu, waxaanu sheegay in qaybna sare u kaceen, halka qarkoodna aanay wax is bedel ahi ku dhicin.
Sidoo kale, waxa magaaladda Hargeysa aad looga waayey timirta oo ah raashinka aadka loo isticmaalo bishan Barakaysan ee Ramadaan, waxaana la sheegayaa inuu ku yimid kala go’, iyadoo arirntaasna lagu sababeeyey baahidda Timirta oo badatay iyo ganacsatadii keeni jiray oo midba mid kale ku haleeyey keenista Timirta, taasina ay keentay inay kala go’do, maadaama oo bishii hore ee Ramadaan ay ku khasaareen ka dib markii Timir badan la keenay, isla markaana ay keentay in qoloba qolada kale is tidhaa way keeni timirta ayuu ku sababeeyey ganacsade aanu wax ka waydiinay yaraanshaha Timirta ee sanadkan, waxaanu sheegay in barigii hore labaatan Koontineer la keeni jiray, balse sanadkan la keenay toban koontiinar, taasina ay keentay Timir yaraanta jirta.
Si kastaba ha ahaatee, Raashinka kordhay iyo Ramadaanta ka hor inta ay ahaan jireen ayaa faraq weyne u dhexeeyaa, waxaana Gadbadda Bariiska ee 50Kg ramadaanta ka hor lagu iibin jiray 26 doollar, waxayna imika lagu iibinaya $27.5 dollar, Sonkorta 50kg waxa hore u joogtay 27 dollar, imikana 28.5 dollar, Daqiiqdu wax weyn isma bedelin hore waxa lagu iibin jiray 25 dollar imikana 25.5 dollar, Jirikaanka (Caagadda) Saliidda ah ee 10 Litir waxa hore loogu iibin jiray 26 dollar, imikana 27 dollar.
Sidoo kale, waxyaalaha kor u kacay waxa ka mid ah Khudaarta oo bishan Ramadaan aad loo isticmaalo waxaana ka mid ah khudaarta Qaali garowday Basasha 12 Kg oo loo yaqaan (Faraasilad) waxa hore lagu iibin jiray 6 dollar, halka ay imika ka noqotay 12 dollar, Baradhadda 12 Kg waxa hore loogu iibin jiray 25,000 SHSL (shan iyo labaatan kun oo Shiling Somaliland ah), imika waxa lagu iibiyaa 40,000 SHSL (Afartan kun oo Somaliland shilling ah).
Sidoo kale, Tanaga Timirta waxa hore loo kala siisan jiray 12 dollar, imika waxa lagu iibinayey 18 doollar, Meceeshadda aan is bedelin waxaa ka mid ah Caanaha oo wax isbedel ahi ku dhicin waxaana laguna iibinayey 14 dollar, sharaabka budada oo ah mid aad loo isticmaalo waxa isna uu marayaa 7.5 doollor, halka sharaabka kale ee Ilotaango loo yaqaana lagu iibinayo 5 dollar, Kartoonka Baastaddu waxba isma bedelin oo waxa markii hore iyo imikaba la kala siistaa 10 dollar, kalluunka ayaa isna wax qiimo korodh ahi ku dhicin waxaana kartoonkiisa lagu iibinayey 12 dollar.
Sidoo kale, waxa iyana hoos u dhac ku yimid sarifkii lacagta Doollar ah oo qoysas badan oo dibadda laga soo biiliyo ay wax badan ka go’ayaan marka shilin Somaliland loogu bedelo, waxaana barigii hore boqolka dollar lagu sarifi jiray 670,000 SHSL, waxa imika lagu sarifaa 640,000 SHSL (Somaliland Shilling), taas oo dhibaato ku ah qoysas badan ka dib markii lacagtii dollarka ee masruufka u qaadan jireen hoos u dhac ku yimid, halka raashinkiina sare u kaceen.
Sidoo kale, waxa iyana sanadkan aad u soo go’ay Xabxabkii oo bishan Ramadaan dadweynaha sooman aad u jecel yihiin,kuwaas oo aad loo iibsado, isla markaana meel kasta laga helayo, haseyeeshee qiimo go’an oo la kala siistaa ma jirto nin waliba waxa uu doono ayuu siinayaa, waxaanu iskugu jira nooc yayar yar, qaar dhexe iyo kuwa waaweyn, waxaana ka u weyn lagu iibinayey 20,000 SHSL, halka ka u yarna lagu iibinayey 8,000 SHSL.
Si kastaba ha ahaatee, danyarta magaaladda Hargeysa ayaa goyn kari waayey Timirtii bishi Ramadaan, maadaama oo uu aad u qaali garowday, meelo badan aan lagu iibin, waxaana la sheegayaa inay intii taalayna hore loo boobay, taasina waxay keentay in sanadkan danyartii Timir la’aani ku dhacday.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Madaxweynaha Galmudug oo Taageeray Shirka Ansixinayo Dastuurka ee Muqdisho ka socda kana digay Doorashooyin ka dhaca Galmudug
7/30/2012 9:25 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Col. Maxamed Axmed Caalin oo ku sugan magaalada Nairobi oo dhawaan wadnaha looga qalay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo shirka ansixinta dastuurka ee Muqdisho ka socda, isagoo ka digay doorashooyin madaxweyne oo ka dhaca Galmudug.
Beelaha Shanaad oo dibadbax casho ah ka dhigay gudaha Xarunta uu ka socdo shirka Ansixinta Dastuurka Cusub
7/30/2012 8:55 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ergooyinka beesha shanaad ayaa waxay maanta ka dhigeen xarunta uu shirku ka socdo dibadbax cabasho ah, kaasoo ay ku sheegeen inay kaga soo horjeedaan nidaamka 4.5-ka ee lagu qaybsado awoodda dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Horkacayo oo Degmada Afgooye kula kulmay Waxgaradka degmadaas
7/30/2012 6:59 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyay ka geysanayeen ciidamada DKMG ah falal ammaan-darro, iyagoo la kulmay waxgaradka degmadaas
Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho oo la Guddoonsiiyay Qalab Casri ah oo ay Dowladda Turkigu ugu deeqday
7/30/2012 3:39 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Daaladda jaamacadaha Soomaaliya ee Somali-Ren ayaa deeq ka kooba kambiyuutarrro iyo birinto casri ah oo ay ugu deeqday dowladda Turkiga ku wareejisay jaamacadda Simad oo ka mid ah jaamadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo muujiyay rajada uu ka qabo in la Ansixiyo Dastuurka oo uu weli muran ka taagan yahay
7/30/2012 3:23 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo kormeer ku tahay Axaddii shalay xarunta uu ka socdo shirka ansixinta dastuurka ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in muddadii horay loogu qabtay lagu ansixiyo dastuurka qaybyada ah.
Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo illaa xalay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay
7/30/2012 3:17 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay tan iyo xalay ka jireen dhaqaaq ciidan oo ay sameynayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya.
Somali News
US Prosecutors Want Accused Hostage Negotiator Returned to Custody
-
BLT
7/30/2012 2:01 PM EST
A federal appeals court in Washington has agreed to expedite a dispute over whether a Somali man accused of serving as a hostage negotiator for pirates should be returned to federal custody and held without bond pending trial.
TÁNAISTE Announces €3 MIllion in Vital Aid for Somalia
-
IMFA
7/30/2012 1:47 PM EST
The Tánaiste and Minister for Foreign Affairs and Trade, Eamon Gilmore TD, today announced €3 million in life-saving assistance to Somalia during a visit to the capital, Mogadishu. The funding will provide food, shelter and other vital assistance to thousands of Somalis affected by conflict and hunger.
Economy tops Kenyans’ worry list
-
CapitalFM
7/30/2012 5:40 AM EST
The most pressing issue facing Kenyans at the moment is the slow growth of the economy, according to a recent survey.
Refugees in SA compare Olympics to their lives
-
WOAI
7/30/2012 5:38 AM EST
A group of young refugees from Asia and Africa, living in San Antonio are keeping a close watch on the Olympics as they cheer on their home countries and their newly adopted USA.
Range Resources says Shabeel North will go deeper than planned to explore lower levels
-
PI
7/30/2012 5:36 AM EST
Shabeel North well in Puntland, Somalia will be drilled deeper than planned to try to find oil at lower levels.
Somali National Constituent Assembly continues despite mortar attack
-
Sabahi Online
7/30/2012 5:22 AM EST
Somalia's National Constituent Assembly (NCA) reconvened on Saturday (July 28th) after Friday's meeting was delayed, Somalia's Garowe Online reported.
Al-Shabaab kill Safaricom driver
-
The Standard Digital
7/30/2012 5:19 AM EST
One driver was shot dead in an attack by suspected Al-Shabaab militants on a car belonging to a mobile phone dealer in Mandera.
Zenawi's exit? Why EAC should worry
-
Daily Ethiopia
7/30/2012 5:17 AM EST
With Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi seriously ill, East African leaders need to start worrying about what his impending exit will mean for the region.
Accused barbecue shooter is Somalian refugee
-
CANOE
7/30/2012 5:11 AM EST
An accused gunman charged with firing a weapon at a Scarborough barbeque where two people were killed and 23 others wounded arrived in Canada as a refugee from Somalia seeking a better life, border officials say.
Somali forces rebuff al-Shabaab in Hudur
-
Sabahi Online
7/30/2012 5:08 AM EST
Fighting broke out Friday (July 27th) between al-Shabaab and Somalia's Transitional Federal Government (TFG) forces in the town of Hudur, capital of the Bakol region, said Hudur District Commissioner Mohamed Moallin.
Somalia gets extra €3m aid
-
Irish Independent
7/30/2012 5:06 AM EST
TANAISTE Eamon Gilmore has announced a €3m aid package to provide food and shelter for Somalian people hit by war and famine, writes Fionnan Sheahan.
Somalia's cause is Ireland's cause, says Tánaiste on visit
-
Irish Times
7/30/2012 5:05 AM EST
TWENTY YEARS after Mary Robinson shed tears at the plight of Somalis caught up in a devastating famine, another senior Irish politician has witnessed at first hand the realities of this ravaged country.