Hiiraan Online
Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, July 23, 2012
Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay in Xildhibaannada soo socda ay leeyihiin wax ka bedelka Dastuurka Qabyada ah
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wareysi siiyay telefishinka ku hadla afka dowladda KMG ah ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin wax ka bedelka dastuurka, qorshaha looga baxayo xilliga KMG ah iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin inuu beeniyay inuu ka mid yahay kooxda Aala-Sheekh.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay dhameystirto xilliga KMG ah oo ay ka harsan tahay 25-maalmood, isagoo sheegay in howsha uu hayo ay tahay mid uu ummadda Soomaaliyeed u hayo, balse aysan jirin koox uu si gaar ah ugu shaqeeyo.
"Runtii waa guul in siyaasiyiinta Soomaalida ay heshiis ku gaaraan in la dhameystiro xilliga KMG ah uuna dalku yeesho dastuur. Dastuurka wax ka bedelkiisa iyo wax ku daristiisa waxaa leh baarlamaanka soo socda, afarta sano ama shanta ee soo socotana waa laga shaqeyn doonaa illaa uu afti qaran ka gaaro, eedeymaha loosoo jeedinayo saxiixayaashana waa kuwo sal iyo raad aan lahayn oo la been abuuray," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa tilmaamay inay howlaha harsan ku dhameystiri doonaan muddada yar ee ka harsan xilliga ay shaqeynayso dowladda Soomaaliya ee hadda jirta isagoo xusay inay socoto soo xulidda xubnaha baarlamaanka.
"Waxaan rajeynayaa in muddada yar ee harsan lagu dhameystiro howlaha ka harsan ka bixitaanka xilliga KMG ah, wax walbana waxay ku qabsoomi doonaan sidii loogu tala galay," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in dib u dhac uu imaan karo.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomalaiya, wuxuu sheegay inuusan jirin xisbi ama koox la yiraahdo Aala-Sheekh oo uu isagu ka tirsan yahay, isagoo xusay inay yihiin wararkaas kuwo been ah oo aan jirin.
"Ma jiro xisbi la yiraahdo Aala-Sheekh oo aan ka tirsanahay, waan ku faanayaan inaan ahay ruux ku dhaggan diintiisa. Waxaa la isugu soo barbaariyay diinta Islaamka ee la iguma barbaarin koox," ayuu yiri Sheekh Shariif. "Waa jirtaa inaan leeyahay saaxiibbo, balse waxaan madaxweyne u ahay Soomaalida oo dhan, intana ma soo gaari lahayn haddaan u fikirayo sida ay dadka qaarkood u fikirayaan."
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay soo dhaweynayso cid walba oo kasoo goosata Al-shabaab, isagoo xusay inaysan ogolayn Al-shabaab inay wadahadal la galaan dowladda, balse ay iyaga ka go'an tahay inay soo dhaweeyaan cid walba oo dhankooda kusoo biirta.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Gudoomiyihii hore ee SSC oo maanta Buuhoodle gaarey kadib markii uu mudo Garoowe ku sugnaa
7/23/2012 2:21 PM EST
Isniin, July 23, 2012(HOL): Gudoomiyihii hore ee ururka SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa maanta waxaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaala madaxda gobolka Cayn ee Buuhoodle. Xagla-toosiye oo dhowaan dalka dibadiisa kasoo laabtay wuxuu beryihii u danbeeyey ku sugnaa magaala madaxda Puntland ee Garoowe.
Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo bilaabay howgal balaaran oo lagu raadinayo Kooxaha Burcadbadeedda ah
7/23/2012 9:52 AM EST
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka bilaabmay howgal balaaran oo ay ciidamada maamulka Puntland ku raad goobayaan kooxo la sheegay in ay Burcad-badeed yihiin, islamarkaana xiliyada qaar khal khal geliya ammaanka iyo xasiloonida guud ee gobolka.
Danjire Augustine Mahiga oo sheegay in la kordhinayo tirada Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Soomalaiya
7/23/2012 8:39 AM EST
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in tirada xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo horay loo go'aamiyay inay noqdaan 225 xubnood laga dhigayo 275-xubnood.
Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya oo odayaasha dhaqanka ka dalbaday in la ilaaliyo Saamiga Haweenka
7/23/2012 8:38 AM EST
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay odayaasha dhaqanku ku lahaayeen Muqdisho, isagoo ku boorriyay inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo xulaan ergooyinka laga sugayo.
Xisbiga UDUB oo Muddooyinkii u dambeeyey uu khilaaf hareeyay oo sheegay xilliga uu qabsoomi doono Shirweynihii Golahooga Dhexe
7/23/2012 8:35 AM EST
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB oo laba garab u kala jabay ayaa shaaciyey wakhtiga ay shirweynahoodda golaha dhexe qabsoomi doonaan.
Odayaal dhaqameedyo shaaciyay maanta inay ka baxeen shirka Odayaasha Dhaqanka uga socda Magaalada Muqdisho
7/23/2012 7:24 AM EST
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Odayaal dhaqameedyo ka qayb-galayay shirka ka socda Muqdisho ayaa sheegay maanta inay isaga baxeen shirkaas, kaddib markii ay ogaadeen inaan talo looga baahnayn, sidoo kalena aysan lahayn awood ay wax ku sixi karaan.
Haweeney Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka Finland oo isku soo taagtay doorashada Madaxweynenimo ee Soomaaliya
7/23/2012 6:50 AM EST
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu wado in bisha Ogoosto ee sannadkan ay ka dhacdo Muqdisho doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, ayaa waxaa xilkaas isku taagnay haweeneydii ugu horreysay oo rajo ka qabta inay Soomaaliya madaxweyne ka noqto.
Guddiga Wanaag farista Somaliland oo shacabka weydiistay in loosoo sheego meelaha dadka aan soomin cuntooyinka loogu kariyo
7/23/2012 6:47 AM EST
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Guddiga wanaag-farista Iyo Xumaan Reebista ayaa bilaabay olole ka dhan ah ma soomayaasha caadaystay inay bisha la sooman yahay aan soomin, kuwaas oo meelo qarsoodi ah cuntooyin loogu sameeyo.
Kulan looga hadlayay sidii lagu furi lahaa Safaaradda Somalia ee dalka Koonfur Afrika oo lagu qabtay Magaalada Cape Town
7/23/2012 4:16 AM EST
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Munaasabad afur ah oo ka dhacday hoteelka Capetonian ee ku yaalla xeebta magaalada Cape Town ee Gobolka Western Cape ayaa looga hadlay sidii lagu furi lahaa safaaradda ay ku yeelanayso Soomaaliya dalka Koonfur Afrika.
Shirweynihii Ansixinta Qaybo-qoraalka Dastuurka Soomaaliya oo markii saddexaad uu Maanta dib u dhac ku yimid
7/23/2012 3:39 AM EST
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Waxaa markii saddexaad maanta dib u dhac uu ku yimid shirkii ansixint dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, iyadoo dib u dhaca lagu sheegay mid farsamo oo maanta la xallinayo.
Xarakada Al-shabaab oo toogasho ku dishay Saddex dhallinyaro oo ay ku eedeysay in ay la shaqeynayeen Hay'ado Sirdoon
7/23/2012 3:34 AM EST
Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah Axadii ku dilay saddex ruux oo ka tirsanaa xoogaggeeda, kuwaasoo ay ku eedaysay inay sir-doon u ahaayeen hay’adaha muqaadaraadka dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, sida ay soo warisay wakaalada wararka ee AP.
Somali News
Judge assails prosecutors in Somali pirate case
-
AP
7/23/2012 5:08 PM EST
The judge overseeing the case of a Somali man accused of negotiating a ransom payment during a 2008 pirate takeover of a Danish merchant told prosecutors they had engaged in "inexcusable behavior."
White House Targets Somalia Reform Obstructors, Shabaab Charcoal Trade
-
Wall Street Journal
7/23/2012 3:32 PM EST
The White House late Friday issued an executive order targeting those who impede on Somalia’s political transition.
Separatist storm brewing on Kenya's coast
-
Reuters
7/23/2012 3:29 PM EST
MOMBASA, Kenya, July 23 (Reuters) - Near the white sandy beaches along Kenya's coast where tourists sip cocktails in the sun, graffiti scrawled on walls proclaims 'Pwani si Kenya' or 'The Coast is not Kenya'.
Iranians on trial in Kenya deny bomb plot charges
-
Reuters
7/23/2012 3:26 PM EST
NAIROBI (Reuters) - Two Iranians suspected of plotting to make bombs for attacks in Kenyan cities denied the charges against them at the first day of their trial in Nairobi on Monday.
Somali president 'very confident' of new term
-
Radio Netherlands
7/23/2012 3:24 PM EST
The head of Somalia's corruption-riddled government said Monday he expects to be re-selected as president of the war-torn Horn of Africa nation when his current mandate expires next month.
Somaliland moves towards new banking era
-
Guardian
7/23/2012 1:10 PM EST
Hargeisa (The Guardian) - Without formal banks, Somaliland lacks cash machines or credit cardfacilities, obliging visitors to the country to bring in wads of dollars. But that is about to change as the former British protectorate is poised to pass a banking law that will, for the first time, allow companies to operate as formal banks...
True Blood: K'naan and the New Testament
-
HoustonPress
7/23/2012 12:05 PM EST
This column is fairly formulaic. I recap the episode, mention the song, and wed it together with duct tape, booze and sleep deprivation. This week, though, I have to say that True Blood's music selection has reached what is probably its absolute height. Ladies and gentlemen, meet K'naan
Police warn of likely terror attacks during Ramadhan
-
The Standard Digital
7/23/2012 7:44 AM EST
Security has been tightened in churches and social gatherings across the country following reports that Al Shabaab is planning terror attacks during the month of Ramadhan.
Disappointment for Range and Red Emperor in Somalia
-
Interactive Investor
7/23/2012 7:32 AM EST
Disappointment rained down on Range Resources (RRL) and Red Emperor Resources (RMP) investors on Monday as the companies found water, rather than oil, in their Shabeel North well in Somalia.
Police arrest four Al-Shabaab terror suspects in Malindi
-
Xinhua
7/23/2012 7:27 AM EST
Kenya’s police on Sunday arrested four Al-Shabaab terror suspects in the coastal town of Malindi as the authorities enhanced security across the east African nation.
Some students hoping citizenship comes in time to vote
-
WC Tribune
7/23/2012 7:25 AM EST
If the timing is right, Ruqiya Kahin and Khadra Dayl may be able to vote on Nov. 6.
African Union encourages Somalis to stay focused on transition during Ramadan
-
Sabahi
7/23/2012 7:22 AM EST
The African Union extended Ramadan greetings to Somalia in a news release Friday (July 20th), encouraging the Somali people to continue making progress in their transition to permanent government.
Puntland seizes boat smuggling weapons from al-Qaeda
-
Sabahi Online
7/23/2012 7:21 AM EST
Puntland authorities announced they captured a ship carrying explosives from Yemen to Somalia on Friday (July 20th), the Yemen Post reported.
Somali exile in Finland bids to win presidency
-
YLE News
7/23/2012 7:17 AM EST
The strife-torn east African land of Somalia is to elect a new president this August. Some 20 candidates are vying for the post, including one exile in Helsinki.
Soccer Tournament Takes Place at Ankara Stadium in Mogadishu
-
JT Weekly
7/23/2012 7:14 AM EST
A soccer tournament took place at the Ankara Stadium built by the Turkish Red Crescent Aid Society in Mogadishu, Somalia on Saturday.
Somalia's al Shabaab executes three of its own for treason
-
Reuters
7/23/2012 7:09 AM EST
Somalia's Islamist al Shabaab militants said on Sunday they had executed three of their own members for treason, two of them for guiding U.S. missiles to kill fellow militants.