Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, July 22, 2012
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo markii ugu Horreysay lagu qabtay Imtixaan loogu Tartamayo deeq waxbarasho
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 22-sano ka hor waxaa maanta lagu qabtay imtixaan loogu tartamayo deeq waxbrasaho.
Deeqdan waxbarasho oo ka timid dalka Suudaan ayaa waxaa gobolka Bay garsiisay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee DKMG ah, iyadoo ay ka qaybgaleen imtixaanka arday isugu jira rag iyo dumar.
Hormuudka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Axmed (Kalaay) ayaa sheegay in 150-arday ay ka qaybgaleen imtixaanka loogu tartamayo deeqdan waxbarsaho, kuwaasoo ka qalin-jabiyay dugsiyada sare ee Baydhabo, iyadoo uu ka ahaa goobjoog imitxaankan gudoomiyaha guddiga waxbashada Gobolka Bay Dr. Cabdinuur Cali Xasan (Dr. Aroosow).
“Wax walba ha nagu qaatee waxaan diyaar u nahay inaan ka miro dhalinno inuu gobolku gaaro horumar dhinaca waxbarashada ah. Alle mahadii deeqdan waa tii ugu horreysay oo naga soo gaarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya” ayuu yiri Dr. Cabdinuur Aroosow.
Guddoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed (Biikole) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay fursadda qaaliga ee soo martay dadka ku nool degmada Baydhabo iyo gobolka oo dhan, waxayna ku timid nabad-galayada oo ah mid la isku halleyn karo.
"Waxaan ku faani karnaa inuu gobolkan leeyahay Jaamacad ayna ka qalin-jibiyeen dhowr dufcadood, dowladdana waxaan ka codsanaynaa inay deeqdan aysan noqon deeqdii ugu horreysay uguna dambeysay ee soo gaarta gobolka," ayuu yiri Xasan Biikole.
Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ee ay ciidamada Itoobiya kala wareegeen Xarakada Al-shabaab bishii Feberaayo ee sannadkan, waxaana tan iyo xilligaas ka jiray degmadaas maamulkii dowladda KMG ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Munaasabad lagu maamuusayay xoojinta Af-Soomaaliga Qoran oo lagu qabtay London (DAAWO SAWIRRO)
7/22/2012 6:37 PM EST
Axad, July 22, 2012(HOL) Bandhig isugu jiray soo bandhigid buugaag ay qoreen abwaanno dalkeenna sida aadka ah looga qadderiyo oo ay ka mid yihiin Maxamed Ibrahim Hadraawe iyo Mustafa Sheekh Cilmi.
Ururka PSA oo deeq Marawaxado ka kooban gaarsiiyey maxaabiista ku jirta xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso [SAWIRO]
7/22/2012 11:08 AM EST
Axad, July 22, 2012(HOL) — Ururka dhalinyarada iyo horumarinta arimaha bulshada Puntland (PSA) ayaa maanta deeq Marawaxado ka kooban gaarsiiyey xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso (Gaal-shire).
Guddoomiye dhawaan ay DKMG u Magacaawday Maamulka Degmada Baladweyne oo baaq u diray Hay'addaha Samafalka
7/22/2012 9:07 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha dhawaan dowladda KMG Soomaaliya u soo magacaawday maamulka degmada Baladweyne, Xuseen Ibraahim Cabdi (Gurey) ayaa markii ugu horreysay baaq u diray hay’addaha samafalka ka howlgala magaalada.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo gargaar afurin ah gaarsiisay Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
7/22/2012 8:36 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa waxay maanta gargaar afurin ah gaarsiisay maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Muqdihso iyadoo gargaarkaas lagu wareejiyay taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jen. Cabdi Maxamed Ismaaciil iyo wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta DKMG ah, Axmed Xasan Gaboobe.
Mudaaharaadayaal Muslimiin ah iyo Ciidamada Booliiska Itoobiya oo Iskahorimaad uu ku dhexmaray Waqooyiga Addis Ababa
7/22/2012 8:07 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Iskahorimaad ku dhexeeyay dibadbaxayaal muslimiin ah iyo booliiska Itoobiya ayaa shalay oo Sabti ahayd ka dhacay waqooyiga Addis Ababa oo ah xarunta dalka Itoobiya, inkastoo iskahorimaadkaas uusan sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah, haddana waxay booliisku xireen tiro dibadbaxayaasha ka mid ahaa.
Iskahorimaad ka dhacay Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Xiisado ka taagan Jubbooyinka
7/22/2012 7:42 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Iska-horimaad xooggan ayaa xalay ka dhacay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose kaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.
Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland oo sheegay in la boobay dhulkii Garoonka Diyaaradaha Burco, amarna ku bixiyey in loosoo celinayo
7/22/2012 6:55 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland oo hogaaminayo wefti iskugu jira, wasiiro iyo xildhibaano, ayaa olole bannayn ah ka bilaabay garoonkii diyaaradaha ee magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaas oo muddo badan aan shaqayn.
Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda KMG ah ku dhexmaray Magaalada Muqdisho
7/22/2012 6:53 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Qof haweeney ah ayaa ku dhimatay, laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ciidammo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ku dhexmaray maanta oo Axad ah waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Galguduud oo Dowladdu ay dhawaan magacowday oo maanta gaaray Degmada Guriceel
7/22/2012 4:23 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Galguduud ay dowladda KMG toddobaadkii hore u magacowday gobolkaas, Yuusuf Xasan Ciyoow iyo xubno wehlinaya ayaa saakay ka dagay garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne fara badan.
AMISOM oo sheegay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah ay hub ka heleen Saldhig ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Gedo
7/22/2012 3:59 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay maanta oo Axad ah ayay ku sheegtay in ciidamadooda ka socda dalka Kenya iyo kuwa DKMG ah ee ku sugan gobolka ay hub ka heleen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Tarako ee gobolka Gedo, aroortii hore ee Salaasadii lasoo dhaafay.
Somali News
Mogadishu hosts football tournament
-
Hurriyet
7/22/2012 6:10 PM EST
A football tournament has been organized between the offices of regional sub-governors at the Ankara Stadium, built by the Turkish Red Crescent Aid Society in Mogadishu, Somalia.
Al-Shabab executes 3 members
-
AP
7/22/2012 6:05 PM EST
MOGADISHU, Somalia — Somalia’s most powerful terrorist group publicly executed three of its members Sunday, accusing them of spying on the militants for U.S. and British intelligence agencies.
Dahabshiil denies Anonymous behind cyber-attack
-
News.com
7/22/2012 2:59 PM EST
DAHABSHIIL, the international funds transfer company based in the Middle East, says Anonymous was not responsible for the attack on its banking systems.
Al-Shabaab threatens to undertake massive destruction over Ramadan
-
Newstime Africa
7/22/2012 8:27 AM EST
Nairobi Police boss warns that the Somalia militia group Al-Shabaab has issued fresh warnings of plans set to undertake terror attacks during the Holy month of Ramadhan that is expected to kick off today.
Somalia: Yemeni carrying explosives, apprehended by Puntland port police
-
GO
7/22/2012 8:24 AM EST
Puntland police forces with the help of the Alula community in Bari region, intercepted a boat carrying explosives and weapons bound to Somalia from Yemen, Radio Garowe reports.
Two suspects arrested in Kitale in possession of grenades
-
Daily Nation
7/22/2012 7:32 AM EST
Two suspected terrorists in possession of two hand grenades have been arrested in Kitale, police say.
Pentagon eyes drones for Kenya to fight militants nearby
-
Reuters
7/22/2012 7:28 AM EST
The Pentagon is seeking to send hand-launched drones to Kenya as part of a $40 million-plus military aid package designed to help four African countries fight al Qaeda and al Shabaab militants, notably in Somalia, the Wall Street Journal reported.
Somalian ruins greet Ramadan
-
New Straits Times
7/22/2012 7:26 AM EST
SUFFERING: More than a million internally displaced citizens are housed in refugee camps in war-torn Somalia
Rescued Taiwan fishing vessel arrived in Tanzania
-
China Daily
7/22/2012 7:22 AM EST
26 rescued Taiwan fishing vessel Xufu 1 crew members, escorted by a Chinese navy warship, arrived in Dar es Salaam, the capital of Tanzania on Saturday morning.
Kenya: We are on a high terror alert – police
-
Capital FM
7/22/2012 7:16 AM EST
The police department has reiterated that Kenya will not relent in its war against terrorism and pointed out that no amount of threats or methods employed will cow Kenyans.
Dahabshiil denies Anonymous behind cyber-attack
-
NEWS
7/22/2012 7:12 AM EST
DAHABSHIIL, the international funds transfer company based in the Middle East, says Anonymous was not responsible for the attack on its banking systems.
For Somali women, new horrors follow close behind famine
-
Alaska Dispatch
7/22/2012 7:06 AM EST
When a drought became famine here last year, hundreds of thousands of people bundled together what few belongings they had and began to walk, either across the border or toward Mogadishu, searching for food.
Caafimaadka Soonka - Dr. Cismaan Xaraare
-
SomaTV
7/22/2012 3:16 AM EST
Dr. Cismaan Xaraare (East African Health Project) ayaa ka warbixinaya caafimaadka uu leeyahay Soonka
Ethiopian police clash with Muslim protesters, several arrested
-
Reuters
7/22/2012 2:57 AM EST
ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopian police clashed on Saturday with scores of Muslims protesters complaining that the state is interfering in their religion, witnesses and officials said.