Hiiraan Online
Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, July 14, 2012
Madaxda DKMG Soomaaliya oo si Wadajir ah Odayaasha Dhaqanka uga dalbaday inay soo dedejiyaan xulista Ergooyinka
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra'iisul wasaaraha C/weli maxamed Cali iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta si wadajir ah ula kulmay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ayaa ka codsaday inay soo dedejiyaan xulista ergooyinka.
Kulankan oo ka dhacay halka ay deggen yihiin odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro xukuumadda KMG ah ka tirsan, waxayna madaxda dowladdu markii hore kulan la qaateen guddiga xallinta khilaafaadka ee ay odayaashu horay u sameysteen.
"Madaxda Soomaaliya waxaan u sheegaynaa inaan 75% soo diyaarinay ergooyinka ansixinta dastuurka, haddii ay sax yihiinna aan wada saxiixanno haddii ay khaladan yihiinna aan wada saxanno," ayay tiri Xaawo Siciid oo ku hadlaysay magaca guddiga xallinta khilaafaadka.
Intaas kaddib madaxda DKMG ah ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in looga baahan yahay inay soo gudbiyaan liiska 135-duub in lasoo gudbiyo si meesha ay uga baxdo wararka la isla dhexmarayo oo ah in odayaasha xareysan aysan ahayn kuwii runta ahaa ee beelaha Soomaaliyeed matalayay, ayna u billowdaan xulista ergooyinka ansixinta dastuurka iyo xulista xildhibaannada cusub ee Soomaaliya.
"In duubabkii Soomaaliyeed ay halkan isugu yimaadaan Ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda KMG ah waxay u tahay sharaf, waxaana rajeynaynaa in howshiinna ay ku dhammaato guul," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynuhu wuxuu codsaday in la isku dhinac wado xulista ergooyinka ansixinta dastuurka iyo xidhibaannada baarlamaanka cusub ee dalka si loo dedejiyo howlaha u harsan dowladda KMG ah oo waqtigeedu ku eg-yahay 20-ka bisha Ogoosto 2012.
Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha ayaa iyaguna uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka howsha ay ku jiraan, waxayna sheegeen in dowladda KMG ah ay ka go'an tahay in Soomaaliya laga saaro xilliga KMG ah ayna u gudubto dowlad joogto ah.
Ugu dambeyn, Madaxda dowladda waxay goobta ka sheegeen in shirka ansixinta dastuurka uu 21-ka bishan furamayo, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inuusan mar kale dib u dhac ku imaan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulanka kaddib waxay ka dhoofeen magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Itoobiya oo uu berri ka furmayo shirka madaxda dalalka Qaaradda Afrika.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Carwo Buugeed Caalami ah oo lagu soo bandhigay Hargeysa (SAWIRRO)
7/14/2012 9:29 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL)- Carwadda caalamiga ah ee Buugaagta ee Hargeysa oo sanad walba la dhigo ayaa lagu qabtay hoolka guriga shaqaalaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo xiisaynaya barnaamijyadda kala duwan ee ka socday hoolkaasi.
Shir looga hadlayay Ammaanka oo Muqdisho ku dhexmaray Guddiga Amniga DKMG, AMISOM iyo Qaramada Midoobay
7/14/2012 8:54 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Shir looga hadlayay xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qabanayo shirka ansixinta dastuurka iyo xulidda xildhibaannada Soomaaliya ayaa maanta waxaa Muqdisho ku yeeshay mas'uuliyiin ka socday dowladda KMG ah, AMISOM iyo xubno matalayay Qaramada Midoobay.
Bannaanbax sababay dhimasho oo Maanta ka dhacay Degmada Dhuuso-Mareeb
7/14/2012 8:41 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay bannaanbax cansho ah oo maanta ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud halkaas oo uu ka taliyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca.
Ciidamada AMISOM oo Fariisin ka sameystay Xerada Laanta Buuro oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab (SAWIRRO)
7/14/2012 7:37 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa fariisin rasmi ah ka dhigtay xerada Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose oo maalmo ka hor ay dagaal uga qabsadeen Xarakada Al-shabaab.
Orodyahannada Soomaaliya uga qaybgalaya ciyaaraha Olombikada Adduunka oo rajo ka muujiyay inay guulo kasoo hoyn doonaan
7/14/2012 7:21 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu wado in dhammaadka bishan uu ka furmo magaalada London ee dalka Britain ciyaaraha olombikada dunida ayaa Soomaaliya waxay nasiib u yeelatay inay ka qaybgasho ciyaarahan, waxayna sheegeen orod-yahannada ku ordaya magaca Soomaaliya inay natiijo wanaagsan kasoo hoyn doonaan ciyaarahaas.
Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Hiiraan oo u dabaal-dagay sanadkii labaad ee Aasaaska Jaamacadda (SAWIRRO)
7/14/2012 5:16 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimaya oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka, macalimiinta iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Hiiraan University ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.
Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobollada Jubooyinka oo Magaalada Kismaayo ku gubay Gaadiid siday Jaad
7/14/2012 5:13 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay gaadiid si sharci-darro ah jaad kusoo geliyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay in howgallo laga sameeyay Muqdisho lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan Al-shabaab
7/14/2012 3:31 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qabqabtay dad badan oo xiriir la leh Xarakada Al-shabaab.
Sirdoonka Faransiiska oo sheegtay inuu weli nool yahay Sarkaal saddex sano ka hor looga afduubay Magaalada Muqdisho
7/14/2012 3:23 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda sirdoonka Faransiiska ayaa sheegtay inuu weli nool yahay, Denis Allex oo ah sarkaal tababaray ciidamada Dowladda Somalia oo sannadkii 2009 ay isaga iyo sarkaal kale oo baxsaday ku afduubeen magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
WHO oo walaac ka muujisay in Cudurka Daacuunka uu ku kordho Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
7/14/2012 3:09 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sheegtay inay walaac xooggan ka qabto inay kordhaan tirada dadka qaba cudurka daacuunka ee ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in Caasimadda Somalia ee Muqdisho aanay wax gorgortan geli karin
7/14/2012 2:53 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay dalka Jimcihii shalay ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aysan ahayn wax gorgortan geli kara, sidoo kale wuxuu ku baaqay in la taageero hannaanka looga baxayo xiolliga KMG ah.
Somali News
Leaked Monitoring group's report sheds light on widespread corruptionon by senior TFG officials
-
HOL
7/14/2012 3:43 PM EST
The monitoring group's report outlines how TFG misappropriated funds and the general mismanagement of passport production and key revenue generating authorities including Mogadishu Port and Airport Authority and funds received from leading financial companies and telecom operators.
Interview with Somali PM Abdi Ali by Hassan Santur of Hiiraan Online
-
HOL
7/14/2012 1:23 PM EST
Interview with Somali PM Abdi Ali by Hassan Santur of Hiiraan Online
U.N. warns of dire humanitarian situation in southern Somalia
-
Xinhua
7/14/2012 7:19 AM EST
The UN humanitarian agency has warned of a looming humanitarian situation in southern Somalia , describing it critical even after some parts of the country emerged from famine in 2011.
Terrorist planned attacks on Jewish areas
-
Barnet Press
7/14/2012 7:17 AM EST
A SENIOR al-Qaeda militant killed in Somalia last year planned to target Jewish communities, it has been claimed.
Somalia antipiracy tour extended
-
The Japan Times
7/14/2012 7:13 AM EST
The government said Friday it will extend by one year the Maritime Self-Defense Force's antipiracy mission off Somalia, which had been due to end July 23.
Ethiopia jails blogger, reporters, opposition figures
-
Reuters
7/14/2012 6:57 AM EST
Twenty Ethiopians, including a prominent blogger, journalists and opposition figures were jailed for between eight years to life on Friday on charges of conspiring with rebels to topple the government.
Al-Qaida: Now Vying For Hearts, Minds And Land
-
CPR News
7/14/2012 6:54 AM EST
The terrorist network has been testing a new strategy: trying to capture territory and win over citizens by governing them and providing social services. The group failed in Iraq, but is still trying in Somalia, Yemen and, most recently, in the northern deserts of Mali.
WHO: Cholera Rising in Southern Somalia
-
JT Weekly
7/14/2012 6:50 AM EST
The World Health Organization said Friday that cholera is on the rise in Kismayo, an al-Shabab-held town in southern Somalia.
Ethiopia, Kenya: World Bank Approves Controversial Loan
-
HRW
7/14/2012 3:45 AM EST
(Washington, DC, July 13, 2012) – The World Bank undermined the rights of indigenous peoples and the environment with its approval on July 12, 2012, of a US$684 million loan, Human Rights Watch, Friends of Lake Turkana, International Rivers, Survival International, and the Bank Information Center said today.
Tens of thousands need food aid in Somaliland
-
IRIN
7/14/2012 3:36 AM EST
HARGEISA (IRIN) - About 120,000 people in the coastal, mid- and far western regions of the self-declared republic of Somaliland require emergency food assistance after four years of failed rains, says Mohamed Mousa Awale, chairman of Somaliland's environment research and disaster preparedness agency.
French hostage in Somalia alive: Minister
-
Daily News
7/14/2012 3:11 AM EST
Paris, July 14 — A French intelligence agent who was taken hostage in Somalia three years ago is still alive, French Defence Minister Jean-Yves Le Drian has said.
Somali athletes defeat hardship for shot at glory
-
AFP
7/14/2012 2:42 AM EST
MOGADISHU (AFP) - Running from war, dodging bullets and defying Al-Qaeda linked Islamist insurgents who ordered them stop: Somalia's determined Olympic hopefuls have overcome challenges few other athletes could even imagine.