Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, July 14, 2012
Ciidamada AMISOM oo Fariisin ka sameystay Xerada Laanta Buuro oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab (SAWIRRO)
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa fariisin rasmi ah ka dhigtay xerada Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose oo maalmo ka hor ay dagaal uga qabsadeen Xarakada Al-shabaab.
Xeradan oo ahayd saldhig ay Al-shabaab tababarro ku siin jirtay xoogaggeeda ayaa waxay ciidamada AMSIOM sheegeen inay ka heleen raashin gargaarka ah oo ay u isticmaali jirtay Al-shabaab inay ku quudiso dagaalyahannadooda.
Maydadka dagaalyahanno lagu dilay dagaalkii lagu qabsaday xeradaas ayaa weli dhex-yaalla halkaas, iyadoo ciidamada AMISOM ay ku billaabeen inay meelaha qaar ka jaraan geedaha si ay teendhooyin ugu dhistaan.
Saraakiisha hoggaaminaya AMISOM ayaa sheegay in howgalladooda Shabeellada hoose ay sii socon doonaan inta ay ka qabsanayaan gobolkaas oo dhan, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin sababihii ay uga baxday deegaanka Laanta-buuro.
Gobolka Shabeellada hoose ayaa wuxuu ka mid noqonayaa gobollada lala maamulo Al-shabaab kaddib saddex sano oo maamulkeeda uu ka jiray gobolka oo dhan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen markii ugu horreysay degmada Afgooye bishii May ee sannadkan.
Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale waxay dhammaadkii bishii la soo dhaafay ee Juun ay qabsadeen degmada Balcad oo Muqdisho u jirta 30-km kana mid ah gobolka Shabeellada dhexe oo isaguna daris la ah Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Carwo Buugeed Caalami ah oo lagu soo bandhigay Hargeysa (SAWIRRO)
7/14/2012 9:29 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL)- Carwadda caalamiga ah ee Buugaagta ee Hargeysa oo sanad walba la dhigo ayaa lagu qabtay hoolka guriga shaqaalaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo xiisaynaya barnaamijyadda kala duwan ee ka socday hoolkaasi.
Shir looga hadlayay Ammaanka oo Muqdisho ku dhexmaray Guddiga Amniga DKMG, AMISOM iyo Qaramada Midoobay
7/14/2012 8:54 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Shir looga hadlayay xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qabanayo shirka ansixinta dastuurka iyo xulidda xildhibaannada Soomaaliya ayaa maanta waxaa Muqdisho ku yeeshay mas'uuliyiin ka socday dowladda KMG ah, AMISOM iyo xubno matalayay Qaramada Midoobay.
Bannaanbax sababay dhimasho oo Maanta ka dhacay Degmada Dhuuso-Mareeb
7/14/2012 8:41 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay bannaanbax cansho ah oo maanta ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud halkaas oo uu ka taliyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca.
Madaxda DKMG Soomaaliya oo si Wadajir ah Odayaasha Dhaqanka uga dalbaday inay soo dedejiyaan xulista Ergooyinka
7/14/2012 8:12 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra'iisul wasaaraha C/weli maxamed Cali iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta si wadajir ah ula kulmay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ayaa ka codsaday inay soo dedejiyaan xulista ergooyinka.
Orodyahannada Soomaaliya uga qaybgalaya ciyaaraha Olombikada Adduunka oo rajo ka muujiyay inay guulo kasoo hoyn doonaan
7/14/2012 7:21 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu wado in dhammaadka bishan uu ka furmo magaalada London ee dalka Britain ciyaaraha olombikada dunida ayaa Soomaaliya waxay nasiib u yeelatay inay ka qaybgasho ciyaarahan, waxayna sheegeen orod-yahannada ku ordaya magaca Soomaaliya inay natiijo wanaagsan kasoo hoyn doonaan ciyaarahaas.
Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Hiiraan oo u dabaal-dagay sanadkii labaad ee Aasaaska Jaamacadda (SAWIRRO)
7/14/2012 5:16 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimaya oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka, macalimiinta iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Hiiraan University ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.
Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobollada Jubooyinka oo Magaalada Kismaayo ku gubay Gaadiid siday Jaad
7/14/2012 5:13 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay gaadiid si sharci-darro ah jaad kusoo geliyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay in howgallo laga sameeyay Muqdisho lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan Al-shabaab
7/14/2012 3:31 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qabqabtay dad badan oo xiriir la leh Xarakada Al-shabaab.
Sirdoonka Faransiiska oo sheegtay inuu weli nool yahay Sarkaal saddex sano ka hor looga afduubay Magaalada Muqdisho
7/14/2012 3:23 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda sirdoonka Faransiiska ayaa sheegtay inuu weli nool yahay, Denis Allex oo ah sarkaal tababaray ciidamada Dowladda Somalia oo sannadkii 2009 ay isaga iyo sarkaal kale oo baxsaday ku afduubeen magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
WHO oo walaac ka muujisay in Cudurka Daacuunka uu ku kordho Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
7/14/2012 3:09 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sheegtay inay walaac xooggan ka qabto inay kordhaan tirada dadka qaba cudurka daacuunka ee ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in Caasimadda Somalia ee Muqdisho aanay wax gorgortan geli karin
7/14/2012 2:53 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay dalka Jimcihii shalay ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aysan ahayn wax gorgortan geli kara, sidoo kale wuxuu ku baaqay in la taageero hannaanka looga baxayo xiolliga KMG ah.
Somali News
Leaked Monitoring group's report sheds light on widespread corruptionon by senior TFG officials
-
HOL
7/14/2012 3:43 PM EST
The monitoring group's report outlines how TFG misappropriated funds and the general mismanagement of passport production and key revenue generating authorities including Mogadishu Port and Airport Authority and funds received from leading financial companies and telecom operators.
Interview with Somali PM Abdi Ali by Hassan Santur of Hiiraan Online
-
HOL
7/14/2012 1:23 PM EST
Interview with Somali PM Abdi Ali by Hassan Santur of Hiiraan Online
U.N. warns of dire humanitarian situation in southern Somalia
-
Xinhua
7/14/2012 7:19 AM EST
The UN humanitarian agency has warned of a looming humanitarian situation in southern Somalia , describing it critical even after some parts of the country emerged from famine in 2011.
Terrorist planned attacks on Jewish areas
-
Barnet Press
7/14/2012 7:17 AM EST
A SENIOR al-Qaeda militant killed in Somalia last year planned to target Jewish communities, it has been claimed.
Somalia antipiracy tour extended
-
The Japan Times
7/14/2012 7:13 AM EST
The government said Friday it will extend by one year the Maritime Self-Defense Force's antipiracy mission off Somalia, which had been due to end July 23.
Ethiopia jails blogger, reporters, opposition figures
-
Reuters
7/14/2012 6:57 AM EST
Twenty Ethiopians, including a prominent blogger, journalists and opposition figures were jailed for between eight years to life on Friday on charges of conspiring with rebels to topple the government.
Al-Qaida: Now Vying For Hearts, Minds And Land
-
CPR News
7/14/2012 6:54 AM EST
The terrorist network has been testing a new strategy: trying to capture territory and win over citizens by governing them and providing social services. The group failed in Iraq, but is still trying in Somalia, Yemen and, most recently, in the northern deserts of Mali.
WHO: Cholera Rising in Southern Somalia
-
JT Weekly
7/14/2012 6:50 AM EST
The World Health Organization said Friday that cholera is on the rise in Kismayo, an al-Shabab-held town in southern Somalia.
Ethiopia, Kenya: World Bank Approves Controversial Loan
-
HRW
7/14/2012 3:45 AM EST
(Washington, DC, July 13, 2012) – The World Bank undermined the rights of indigenous peoples and the environment with its approval on July 12, 2012, of a US$684 million loan, Human Rights Watch, Friends of Lake Turkana, International Rivers, Survival International, and the Bank Information Center said today.
Tens of thousands need food aid in Somaliland
-
IRIN
7/14/2012 3:36 AM EST
HARGEISA (IRIN) - About 120,000 people in the coastal, mid- and far western regions of the self-declared republic of Somaliland require emergency food assistance after four years of failed rains, says Mohamed Mousa Awale, chairman of Somaliland's environment research and disaster preparedness agency.
French hostage in Somalia alive: Minister
-
Daily News
7/14/2012 3:11 AM EST
Paris, July 14 — A French intelligence agent who was taken hostage in Somalia three years ago is still alive, French Defence Minister Jean-Yves Le Drian has said.
Somali athletes defeat hardship for shot at glory
-
AFP
7/14/2012 2:42 AM EST
MOGADISHU (AFP) - Running from war, dodging bullets and defying Al-Qaeda linked Islamist insurgents who ordered them stop: Somalia's determined Olympic hopefuls have overcome challenges few other athletes could even imagine.