4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Tartankii ciyaaraha Jaaliyadaha Bariga Afrika oo soo gabagaboobay iyo Somalia oo kaalinta 2-aad gashay (SAWIRRO)
SPORTS8.jpg
Talaado, January 10, 2012(HOL) Nairobi, Kenya - Waxaa garoonka City Stadium ee magalaadda Nairobi lagu soo gabagabeeyay tartankii Nabadda iyo Is dhexgalka ee jaaliyadaha bariga Afrika ee "East African peace and Integration Football Tournament" waxaana ciyaartii kama dambeysta aheyd ay shalay dhex martay xulalka Jaaliyadaha Kenya iyo Somalia.

Ciyaartan ayaa ku dhammaatay 2-0 oo guushu ku raacday xulka Kenya, waxaana xulka Soomaaliay uu soo bandhigay ciyaar ay ku raaxeysteen dhammaan taageerayaashii u soo daawasha tagay kulankaas, iyadoo Somalia ay dhinac kasta ku gacan sareysay marka laga reebo nasiibka oo Kenya u hiiliyay.

Ciyaarahan waxaa maalgaliyay, isla markaana soo qaban qaabiyay Ururka dhallinyarada Sooomaaliyeed ee Somali Youth Advocacy Organization "SYAO" , waxaana ka soo qeyb galay jaaliyadaha dalalka Somalia, Kenya, South Sudan, Uganda, Burundi iyo  Congo, waxaana xulka Kenya ee koobka ku guuleystay la guddoonsiiyay lacag 25'000 Kenya Shilling, Koob iyo billado, halka Xulka Soomaaliya oo galay kaalinta 2-aad la guddoonsiiyay abaal marin lacageed oo gaareysay 15'000, Koob iyo billado, halka xulka Uganda Cranes oo kaalinta 3-aad galay isagana lagu abaal mariyay 10'000 iyo koob, kaddib markii uu ciyaarta kaalinta 3-aad ku soo dur duriyeen xulka Burundi.

SPORTS.jpg

Madaxda xiriirka kubada cagta ee Football Kenya Federation (FKF) ayaa u mahadceliyay ururuka SYAO, iyagoo xusay in tartankan ku soo dhammaaday guul iyo xiiso,waxayna sheegeen in is bedel weyn uu ku sameeyay qoomiyadaha ku nool magaaladda Nairobi.

Xasan Cali Geesey oo kamid ah madaxda ururka SYAO ayaa isna xusay in ujeeda ay tartankan u maalgaliyeen ay tahay sidiii bulshooyinka Bariga Afrika ay isku baran lahaayeen, isla markaana loo xoojin lahaa saaxiibtinimada ka dhexeysa.

Tartamada noocaan ah ayaa hadii ay sii socdaan wax ka tari kara is dhex galka bulshooyinka ku dhaqan dalka Kenya oo ay ku jiraan jaaliyadaha kala duwan ee wadamada Bariga iyo Bartamaha qaarada Afrika.


SPORTS15.jpg
SPORTS11.jpg
SPORTS6.jpg
SPORTS7.jpg
SPORTS5.jpg
SPORTS10.jpg
SPORTS3.jpg
SPORT13.jpg
SPORTS9.jpg
SPORT14.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya