4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
AMISOM oo xaqiijiyay inay Ciidamada Itoobiya kala wareegayso degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Major General Fred Mugisha, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) Force Commander, gestures during a news conference at the operation's headquarters in Mogadishu in a photograph released by the African Union-United Nations Information Support Team November 29, 2011. Mugisha, flanked by the heads of different Somali security agencies, appealed to the Mogadishu public to report any suspicious activities or behaviour following a spate of explosions in the capital blamed on the Al-Qaeda-linked group Al Shabaab, which has killed a number of civilians, including woman and children and members of the security forces. Al Shabaab withdrew from fixed positions in Mogadishu in August this year after steadily losing ground to AMISOM and Transitional Federal Government (TFG) forces, professing to revert to guerilla-style tactics including roadside bombs, suicide bombings and the use of improvised explosive devices.
Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Taliyaha ciidamada AMISOM, Major Jen. Fred Mugisha ayaa sheegay markii ugu horreysay in ciidamadooda ay Baladweyne kala wareegi doonaan ciidamada Itoobiya ee ka qabsaday Xarakada Al-shabaab bishii lasoo dhaafay.

Jen. Mugisha ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya aysan ka mid ahayn AMISOM balse ay qayb ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro xoogagga Xarakada Al-shabaab ee ka socda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

"Maadaama aysan ciidamada Itoobiya ka mid ahayn AMISOM, haddana waxay qayb ka yihiin howlgalka lagula dagaalamo Al-shabaab, degmo walba iyo goob walba oo ay qabtaanna waxay ku wareejin doonaan ciidamada Midowga Afrika," ayuu yiri Jen. Fred Mugisha.

Taliyaha ciidamada AMISOM, wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay dalka u soo galeen si ay gacan u siiyaan dowladda KMG ah, isagoo sheegay inay dib uga laaban doonaan dalka markii ay dhammaadaan howgallada looga horjeedo Al-shabaab.

"Qorshaha ciidamada Itoobiya waa inay caawiyaan dowladda KMG ah, markii ay tasai dhammaato waa dhab dib ayay ugu laaban doonaan dalkooda, waayo waa intaas qorshaha ay kusoo galeen Soomaaliya," ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho wuxuu intaa ku daray in meel gabo-gabo ah ay marayso Xarakada Al-shabaab, ayna hadda socdaan hadda qorshayaal ka dhan ah kooxdan.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inay ka fikirsayso sidii ay ugu wareejin lahayd degmada Baladweyn ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay AMISOM ka howlgasho meel aan Muqdisho ahayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya