4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Qiimaha Maciishadda iyo Sarifka Lacagaha Qalaad uu ka marayo Suuqa Magaaladda Hargeysa ee Somaliland


Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Maceeshadda iyo sarifka lacagaha ayaa bilihii u dambeeyey aan wax isbedel ahi ku dhicin, ka dib markii ay muddo qiimaha sarifka Lacagta qalaad gaar ahaan Dollarka Maraykanka uu muddo hoos u dhac weyni ku dhacay, taas oo qoysaska dibadaha laga soo biiliyaa ay kala kulmeen khasaare weyn.

Maceeshadda iyo sarifka lacagaha qalaad ee aan isbedelka ku dhicin ayaa waxaa soo dhoweeyey dadweynaha Somaliland, maadaama oo inta badan aanu fadhiisan sarifka iyo maceeshada qutal daruuriga ah, iyagoo inta badan kor u kaca meceeshada ku timaada ay ganacsatadu cudurdaar ka dhigtaan inay suuqa caalamka wax iska bedelaan, taasina waxay saamayn ku yeelata bulshadda danyarta ah.

Meceeshada qutal daruuriga ah iyo sarifka lacagta Qalaad waxa uu Suuqa magaaladda Hargeysa ka marayaa sidan:

Raashinka wadaniga ah: Garowga 1kg waxa suuqa laga siinayey 3000 SLSH (Saddex kun oo Somaliland shilling ah), Arabikhida 1kg waxa la siinayey 3500 SLSh, Harakoo 1kg 600 Slsh, Digir 1Kg 8000 Slsh, Heed 1 kg 6,500 Slsh, Jajabka 1kg 5000 SLSh, Qarmici Garow 1 Kg 2,500 SLSh. Misir 1Kg 10,000 SLsh, Faracad 1Kg 5000 SLSh, Boosh Cade, 1-kg 6000 SLSh, Digirta Cas 1Kg 15,000 Slsh.


Raashinka dibadaha laga soo waarido:Kiishka Sonkorta ah 50kg 38.5 Dollarka Maraykanka, Daqiiq 50kg 24.4 dollar, Bariiska Kiishka 50kg 32 dollar, Baasto kartoon 10 dollar, Saliidda jirikaan 20 litir 26.5 dollar, Saliidda 3 Litir 5 dollar, Caano Coast daasadda 18 dollar, Makaroone Kartoon 9.5 dollar, Keys Sharaab ah 24 Midh, 7.3 dollar.

Dahabka Nooca 21 kaarot 1Garaam 52-dollar ayuu magaaladda Hargeysa ka marayaa.

Sarifka lacagaha Qalaad: $100 dollar waxa lagu sarifayey gacanta hore 5,95000 Slsh ( shan boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo Somaliland Shiling), halka gacanta dambe lagu sarifayey 100 dollar 600,000 SLSH (Lix boqol oo kun oo Somaliland shilling ah).

100-ka Bir ee Itoobiyaanka ah waxa suuqa magaaladda Hargeysa lagu sarifayey gacanta hore 32,000 SHSL ( laba iyo sodan kun SLSH), gacanta dambena waxay lagu sarifayey 33,000 SLSH (Saddex iyo sodan kun oo SLSH), Faranka Jabuuti waxa uu 100 Faran suuqa ka marayaa 31,500 SLSH gacanta hore, gacanta dambana waxa uu marayey 33,000 SLSH. Si kastaba ha ahaatee, beryahan dambe waxa la moodaa in aanay wax hoos u dhac iyo kor u ah aanu samayn sarifka lacagta Qalaad iyo maceeshadda qutal daruuriga ahiba.








Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland