4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Dagaal u Dhexeeya Xoogaga Alshabaab iyo Ciidamada Huwanta ah oo ka Qarxay Nawaaxiga DeegaankTaabto

Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Wararka aynu ka heleyno deegaanka Taabto ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG oo garab ka heleya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga Alshabaab ay weerar la beegsadeen kolonyo ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG ah oo marayay wadada isku xirta deegaanada Qooqaani iyo Taabto, waxaana la sheegay in uu halkaasi ka qarxay dagaal xooggan.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Qooqaani ayaa HOL u sheegay in jugta madaafiicda ay isku ridayaan labada dhinac laga maqlayo magaalada Qooqaani, islamarkaasina uu dagaalku yahay mid culus.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dashay dagaalka,haseyeeshee saraakiil u hadashay xarakada Alshabaab ayaa si hordhac ah u sheegay in dagaalka ay iyagu bilaabeen islamarkaasina ay qasaaro lixaad leh gaarsiiyeen ciidamada huwanta ah, iyagoona sheegay in ay gubeen laba kamid ah gaadiid ay lahaayeen ciidamada Kenya.

Ma jiraan masuuliyiin katirsna dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka saaka ka qarxay nawaaxiga deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalkan ayaa qeyb ka ah weerarro ceynkan oo kale ah oo ay aalaaba xoogaga Alshabaab la beegsadaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ee ku sugan deegaanada galbeed ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya