4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Dowladda Mareykanka oo xirtay Askari la sheegay inuu qorsheynayay inuu ku biiro Xarakada Al-shabaab

Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Askari hore oo ciidamada Mareykanka ka tirsanaa kana soo-jeeda Maryland ayaa lagu eedeeyay inuu qalab ku taageerayay Xarakada Al-shabaab oo Mareykanka looga aqoonsan yahay koox argagaxiso ah.

Dacwad-oogayaal maxkamadda federaalka dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay, Craig Baxam oo 24-jir ah inuu gacan siinayay Al-shabaab, iyadoo la sheegay in la xiray askarigaas maalintii Jimcaha ahayd ee lasoo dhaafay.

"Waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu qalab ku taageero Al-shabaab. Waxaa lagu xiray Maryland kaddib markii uu kasoo laabtay safar ku aaday Afrika," ayay yiraahdeen dacwad-oogayaasha maxkamadda federaalka Mareykanka.

Mr. Baxam ayaa la sheegay inuu Mareykanka ka tagay bishii Diseember ee sannadkii lasoo dhaafay iyadoo xilligaas ay xirtay xukuumadda Kenya iyadoo looga shakiyay inuu doonayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro Al-shabaab.

Askarigan hore ayaa la sheegay in FBI-du ay wareysi kula yeelatay Kenya, ayna dib ugu celisay Mareykanka, halkaasoo uu hadda ku xiran yahay. Waxaana laga yaabaa in haddii lagu helo dambigan uu muteysano karo ugu yaraan 15-sano oo xabsi ah.

Craig Baxam, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ciidamada Mareykanka laga soo billaabo sannadkii 2007 illaa bishii July 2011, iyadoo la sheegay inuu kasoo shaqeeyay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq iyo dalka Kuuriya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya