4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2012
Xildhibaan sheegay in dowladda KMG Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadajira la wareegeen Magaalada Beledweyne

Talaado, Jannaayo 10, 2012 (HOL) − Xildhibaan Max’ed Amiin Xassan C/llaahi oo ka mid ah mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaaliya oo xiligan ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobollka Hiiraan ayaa sheegay in qabashada magaalada iska kaashadeen dowladda KMG iyo ciidamada Itoobiya.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa xubnihii ku wehliyay safarkii uu magaalada Beledweyne ku yimid R/iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya, ayaa sheegay in kulamo wadatashi ah saacadihii aynu soo dhaafnay la lahaayeen odayaasha dhaqan-ka iyo waxgaradka gobollka si looga arinsado maamul u sameynta gobollka Hiiraan.

"Maamul hadda shaqeynaya oo ka jira gobollka Hiiraan ma jiro, waana wax sahlan in magac uu qof iska sheegto, laakiin waxaa muhiim ah in magacaasi yahay mid jira oo shaqeynaya, marka anaga hadda waxaan la tashiyo la wadnaa qeybaha kala duwan ee bulshada si looga arinsado dhismaha maamulka gobollka,’’ ayuu yiri,’’ xildhibaan Max’ed Amiin Xassan C/llaahi.

Mar la weydiiyay in maamulka Dooxada Shabeelle qeyb ka ahaa dulaankii lagula wareegay magaalada Beledweyne, islamarkaana maalin ka hor dibadbax lagu taageerayay maamulkaasi uu ka dhacay magaalada, waxaa uu sheegay in uusan ka warqabin maamul noocaas ah oo hadda gobollka ka jira.

"Dabcan cid magaalada qabatay waa la garanayaa, waa ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG oo wada jira, sidaa daraadeed anaga halka dowladda ayaan wakiil uga nahay, waxaana ka shaqeyneyna sidii loo sii hormarin howlgalka socda, dhinaca kalana loo sameyn lahaa maamul beelaha oo dhan ay raali ka wada yihiin,’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan.

Mar uu soo hadal qaaday cida hadda ka mas’uulka ah amaankooda, waxaa uu sheegay in ay yihiin xildhibaanno qaran-ka, islamarkaana mas’uuliyada amaankooda ay saaran tahay saraakiisha dowladda Itoobiya ee ku sugan magaalada Beledweyne.

"Wax yaabihii ay ka wada hadlleen R/iisal wasaaraha iyo saraakiisha Itoobiya ayeey qeyb ka aheyd arinta nabad-galyadeena, sidaa daraadeed hadda waxaan degannnahay xarunta maamulka gobollka, mas’uuliyada nabad-galyadana koleyn ciidamada Itoobiya ayeey saaran tahay,’’ ayuu hadalkiisa sii raaaciyay.

Hadalka xildhibaan Max’ed Amiin Xassan C/llaahi ayaa muujinaya sida ay dowladda KMG uga go’an tahay dhismaha maamul ka tirsan dowladda oo laga hergaliyo gobollka Hiiraan, xili wali maamulka Dooxada Shabeelle uu ku dhagan yahay in uu yahay maamulka kaliya ee hadda ka shaqeynaya gobollka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledwyene, Soomaaliya