12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2012
Shirkii Soomaalida ee London oo la soo gebagebeeyay


Khamiis, February 23, 2012(HOL): Waxaa goor dhaweyd la soo gebagebeeyay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika  Jean Ping.

Tani micnaheeda waxay noqoneysaa in shirkii halka maalin u socday Soomaalida la soo gebagebeeyay, isla markaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo u gaar ah Soomaaliya, kuwaasi oo markii horeba ay ujeeddada ahayd in laga hadlo.

Shirka waxaa ka soo qeybgalay madax ka socotay Dowlado daneeya arrimaha Soomaaliya, wakiillo ka socday Ururrada UN-ka, EU, AU, Arab League, OIC iyo sidoo kale madax ka socday wakiillo metelayay gobol kasta oo Soomaaliya ku yaalla waa sida uu furitaankii shirka ka sheegay Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron.

Shirka jaraa’id oo ay afartan mas’uul qabteen ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron, wuxuuna soo koobay waxyaabihii shirka looga hadlay ee la isla gaaray, isagoo xusay in dhowr qodob oo khuseeya arrimaha Soomaaliya looga hadlay shirka, kuwaasi oo kala ah: Ammaanka, Argagixisada, ka gudbinta Soomaaliya Dowladaha KMG ah ee u gudbinta dowlad buuxda, Burcad Badeedda, Kaalmada bani’aadannimo, Kordhinta ciidamada Amisom iyo doorkooda iyo qodobo kale.

Ammaanka

Ammaanka ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in  howlgalka nabadsugidda ah ee ay Ciidamada Amiosm ka wadaan Soomaaliya uu yahay mid wanaagsan, wuxuuna intaas ku daray in Ciidamada Amisom ay meesha ka saareen xoogaggii Al-Shabaab oo uu carrabka ku adkeeyay in ay luumiyeen taageerada dadka caadiga ah. Wuxuu ka dhawaajiyay David Cameron in loo baahan yahay in adkeeyo ammaanka Soomaaliya, iyadoo loo marayo gacan-siinta ciidamada Amisom.

Shirkii Garowe II

Wuxuu sheegay in Shirkii Soomaalida ay ku yeelatay Garowe ay natiijo wanaagsan ka soo baxday, taasi oo buu yiri fududeyn karta in Soomaaliya ay hesho dowlad loo dhan yahay oo laga wada qeybgalo. David Cameron wuxuu carrabka ku adkeeyay in aaney dhici doonin in muddo kale loo kordhiyo hay’adaha dowladda KMG ah.


David Cameron oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in uu geedi socod rajo leh yahay qorshaha la doonayo in Soomaaliya loogu dhiso dowlad loo dhan yahay oo ay  dadkeeda soo doortaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in marka la gaaro bisha Agoosto oo uu xiliga KMG ah dhammaado aysan jiri doonin khatar ah in aan la heynin wax bedela dowladda KMG ah.

Argagixisada

Argagixisada ayuu ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha Britain, wuxuuna sheegay in arrintaas ay tahay mid adduunka oo dhan uu meel uga soo jeestay, isla markaana uu si wadajir ah ula dagaallamayo argagixisada, wuxuuna caddeeyay in uu rumeysan yahay in dhibaatada Soomaaliya ay wadeen dhalinyaro la sumeeyay oo xag-jir laga dhigay.

Kaalmada Bani’aadannimo

Kaalmada Bani’aadannimo ee Soomaaliya ayuu sheegay in shirka looga hadlay, isla markaana la isla gartay in wax laga qabto dhibaatada bani’aadannimo ee weli Soomaaliya ka jirto, wuxuuse mar kasta u soo riixayay Soomaalida in ay iyagu xal ka gaaraan dhibaatooyinkooda. Wuxuu ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Cameron kaalmo dhaqaale  oo gaareysa 51 Milyan Pounds, taasi oo ay Dowladda Britain siineyso Soomaaliya, isagoo xusay in kaalmadaas lagu taageeri doono dadka xaqootiga ah ee ka soo cararay Soomaaliya, isla markaana ku sugan xeryo qaxooti oo ku yaalla Kenya iyo Itoobiya.

Burcad Badeedda

Burcad Badeedda ayuu ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha Britain, wuxuuna sheegay in arrintaas ay wel wel caalami ah ku heyso Beesha Caalamka, wuxuuna sheegay in dalal ay ka mid yihiin Tanzania, Mouritania iyo Sychells ay qaadeen tallaabooyin ka dhan ah burcad badeedda, isagoo sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay tahay in tallaabo caalami ah laga qaado burcad badeedda, lagana hortago in la dhiirrigeliyo in burcad badeedda la siiyo lacag madax furasho ah.


David Cameron waxaa uu carrabka ku dhuftay in bisha June ee soo socota shir lagu qaban doono Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, kaasi oo lagu sii xoojin doono waxyaabihii ka soo baxay shirkan London.

SHIRKA JARAA'ID
David Cameron

Markii uu hadalkaas jeediyay David Cameron ayaa waxaa su’aalo weydiiyay warfidiyeenno shirka ku sugnaa, waxaana su’aalahaas oo koobnaa ka jawaabay Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Jean Ping.

Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron ayaa la weydiiyay waxa xiligan ku soo beegay shirka ay Soomaaliya u qabanayaan maadaama ay Soomaaliya dhibaato ku soo jirtay muddo dheer wuxuuna ku jawaabay in uu muddo gaaban hayo xilka Ra’iisal Wasaarenimada Britain, hayeeshee arrimaha Soomaaliya wax ka qabashadooda ay tahay mid muhiim ah oo loo baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto, wuxuuna ku cel celiyay in uu rajeynayo Soomaaliya oo mar kale cagaheeda isku taagta.

C/weli Maxamed Cali


Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali  ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd in dowladdiisa ay soo dhaweyneyso duqeyn dhinaca hawada ah oo lagu sameeyo meelaha ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in dowladdiisa aysan marnaba taageereynin in la duqeeyo meelo ay dad shacab ah ku sugan yihiin, ayna waajib ku tahay dowladdiisa in ay difaacdo hantida iyo nafta dadka Soomaaliyeed, hayeeshee wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay soo dhaweynayaan meelo bartilmaameed ah oo la duqeeyo.

Su’aal kale oo ku saabsaneyd in shirkii Garowe aan dhammeyn ayaa la weydiiyay Ra'iisal Wasaare C/weli Maxamed Cali, wuxuuna ku gaabsaday in shirkaas laga wada qeybgalay, isla markaana ay miro wanaagsan ka soo baxeen.

Jean Ping

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Jean Ping ayaa la weydiiyay ciidamada Amisom ee magaca Midowga uga howlgelaya Soomaaliya awoodda ay u leeyihiin in ay sugaan ammaanka Soomaaliya wuxuuna  ugu horreyn sheegay in haatan wixii ka horreeyay ay ciidamada ku shaqeynayeen tiro kooban, madal kooban meelo koobanna ay ka howlgeli jireen, balse haatan ay heystaan taageero dhaqaale, madal buuxda oo ay ku howlgeli karaan iyo iyagoo ka badan intii hore sida uu yiri.

Jean Ping waxaa uu soo dhaweeyay qaraar tirsigiisu ahaa 2036 oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ogolaanayay in la kordhiyo Ciidamada Amisom ee Soomaaliya, isla markaana la gaarsiiyo 17,000 oo Askari.


Mar uu ka hadlayay howlgallada Amisom wuxuu sheegay in ay Soomaaliya u qeybiyeen dhowr Aag oo ay Ciidamadaas ka howlgelayaan, kuwaasi kala ah Aagga koowaad Muqdisho, Aagga 2aad Kismaayo, Aagga 3aad Baydhabo oo hadda loo qorsheeyay in la geeyo 2700 oo Askari oo ka imaan doona Dalalka Uganda iyo Burundi.

Ban Ki-moon

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo shir jaraa’id wax ka qabtay ayaa la weydiiyay arrimo ku saabsan gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo xilliga kala guurka ah ee dowladda TFGda, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay dowladda Britain iyo Ra’iisal Wasaaraheeda David Cameron oo shirkan qabanqaabiyay, wuxuuna caddeeyay in shirkan uu yahay midkii ugu horreeyay oo miisaan leh oo uu ka qeybgalo, iyadoo weliba looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Kaddib wuxuu ka hadlay xilligan kala-guurka ah ee ay Soomaaliya ku jirto iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in looga gudbo, wuxuuna ku celiyay in loo baahan yahay in waqtiga u haray Dowladda TFG-da lagu dhameystiro roadmap-ka, si loogu gudbo dowlad kaamil ah.

Arrimaha gargaarka bani’aadannimada ayuu ka hadlay waxaana uu sheegay in hay’ado badan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha gargaarka ay Soomaaliya ka howlgalaan, kuwaasi oo uu sheegay in xafiisyadooda loo rari doono gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Shirkan halka maalin socday ee ay Dowladda Britain soo qaban qaabisay ayaa wuxuu yahay mid indhaha beesha caalamka ku soo jeediyay Soomaaliya oo muddo dheer si heer hoose ah ay beesha caalamka ula macaamileysay, waxaanse eegi doonnaa waxyaabaha ka fula ballanqaadyada shirka ka soo baxay ka hor inta aanu dhammaan waqtiga TFG-da iyo inta aan London II loo aadin Stanbul Turkey bisha June ee soo socota.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]