4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2012
Hoos u dhac ku yimid Afduubyadii ay Burcad-badeedda u geysan jireen Maraakiibta ku safra Xeebaha Soomaaliya
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Afduubyadii ay burcadbadeedda Soomaalidu ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya ayaa sannadkan 2012 uu aad hoos ugu dhacay sida ay sheegtay hay'adda la socodka badaha bariga Afrika oo fadhigeedu yahay magaalada Mombassa ee dalka Kenya.

Saraakiisha hay'addan ayaa sheegay in ilaalo badan oo maraakiibta la dagaalanka burcadbadeeddu ka sameeyeen biyaha Soomaaliya ay sababtay in hoos uu u dhaco afduubka burcadbadeedda Soomaalida.

"Hoos u dhac weyn ayaa sannadkan ku yimid afduubka maraakiibta, taasna waxaa sababtay kaddib markii burcadda lagula dagaalamay dhulka oo ah halka ay kasoo duulaan," ayuu yiri Jonathan Omonid oo ka tirsan hay'adda la socodka badaha ee Bariga Afrika.

Maraakiibta la dagaalanka burcadbadeedda Soomaalida ayaa sheegay in sannadkan 2012 ay burcadbadeeddu qaadeen 176 weerar, taasoo ka dhigaysa inay hoos uga dhaceen sannadkii 34 isku day.

Burcadbadeedda ayaa la sheegay inay ku guuldarreysteen isku dayo badan oo ay ku doonayeen sannadkan inay ku qabsadaan maraakiib marayay badaha Soomaaliya iyadoo la sheegay inay jiraan kuwo u suurogalay inay ku guuleystaan fulintooda.

Diyaaradaha dagaalka ee la socda maraakiibta NATO ee ku sugan xeebaha Somalia ayaa waxay sannadkan dhowr jeer ku weerareen xeebaha Soomaaliya kooxaha burcadbadeedda ah; iyagoo burburiyay qalabkii ay ku duulaan-tegi jireen, sidoo kalena waxay dileen dhow burcadbadeed.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa waxay hadda gacanta ku hayaan maraakiib iyo shaqaalihii la socday, kuwaasoo ay ka doonayaan madaxfurasho lacageed, iyagoo mararka qaarkood soo saara digniino ay ku sheegayaan inay ku dili doonaan bad-maaxiinta ay gacanta ku hayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya