4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Istanbuul kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha Dalka Turkiga Erdogan

Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay ra'iisul wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, iyagoo kawada hadlay sidi xiriirka labada dal loo xoojin lahaa.


Xasan Sheekh iyo Erdogan ayaa waxay kulankooda uga hadleen sidii Turkiga uu qayb uga qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Turkiga uu kawado Soomaaliya.

"Kulanka waxaa looga hadlay sidii Turkiga ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska ciidamada xoogga iyo kuwa booliiska Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga uu madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Turkiga ku jooga booqasho afar maalmood qaadatay, isagoo magaalada Ankara kula soo kulmay madaxweyanah dalka Turkiga, Cabdalla Gul, waxayna labada mas'uul kawada hadleen sidii Turkiga uu gacan weyn uga geysan lahaa dib u dhiska Soomaaliya.

Hay'adaha Turkiga ayaa olole lagu caawinayo shacabka Soomaaliyeed ka billaabay sannadkii hore kaddib markii ay abaaro ku dhufteen gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya, taasoo xoojisay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa isaguna booqday xilli baqdin weyn laga qabay in la tagi karo Muqdisho, sidoo kalena Turkiga waxay ka furteen safaarad, diyaaradda Turkish Arilines iyaduna waxay duullimaadyo caalami ah ka billowday Muqdisho, taas oo indhaha caalamka ku jeedisay Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya