3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2012
Guddiga Doorashada oo ku dhawaaqay Musharaxiintii ku guulaystay Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Codadkii ay kala heleen

Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Komishanka ama guddiga doorashooyinka Somaliland ee magaaladda Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay natiijadii degmooyinka magaaladda Hargeysa, kaas oo si weyn loo hadal hayey.

Degmooyinka Hargeysa oo ah mid aad u balaadhan oo lagu kala hadhayey maalmihii u dambeeyey la dhawrayey, ayaa si rasmi ah xalay cawayskii lagaga dhawaaqay xarunta Komishanka oo amnigeedda aad loo adkeeyey.

Xisbiyada iyo ururadu waxay u kala heleen sidan:

I. Xisbiga KULMIYE wuxuu wadarta guud ee codadka magaalada ka helay 61,956 cod oo u dhiganta toddoba xildhibaan oo kala ah:

1. Xanad Xaashi Axmed Caydiid (5474 cod) Murashaxa ugu codadka badan.
2. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) (4,455 cod).
3. Cismaan Xasan Faarax Waxar (4,151 cod buu helay)
4. Ing. Yuusuf Warsame Siciid (3793 cod buu helay)
5. Axmed Siyaad Muxumed Giire (3625 cod buu helay)
6. Axmed Daahir Axmed Magan. (3484 cod buu keenay)
7. Cabdi Cali Yuusuf Liibaan.(3265 cod buu helay)

II. xisbiga UCID waxa uu wadarta guud ahaan helay 35,823 cod, waxaana usoo baxay afar xildhibaan oo kala ah:

1. Maxamed Aw Aadan Wayrax (4,477 cod buu helay)
2. Khadar Ibraahim Axmed Maax.(3544 cod buu helay)
3. Cabdicasiis Maxamed Xaashi. (3003 cod buu helay)
4. Maxamed Cabdi Aadan Yuusuf.(2266 cod buu helay).

III. Ururka UMMADDA magaaladda waxa uu ka helay 25,307 cod,waxaana usoo baxay 3 xildhibaan oo kala ah:

1. Axmed Cali Haybe Nuur (3786 cod ku soo baxay)
2. Khaalid Cabdi Cawad Abyan oo helay (2949 cod)
3. Mustafe Cismaan Daahir Aadan oo ku soo baxay (2861 cod)

IV. Ururka DALSAN wuxuu magaalada Hageysa ka helay 20060 cod, waxayna u dhigan tahay laba xildhibaan oo kala ah:

1. Cabdicasiis Aadan Habane Maxamed wuxuu helay (3589 cod)
2. Fu’aad Saxardiid oo helay (2499 cod).

V. ururka RAYS wadarta guud waxa uu helay 11865 cod, waxayna u dhigantaa hal xildhibaan oo ah: Khadar Xuseen Cali Ismaaciil wuxuu helay 1877 cod.

VI. Ururka WADANI waxa uu wadarta guud helay 39369 cod oo u dhiganta afar xildhibaan oo kala ah:

1. Maxamed Warsame Caalin (Timacadde) wuxuu helay (5315 cod).
2. Cabdiqani Yuusuf (Ina macalin) wuxu helay (2969 cod).
3. Cabdilaahi Aadan Cali (Cabaas) waxa u codeeyey (2902 cod).
4. Cabdirisaaq Faarax Xasan Qawdhan oo helay ( 2621 cod).

VII. Ururka XAQSOOR wadarta guud ee u codaysay waxay tahay 33,366 cod, waxaanu helay afar xildhibaan oo kala ah:

1. Saleebaan Daahir Raagsaalle oo ku gudbay 4558 cod.
2. Cabdilaahi Aw Aadan Maxamed Cawl (2899 cod).
3. Cabdilaahi Siciid Faarax Diiriye (2719 cod).
4. Deeq Ducaale Cismaan Guuleed (2364 cod).

Si kastaba ha ahaatee, waxa xalay amniga la adkeeyey agagaarka xarunta Komishanka Doorashooyinka oo la keenay ciidan aad u badan ka dib markii dad farobadan oo ka dhursugaya dhawaaqa ka soo baxa iyo sida loo kala helay ay soo buux dhaafiyeen agagaarka xarunta, taas oo ciidanku kala eryeyey dadka si aan meesha loogu so buuqin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
12/7/2012 2:21 PM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay toban kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax loo maleynayo bombka gacanta laga tuuro oo lala beegsaday Masaajidka Al-Hidaaya ee waddada Jaam Street ee xaafdda Eastleigh.

12/7/2012 8:04 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in hay'adda horumarinta caalamiga ah ee Turkiga [TIKA] ay dib u dhis ku sameyn doonto waddooyinka magaalada Muqdisho oo aan wax dayactir ah lagu sameyn tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

12/7/2012 7:21 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Afduubyadii ay burcadbadeedda Soomaalidu ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya ayaa sannadkan 2012 uu aad hoos ugu dhacay sida ay sheegtay hay'adda la socodka badaha bariga Afrika oo fadhigeedu yahay magaalada Mombassa ee dalka Kenya.

12/7/2012 2:59 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, ilaa lix qofna way ku dhaawacmayn rabshado xalay ka dhacay magaaladda Hargeysa ka dib markii lagu dhowaaqay natiijadii doorashadda golaha deegaanka ee magaaladda Hargeysa sida ay noo xaqiijiyeen hawl-wadeenadda caafimaadka ee Adna Cisbitaal oo la dhigay dhawaaci.

12/7/2012 2:59 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Ururka dhallinyarada SYL II ayaa bandhig lagu dhiiri-galinayo dhaqanka iyo afka Soomaaliga ku qabtay Muqdisho, bandhigan oo ay kasoo qeyb-galeen agaasimaha wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta Sare, Ismaaciil Macalin Cabdullahi ayaa si aad ah u soo dhaweeyay bandhigga sheegayna in wasaaradu ay dhiiri-gallin doonto dhaqanka Soomaaliyeed iyo afkaba.

12/7/2012 2:52 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay ra'iisul wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, iyagoo kawada hadlay sidi xiriirka labada dal loo xoojin lahaa.

12/7/2012 2:49 AM EST
Jimco, December 07, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska degmada Baydhabo ee gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan hay'adda FAO oo ay gacanta ku hayaan loo haysto dambi ah inuu la shaqeyn jiray Al-shabaab.