4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Shirkadda Oday Express oo Bilowday Duulimaad Joogto ah oo ay ku tagi Doonto Magaalada Beledweyne

Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Shirkadda Diyaaradaha ee Oday express ayaa shaacisay in ay bilowday duulimaad joogto ah oo ay ku tagi doonto magaalada Beledweyne, iyadoona shirkadda ay markii ugu horeeysay shalay ka degtay garoonka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shirkaddan ayaa maalin walba oo arbaco ah waxay ka rakaabsan doontaa magaalada Muqdisho iyadoona tagi doonta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maamulaha shirkadda Oday Express Ciise Nuur Diiriye oo u waramay HOL ayaa sheegay in duulimaadyo joogto ah ay ka bilaabeen magaalada Beledweyne, isagoona intaa ku daray in ay badin doonaan duulimaadyada ay ku tagayaan magaalooyinka Beledweyne, Gaalkacyo iyo Guriceel.

“Duulimaadyadaas waan joogteyn doonnaa si rakaabka ay ugu tagalaan,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Shirkadda ayaa duulimaadkii ugu horeeyay arbacadii shalay ku tagtay magaalada beledweyne, halkaaso ay ku dajisay rakaab ka yimid dhanka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Tartan xagga duulimaadyada ah ayaad moodaa in uu ka bilowday dalka Soomaaliya, iyadoona laba maalmood kahor shirkadda diyaaradaha ee Horn of Africa Airlines ay shaaca ka qaaday in ay bilowday duulimaadyo ay ku tagi doonto magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Kismaayo.

Warar kale ayaa sheegaya in ay soo socoto shirkad kale oo diyaaradeed, taasoo ka dhex shaqeyn doontaa gobollada dalka Soomaaliya.

Tartanka u dhexeeya diyaaradaha ee dhanka duulimaadyada ah ayaa waxa uu faa’iido u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ee isaga kala gooshta gobollada dalka, kuwaasoo heli doona duulimaadyo joogto ah iyo weliba qiimo jaban.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi - Kenya