4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo Geysatay dhaawaca dad badan oo ay ku jiraan Haween ka Ganacsada Dahabka
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Qarax bambaano oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 13 qof oo u badan haween ayaa ka dhacay goor-dhow qaybta dahabka lagu iibiyo ee suuqa Bakaaraha, iyadoo ciidamada dowladda ay markiiba halkaas howlgal ka billaabeen.

Sarkaal u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin cid dhimasho ay kasoo gaartay qaraxa, ayna gacanta ku dhigeen kooxo ay uga shakisan yihiin inay ka dambeeyeen weerarka bambaano ee suuqa ka dhacay.

"Qarax ayaa dhacay, markiiba waxaan dibadda uga soo baxay dukaankeyga, waxay indhahaygu qabteen dhaawac dad badan oo ay haween ku jireen, ma garan karno sida ay wax u dhaceen, balse waxaa dhacay qarax xooggan," ayuu yiri ganacsade dukaan ku leh dahablaha Bakaaraha.

Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in weerarka lala beegsanayay askar ku sugnaa suuqa, balse ay dad shacab ah waxyeello kasoo gaartay, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo weerar khasaarahan oo kale geysta uu ka dhaco suuqa tan iyo markii la doortay madaxda cusub ee dalka.

"Ciidamadu baaritaanno ayay wadaan, xaaladduna waa deggen tahay," ayuu yiri sarkaal booliiska Soomaaliya ka tirsan oo ku sugan suuqa, isagoo sheegay inaysan jirin cid ay hadda ku eedeynayaan inay qaraxaas ka dambeysay, basle ay baaritaan wadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay hanato ammaanka guud ee Muqdisho iyadoo habeen hore ay ahayd markii hoobiyeyaal lagu weeraray degmooyin ku dhow madaxtooyada, weerarradaas oo sababay dhaawaca illaa shan qof oo rayid ah.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkan, iyadoo suuqa Bakaaraha uu yahay midka ugu weyn ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana weerarkan uu kusoo beegmayaa iyadoo la qaaday isbaarooyinkii yaallay waddooyinka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya