4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Mid ka mid ah Ergadii soo xushay Baarlamaanka Somalia iyo Haweeney rayid ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Muqdisho nabaddoon iyo haweeney rayid ah, iyadoo dilka nabaddoonka la sheegay inay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan oo ay markii dambe u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

Nabaddoonka la dilay oo lagu magacaabo jiray, Maxamed Maxamuud Yuusuf ayaa ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu noqonayo odaygii labaad oo ka mid ahaa ergadii xulista baarlamaanka oo dhowr todobaad gudahood lagu dilo Muqdisho.

"Allaha u naxariisteen nabaddoonka waxaa lagu dilay degmada Wadajir, gaar ahana xaafadda Xaawo-taako, waxaa lagu hor-dilay garaash uu baabuur dhigtay, kooxihii dilkiisa geystayna way baxaseen," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Wadajir oo la hadlay saxaafadda.

Dilka nabaddoonka oo dhacay xalay fiidkii ayaa wuxuu cabsi weyn geliyay ergda kale ee Muqdisho ku sugan, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin dilka loo geystay nabaddoonka.

Sidoo kale, ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo xalay dhac ka geystay deegaanka Kaxda ee Muqdisho oo dhawaan loo aqoonsaday degmadii 17-aad ee gobolka Banaadir ayaa waxay xalay ku dileen haweeney umul ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

"Haweeneyda waxay ahayd umul waxaana ku dhacay rasaas ay ciidamadu fureen xilli ay dhac ka geysanayeen degmada," ayuu yiri Maxamed Jarrati oo ka mid ah dadka ku nool degmada cusub ee Kaxda, isagoo intaas ku daray inaysan garanayn halka ay ka yimaadeen ciidamada dilka iyo dhaca geystay.

Jidadka magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan laga qaaday isbaarooyin lacago looga qaadi jiray gaadiidka dadweynaha, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay soo kordhayaan falalka dhaca ah ee loo geysanayo dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya