4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 5 , 2012
Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh oo Maanta la kulmay dhiggiisa Turkiga, Cabdalla Guul iyo Heshiis la kala saxiixday
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dlaka Turkiga ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Ankara dhiiggiisa dalkaas, Cabdalla Gull iyagoo kawada hadlay adkeynta xiriirka u dhexeeya labada dal iyo arrimo kale.


Kulankan labada madaxweyne ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro labada dal ka tirsan, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo Turkiga uu u sii wadi lahaa mashaariicda uu ka billaabay Soomaaliya sannadkii hore 2011.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweyne, Xasan Sheekh iyo Cabdalla Gull ayaa dalka Turkiga Cabdalle Guul oo ay hareeraha ka taagan yihiin wasiirrada gaashaandhigga labada dal ayaa waxay sheegeen inay isla garteen in iskaashiga labada dalka uu sii socdo, sidoo kalena la iska kaashado dhinacyada ammaanka iyo horumarinta.

"Madaxweynaha Turkiga waxaan isla garannay in la xoojiyo xiriirka labada dal iyo in la iska kaashado; dowladda Turkigana ay qayb ka qaataan soo celinta ammaanka dalka Soomaaliya," ayuu yiri Xasan Sheekh oo wariyeyaasha la hadlay. Sidoo kale wuxuu sheegay madaxweyne Xasan in dowladda Turkiga ay uga mahadceliyeen sidii ay gacanta hagar la'aaneed u siiyeen shacabka Soomaalida xilligii adkaa.

Madaxweynaha Turkiga, Cabdalla Gull ayaa isaguna dhankiisa sheegay in dowladda Turkiga ay wadeyso taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka go'an tahay inay gacan ka geystaan sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd dal xasilloon labaatan sano kaddib.

Wasiirrada gaashaandhigga labada dal ayaa ayaa Madaxweynayaasa hortooda ku hor saxiisay heshiis ku aadan iskaashiga labada dal ee dhinaca ammaanka, iyadoo ay labada wasiir sheegeen in heshiiskooda uu u fuli doono sida ay u saxiixeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdi wasiirro ah oo uu horkacayo ayaa ku dalka Turkiga ku jooga booqasho rasmi ah oo qaadanaysa saddex casho, iyadoo lagu kulammadu ay sii socon doonaan illaa maalinta berri ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya