4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 5 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu Hoggaaminayay oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Turkiga (SAWIRRO)

Arbaco, December 05, 2012 (HOL) —Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga, isagoo maanta kulan looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhexmara la yeeshay madaxweynaha dalkaas Cabdalla Gull.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Ankara waxaa kusoo dhaweeyay madax katirsan dowladda Turkiga, masuuliyiin ka socday safaaradda Soomaalida ee dalkaas, arday iyo dadweyne Soomaaliyeed oo dalkaas ku nool.

Madaxweeynaha ayaa la filayaa in berri oo Khamiis ah uu la kulmo ra'iisul wasaaraha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan isagoo kala hadli doona xiriirka Soomaaliya iyo sidii ay dowladda Turkiga u sii wadi lahayd mashaariic horumarineed oo ay sannadkii hore ay ka billaabeen Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu la kulmo ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas u jooga waxbarashada iyo Soomaalida kale ee dalkaas ku nool. isagoo saddex casho kaddib dib gu soo laaban doona magaalada Muqdisho.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago dalka ku yaalla qaaradda Yurub tan iyo markii xilka madaxweynenimo loo doortay bishii September ee sannadkan isagoo tartanka doorashada kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh oo hadda ku nool dalka Uganda.

Haddaba daawo Sawirrada sidii Madaxweynaha Soomaaliya loogu soo dhaweeyay Turkiga:






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya