Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Dec 4 , 2012
Kooxda Xuquuqda Aadamaha ee EU-da iyo Maraykanka oo Somaliland kala hadlay ilaalinta Xuquuqda Aadamaha iyo Warbaahinta
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Kooxda Xuquuqda aadamaha ee Midawga Yurub, Norway, Switzerland iyo Maraykanka ayaa ku baaqay in wax laga qabto meel ka dhacyada ka dhanka ah saxaafadda iyo weliba xad-gudubyada ku dhisan jinsiga.
Kooxdani waxay sidaa ka sheegeen shir jaraa'id oo ay ku qabteen hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay booqasho hal maalin ah ku yimaadeen Somaliland, isla markaana wada hadalo iyo is-xog-waraysi la yeesheen xukuumadda Somaliland iyo weliba ururada bulshada.
“Kooxda xuquuqda aadamuhu waxay ku bogaadiyeen Somaliland horumar laga sameeyay xagga xuquuqda aadamaha gaar ahaana abuuritaanka Guddida Xuquuqda aadamaha iyo weliba xoojinta dhinaca garsoorka. Sidoo kale waxay kooxda xuquuqda aadamuhu Somaliland ku hambalyaysay doorashada golaha deegaanka ee sida nabdoon uga qabsoontay Somaliland. Waxaanay kooxdan rajaynaysaa in hawlahani nabdoon sii socon doonaan,” ayuu yidhi Tomas Konigsfeldt oo ah u qaybsanaha arrimaha siyaasadda ee Safarada Denmark ee magaalada Nairobi oo ka hadlay waxyaabihii ay la kulmeen intii ay Somaliland joogeen oo ay ka mid tahay meel ka dhacyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha kor u qaadida ka qayb galka haweenka ee xagga siyaasadda iyo weliba arrimo kale.
Waxaanu intaas ku daray “Kulamadayadii waxaanu ku gorfaynay dhawr arrimood oo la xidhiidha xuquuqda aadamaha oo ay ku jiraan xorriyadda hadalka iyo madax banaanida warbaahinta. Taasi oo ay kooxdu u aragto inay fure u tahay horumarka. Waxaanay kooxdu danaynaysaa arrimahaasi oo ay ka mid yihiin dil, xadhig iyo garaacis lagula kaco suxufiyiinta, taasi oo khatar ku ah warbaahinta. Waxaanay kooxdu dawladda Somaliland ugu baaqaysaa in la sameeyo xeer warbaahineed oo lagaga maarmo in loo raaco xeerka ciqaabta”.
Sidoo kale, waxay ka hadleen xeerka sirdoonka Somaliland oo qodobo ka mid ah warbaahinta caqabad ku ah, waxaanu yidhi “ Waxa kale oo ay kooxdu qiimeyn ka yeelatay arrimaha la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo madax banaanida saxaafadda gaar ahaana xeerka hay'adda sirdoonka qaranka oo ay awoodaheedu muquuninayaan warbaahinta. Waxaanay kooxdu dhiirigelinaysaa in arrinta xeerkaasi laga fiirsado. Waxa kale oo ay kooxdu ku baaqaysaa in warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland la taageero gaar ahaana xagga horumarinta”.
Kooxdani waxa kale oo ay sheegeen in sanadkan la doonayo in dumarku ka qaybqaataan arrimaha danta guud, isla markaana dumarka iyo dadka laga tiradda badan yahay wakiilo ku yeeshaan goleyaasha deegaanka, maadaama oo ay adag tahay inay cod ku soo baxaan.
Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay gudoomiyaha guddida madaxa banaan ee xuquuqda aadamaha Qaranka Somaliland Marwo: Fatxiya Xuseen, waxaanay sheegtay in dumar badani ka sharaxan yihiin goleyaasha deegaanka, balse ay adag tahay inay soo baxaan, isla markaana loo baahan yahay in kooto ahaan doorashadda lagu siiyo dumarka, waxa kale oo ay sheegtay in saxaafadu tahay mid aan laga maarmayn, isla markaana horumarka wadanka qayb ka qaatay sidaa darteed ay tahay in si fiican loola shaqeeyo.
“Guddi ahaan waxaanu nahay guddi madax banaan oo ay baarlamaanku soo ansixiyeen, isla markaana Guddidani u taagan tahay in gargaaridda qof kasta oo la dulmo, sidaasi darteed cid kasta oo cabanaysa haddii ay noqoto dadweynaha reer Somaliland iyo haddii ay tahay dadka kale ee ku soo barakacayba inay ogaadaan in aanu la qabanayno oo aanu diyaar u nahay inaanu wax la qabano” ayay tidhi Farxiye mar ay sharaxaysey guddida madaxa banaan ee xaquuqda aadamaha Si kastaba ha ahaatee, kooxda u doodaysa xuquuqda aadamaha ayaa xukuumadda somaliland kala hadlay ilaalinta xaquuqda adaamaha, gaar ahaan dumarka, dadka laga tirade badan yahay iyo saxaafadda.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Dowladda Seychelles oo maamulka Puntland kusoo wareejisay maxaabiis horay loogu xukumay Burcad-badeednimo
12/4/2012 11:46 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL)- Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa maanta laga soo dejiyey 5 maxbuus oo in muddo ah ku jirey xabsi ku yaalla Seychelles, kadib markii ay maxkamadi ku riddey xukunno kala duwan oo la xiriira falal Burcad-badeednimo oo ay ku lug lahaayeen.
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Xaaladda Bani'aadamnimo ee Somalia ka jirta ay weli u muuqato mid khatar ah
12/4/2012 8:43 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay maanta oo Salaaso ah in xaaladda bani'aadamnimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ah, balse ay jiraan rajooyin ka dhalanaya isbedel siyaasadeed iyo midka ammaan ee dalka ka hirgalay.
Taliyaha Ciidamada Ilaalada Waddooyinka Muqdisho oo ka hadlay dhaawac loogu geystay Degmada Waaberi
12/4/2012 7:21 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali-gaab) ayaa ka hadlay dhaawac fudud oo uu u geystay askari la sheegay inay isbaaro u taallay jidka 21-Oktoobar ee degmada Waabeir ee Magaalada Muqdisho.
Maxaabiis lagu helay dambiga Burcad-badeednimo ah oo xukuno kala duwan lagu riday oo lagu soo wareejiyey Somaliland
12/4/2012 6:56 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Maxaabiis budhcad badeed ah oo lagu soo maxkamadeeyey dalka Seychelles ayaa shalay lagu soo wareejiyey gacanta Somaliland.
Sheekh Caan ah oo lagu Dilay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo
12/4/2012 5:42 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) —Kooxo ku hubeysan baastoolado ayaa shalay gelinkii danbe toogasho ku dilay Sheekh siweyn looga yaqaanay magaalada Baardheere xilli uu kusii jeeday masaajid.
AMISOM oo Shaacisay inay Qaadayso Tallaabo ay ku adkenayso Ammaanka Jidka isku xira Marko iyo Lambar 50
12/4/2012 3:19 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabo lagu adkeynayo ammaanka jidka isku xirta magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaanka Lambar 50 ee isla gobolka Shabeellada hoose, kaddib laba weerar lagu qaaday gaadiid kolonyo ah oo waday wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ka dhacay waddadaas.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Gobollada Dhexe iyo Magaalada Kismaayo uu u kala dirayo Laba Wafdi
12/4/2012 3:01 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiyo heer wasiir ah ay xukuumaddiisu u dirayso gobollada dhexe iyo magaalada Kismaayo oo uu weli ka taagan yahay muran dhinaca maamulka ah.
Dagaal khasaare geystay oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ku dhow Jowhar
12/4/2012 2:42 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sideed askari oo ka tirsanaa ciidamadii dagaalamay ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Garsaale oo ku dhow degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo Maanta Safar ugu ambabaxay dalka Turkiga
12/4/2012 2:25 AM EST
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afar wasiir ay ku jiraan ayaa maanta u dhoofay dalka Turkiga, waxaana wafdigan sii sagootiyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.
Somali News
Somalia property boom forces refugees onto street
-
AP
12/4/2012 7:18 PM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — In parts of Somalia's capital, rubble-strewn lots that once served as sniper positions have been rebuilt into well-maintained homes, hotels and shopping plazas. Housing prices have doubled, or even gone up ten-fold.
Armed Guards Seen by EU Navy Contributing to Somali Piracy Drop
-
Bloomberg
12/4/2012 2:20 PM EST
Pirates attacks on merchant vessels in the Gulf of Aden and Indian Ocean fell 81 percent this year as the use of armed security guards on ships acted as a “game-changer,” according to the European Union’s naval force.
A primary school teacher killed by suspected Alshabab sympathizers in the outskirts of Mandera
-
HOL
12/4/2012 1:07 PM EST
A primary school teacher was last night shot dead by a group of criminal in the outskirts of Mandera Town, in North Eastern part of Kenya.
New domestic airline to operate in South Central Somalia
-
AU/UN IST
12/4/2012 12:49 PM EST
Horn of Africa airline officially started operations today in Mogadishu. The airline has received all the necessary approvals from the Federal Government of Somalia in coordination with AMISOM.
Canadian Somali Congress testifies before the Parliament on deportations
-
CSC
12/4/2012 4:38 AM EST
Canadian Somali Congress National President, Ahmed Hussen, testified before the Citizenship and Immigration Committee of the Canadian Parliament on the issue of Bill C-43 and deportations. The Canadian Somali Congress wants changes to this proposed law because it contains provisions that will lead to the deportations of hundreds of long-term residents that make one mistake.
Delay of Africa Standby Force costly
-
Xinhua
12/4/2012 4:34 AM EST
NAIROBI, Dec. 3 (Xinhua) -- Although not yet capped, the relative success of the Africa Union peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) is a clear indication that regional driven peacekeeping missions can be successful.
Fight against al Shabaab instructive model for future: U.S. general
-
Reuters
12/4/2012 4:31 AM EST
(Reuters) - The African Union war against al Shabaab in Somalia this past year has left the Islamist group "largely in a survival mode" and is instructive for confronting the region's extremist groups in the future, the head of U.S. Africa Command said on Monday.
Thousands rally in Mogadishu in support of Somali govt
-
Xinhua
12/4/2012 4:30 AM EST
Thousands rallied in the Somali capital on Monday in support of the government's security drive to remove illegal checkpoints in Mogadishu.
China supplying Africa with guns
-
Global Post
12/4/2012 4:30 AM EST
JOHANNESBURG, South Africa — China’s aggressive new strategy to sell weapons in Africa was on clear display at a recent defense exposition here.
Energy Juniors Eye Somaliland Oil Potential
-
Oil Price
12/4/2012 4:27 AM EST
Three foreign oil juniors are set to begin exploration in Somaliland by next year, as the rush on East African hydrocarbon largesse extends to the riskiest venues of the Horn.
AMISOM Vows to Help Somalia Enhance Security on Marka Road
-
AMISOM
12/4/2012 2:19 AM EST
Mogadishu, 03 December, 2012- AMISOM is taking steps to enhance security along the road between the port city of Marka and Kilometre 50, following two failed attacks on a Somali government convoy.