Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Dec 30, 2012
Madaxweynaha Puntland : "Muddo aanu kororsanay ma jirto, shantii sano ee nalagu doortay baan dhameynaynaa"
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu soo xirayey olole caafimaad oo lagu qabtay Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay arimo badan.
Waxyaabaha uu madaxweynuhu soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa, eedeymaha dowladda loo jeedinayo ee la xiriira in ay xilka muddo sanad ah ku darsatay iyo sida ay suurtagal u tahay in nidaamka axsaabta muddo kooban Puntland looga hirgeliyo.
Wuxuuna sheegay in aysan jirin wax muddo kororsi la yiraahdo oo ay xukuumadiisu samaysay, isagoo taas ka hadlayana wuxuu yiri: "Muddo aanu kororsanay ma jirto; runtaan idiin sheegeynaaye, shantii sano ee nalagu doortay baan dhamaynaynaa".
Mar uu ka hadlayey hirgelinta nidaamka axsaabta iyo suurtagal nimada in nidaamka axsaabta badan muddo sanad gudihiis ah si dhamaystiran looga hirgeliyo Puntland wuxuu yiri: "Kuwaa waxay leeyihiin hal sano malagu dhameyn karaa? Oo maxaan ugu dhameyn weyney?!! Tii ka weyneyd oo Xamar oo ay dhibaatadu haysateyba
waan hirgeliney."
Hadalka madaxweyne Faroole ayaa kusoo aadaaya xilli dhinacyada mucaaradka ahi ay ku doodayaan in muddada xilka madaxweynuhu ay ku egtahay 8-da bisha Janaayo 2013 oo ay maalmo koobani ka harsan yihiin.
Inkasta oo dastuurka cusub ee Puntland oo bishii Feb, 2012 afti kooban lagu ansixiyey uu dhigayo: in muddada xilka madaxweynuhu haynayo ay tahay shan sano.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya
Post your comments
Wasiirka Amniga Puntland oo ka digay in Hoteellada lagu qabto shirar looga soo horjeedo Ammaanka Puntland
12/30/2012 1:14 PM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka Bari, islamarkaana uu kasoo qayb galay wasiirka amniga Puntland, ayaa maanta ka dhacay xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso.
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo xukunno ku ridday 17 qof oo ku eedeysnaa Burcad-badeednimo [Sawirro]
12/30/2012 11:30 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari - laanteeda magaalada Boosaaso- ayaa maanta xukuno kala duwan ku riddey eedaysaneyaal ay tiradoodu 17 qof gaareyso, kadib markii lagu helay ku lug lahaanshaha falal Burcad-badeednimo.
Mudaharaad lagu diidan yahay dib u dhaca ku yimid Doorashadii Maaryariinta Degmada Saylac oo ka dhacay Boorama
12/30/2012 6:59 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Mudaharaad balaadhan ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorame ee gobolka Awdal, kaasoo lagu diidan yahay sababta illaa hadda loo dhaarin laayahay maayarkii iyo ku xigeenkii degmadda Saylac oo khilaaf ka taagan yahay.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Isbitaalka Baladweyne kulan wadatashi ah kula yeeshay Qeybaha Bulshada
12/30/2012 6:56 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa maanta kulan ballaaran kula qaatay gudaha isbitaalka magaalada Baladweyne qeybaha bulshada iyo guud ahaa shaqaallaha isbitaalka, kadib markii ay joojisay hay’adda MSF gacantii ay sii jirtay isbitaalka guud ee Baladweyne.
Manhajka waxbarashada Puntland oo lagu kordhiyay Maadooyinka gaar ah oo ka hadlay Nabadda iyo Dimuqraadiyadda
12/30/2012 6:44 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa laba maado oo cusub kusoo kordhiyay waxbarashada dugsiyada ku yaalla deegaannada uu maamulkaas ka taliyo, waxaana labadan maaddo ay kala yihiin maaddo lagu baranayo nabadda iyo mid lagu baranayo dimuqraadiyadda.
Xildhibaannada Baarlamaanka oo ansixiyay Miisaaniyadda ay Xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka soo socda ee 2013
12/30/2012 6:06 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Xidlhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeyn doonto sannadka soo socda ee 2013, kaddib markii wax ka bedel lagu soo sameeyay qodobbadii ay mudanayaashu doodda adag ka yeesheen kuna diideen isla todobaadkan miisaaniyada.
Magacyada Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday shilkii ka dhacay dalka Liibiya oo lasoo bandhigay
12/30/2012 1:02 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Iyadoo shalay ay ku dhinteen dalka Liibiya 16-qof oo tahriibayaal Soomaali ah ayaa waxaa lasoo bandhigay magacyada maydadkii dadkaas, iyadoo xaaladda saddex ka mid ah kuwii dhaawacmayna aad looga dayrinayo.
Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo ay Maalin walba kasoo dagaan dad ka imaanaya Magaalada Nairobi
12/30/2012 1:00 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ah mid aad u mashquul badan dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay iyadoo halkaas ay kasoo degaan maalin walba in ka badan 100 qof oo kasoo ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Somali News
President receives Yemenis kidnapped by Somali pirates in 2010
-
SABA
12/30/2012 5:10 PM EST
SANA’A, Dec.29 (Saba)- President Abdo Rabbo Mansour Hadi received on Saturday morning the Yemeni citizens, who were freed from the ship hijacked by Somali pirates off the Yemeni coast, since March 29,2012.
Farah 'blown away' by CBE accolade
-
SN
12/30/2012 11:58 AM EST
Double Olympic gold medallist Mo Farah was "blown away" at being made a CBE, but admits missing out on a top spot in the BBC's Sports Personality of the Year was "difficult" to get his head around.
Mo problems! Farah quizzed by customs officials in 'terror bungle' at US airport
-
Mail Online
12/30/2012 6:02 AM EST
Olympic hero Mo Farah has revealed how he was quizzed by US border officials on suspicion of being a terrorist.
How Is Canada's Somali Population Faring?
-
Huffington Post
12/30/2012 5:58 AM EST
The Somali Canadian population is "undergoing the growing pains of integration into the larger Canadian mainstream" according to the head of the influential Somali Canadian Congress. Ahmed Hussen, a noted activist and newly minted Ottawa University lawyer, reflects on mentorship, influence and integration for Canada's large Somali population and also looks ahead to his home country. I sat down with him to ask few questions.
Chiefs arrested after failed police post attack
-
Standard
12/30/2012 5:56 AM EST
GARISSA; KENYA: A chief and his assistant were on Saturday evening arrested in Garissa after a botched attack on an Administration Police (AP) post in Bulla Argi.
Twenty Somalis killed in accident on Khums-Zliten road
-
Libya Herald
12/30/2012 5:55 AM EST
Tripoli, 29 December: Twenty Somali migrants were killed early this morning and another 55 injured as they were being smuggled from Ajdabiya into Tripoli, sources told the Libya Herald today, when the secret compartment of the lorry they were hidden in collapsed on top of them.
Somalia grants al-Shabaab amnesty
-
PressTV
12/30/2012 5:53 AM EST
The Somali government has given the local Al-Shabaab fighter group a 100 days ultimatum to end fighting and lay down its arms.
KDF breathe new life into Kismayu
-
UNPOS
12/30/2012 5:50 AM EST
Incredibly, this small port city, a study in ruin in a country that is a parable of ruin, boasts two airports.
Prince Saud Al-Faisal receives Somalia’s Minister
-
SPA
12/30/2012 5:46 AM EST
Prince Saud Al-Faisal, Minister of Foreign Affairs, receives Somalia’s Minister of State Fareh Abdulqader Mohammed at his office in Riyadh on Saturday. Fareh handed to Prince Saud a message from Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud to King Abdullah, Custodian of the Two Holy Mosques. — SPA