4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2012
Madaxweynaha Puntland : "Muddo aanu kororsanay ma jirto, shantii sano ee nalagu doortay baan dhameynaynaa"
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu soo xirayey olole caafimaad  oo lagu qabtay Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay arimo badan.

Waxyaabaha uu madaxweynuhu soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa, eedeymaha dowladda loo jeedinayo ee la xiriira in ay xilka muddo sanad ah ku darsatay iyo sida ay suurtagal u tahay in nidaamka axsaabta muddo kooban Puntland looga hirgeliyo.

Wuxuuna sheegay in aysan jirin wax muddo kororsi la yiraahdo oo ay xukuumadiisu samaysay, isagoo taas ka hadlayana wuxuu yiri: "Muddo aanu kororsanay ma jirto; runtaan idiin sheegeynaaye, shantii sano ee nalagu doortay baan dhamaynaynaa".

Mar uu ka hadlayey hirgelinta nidaamka axsaabta iyo suurtagal nimada in nidaamka axsaabta badan muddo sanad gudihiis ah si dhamaystiran looga hirgeliyo Puntland wuxuu yiri: "Kuwaa waxay leeyihiin hal sano malagu dhameyn karaa? Oo maxaan ugu dhameyn weyney?!! Tii ka weyneyd oo Xamar oo ay dhibaatadu haysateyba
waan hirgeliney."

Hadalka madaxweyne Faroole ayaa kusoo aadaaya xilli dhinacyada mucaaradka ahi ay ku doodayaan in muddada xilka madaxweynuhu ay ku egtahay 8-da bisha Janaayo 2013 oo ay maalmo koobani ka harsan yihiin.

Inkasta oo dastuurka cusub ee Puntland oo bishii Feb, 2012 afti kooban lagu ansixiyey uu dhigayo: in muddada xilka madaxweynuhu haynayo ay tahay shan sano.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya