Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo Maanta Saxiixay Qorshe la doonayo in Somalia lagu Xasiliyo Sannadaha soo socda

Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah qalinka ku duugay qorshe lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka Soomaaliya afarta ee soo socota, kaasoo ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil hore.

Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu saxiixay heshiiskan, waxaana goobjoog ka ahaa dublamaasiyiin ka socday beesha caalamka kuwaasoo gacan ka geystay diyaarinta qorshahan.

"Waxaa farxasd weyn ii ah inaan maanta saxiixo qorsaha xasilnta dalka oo muddo dheer laga soo shaqeynayay, waxaana u mahadceliayaan wasaaradihii, saraakiishii iyo dowladihii aan saaxiibka ahayn ee mar walba nala garab taagnaa talada iyo wixii kale ee loo baahan yahay," ayuu yiri Sheekh Shariif oo munaasabadda saxiixa ka hadlay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in barnaamijkan uu yahay midkii afarta sano ee soo socota lagu xasilin lahaa dalka, isagoo xusay in dal walba uu leeyahay qorshe Qaran, kaasoo ka billowda amniga oo la'aantiis aysan jiri karin dowlad.


Ra'iisul wasaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo ka hadlay munaasabadda ayaa isaguna sheegay in qorshahan uu ka mid ahaa howshii xasiilnta dalka ee ka mid ahayd Roadmap-ka, gaar ahaan dhinaca amniga.

"Sharaf weyn bay noo tahay in madaxweynuhu uu maanta saxiixo qorshe dalka lagu  xasilinayo oo muddo laga soo shaqeynayay, xukuumaduna ay dadaal badan gelisay, sababtuna waxa weeye in Soomaaliya ay kaga baxdo dhibaatadii ay muddada dheer kusoo jirtay," ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaguna goobta ka hadlay ayaa xusay inay tahay in loo maahdceliyo cid walba oo gacan ka geystay dajinta qorshahan oo uu ku sheegay mid muhiimad gaar ah u leh in Soomaaliya ay dib ugu laabato sidii ay ahaan jiray sannado badan oo colaado ah kaddib.


"Runtii waxaan u mahad-celinaynaa dadkii kasoo shaqeeyay qorshahan, haddii ay yihiin Soomaali iyo ajnabi, dal aanay nabadi ka jirinna horumar ma gaaro, waxaana rajeynayaa in qorshahan uu noqdo midkii Soomaaliya ay kaga bixi lahayd dhibka ay muddada kusoo jirtay," ayuu yiri Shariif Xasan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in dadkii kasoo shaqeeyay qorshahaan ay taariikhda geli doonaan. isagoo xusay inuu yahay  qorshahan mid aad u fiican balse looga baahan yahay shacabak Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xasilinta dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada dowladda, xildhibaannada uu waqtigoodu sii dhammaanayo iyo mas'uuliyiin kale, iyadoo qorshahan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo loo sameeyo Soomaaliya.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/8/2012 8:40 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa maanta dib u howlgeliyay suuqii xoolaha lagu iibin jiray ee Dayax, isagoo sheegay in ammaanka suuqaas uu yahay mid la isku halleyn karo.

8/8/2012 7:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo ka mid ah wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle.

8/8/2012 7:26 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ay xalay ku qaadeen deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen guddoomiye ay dowladdu u magacowday maalin ka hor deegaankaas, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cali Xasan.

8/8/2012 7:12 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne diyaaradii ugu horreysay oo muddo afar sano ah kaddib dawo u sitay hay’adda MSF ee maamusha isbitaalka guud ee magaalada gobolka Hiiraan.

8/8/2012 4:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

8/8/2012 3:47 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay Muqdisho soo gaareen ciidammo booliis ah oo hoos imaanaya AMISOM, kuwaasoo kala shaqeyn doona booliiska Soomaalida sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho.

8/8/2012 3:29 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta kala diro xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 550-xubnood, isagoo isla maantana la kulmaya dublamaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Muqdisho.