Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Dagaalyahannada Al-shabaab oo weerar ku dilay Guddoomiyihii ay Dowladda KMG ah u magacowday Deegaanka KM-50
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ay xalay ku qaadeen deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose  waxay ku dileen guddoomiye ay dowladdu u magacowday maalin ka hor deegaankaas, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cali Xasan.

Saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah oo ku sugan deegaankaas ayaa sheegay in lagu dilay guddoomiyihii deegaankaas weerar gaadmo ah oo ay Al-shabaab kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ka sameysteen deegaankaas oo maalmo ka hor ay qabsadeen.

"Weerarka wuxuu ahaa mid qorsheysan, mujaahidiintu waxay ku dileen guddoomiye loo magacaabay deegaankaas. Sidoo kale waxaa lagu dilay askar fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM," ayuu yiri afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo dagaalka faahfaahiyay.

Sidoo kale, afhayeenku ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkaas, waxaana dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo ay Al-shabaab la beegsanayso saldhigyada ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ay ku leeyihiin gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM oo ku saabsan dagaalkan, balse waxaa maanta deegaankaas ay ku yeesheen saraakiisha dowladda KMG ah iyo maamulka gobolka Shabeellada hoose sidii loo adkeyn lahaa ammaanka deegaannada laga qabsaday Al-shabaab.

Gobolka Shabeellada hoose oo ay intiisa badan ka taliso Al-shabaab ayaa wuxuu u muuqdaa in dowladda KMG ah ay ka dhiganayso bartilmaameed si ay uga qaybsato Al-shabaab oo tan iyo sannadkii hore isaga baxaysay deegaanno badan oo ay horay uga talin jirtay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/8/2012 8:40 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa maanta dib u howlgeliyay suuqii xoolaha lagu iibin jiray ee Dayax, isagoo sheegay in ammaanka suuqaas uu yahay mid la isku halleyn karo.

8/8/2012 8:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah qalinka ku duugay qorshe lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka Soomaaliya afarta ee soo socota, kaasoo ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil hore.

8/8/2012 7:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo ka mid ah wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle.

8/8/2012 7:12 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne diyaaradii ugu horreysay oo muddo afar sano ah kaddib dawo u sitay hay’adda MSF ee maamusha isbitaalka guud ee magaalada gobolka Hiiraan.

8/8/2012 4:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

8/8/2012 3:47 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay Muqdisho soo gaareen ciidammo booliis ah oo hoos imaanaya AMISOM, kuwaasoo kala shaqeyn doona booliiska Soomaalida sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho.

8/8/2012 3:29 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta kala diro xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 550-xubnood, isagoo isla maantana la kulmaya dublamaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Muqdisho.