Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Afar sano kaddib diyaaraddii ugu Horreysay oo dawo u sidday Hay’adda MSF oo Maanta Gaartay Magaalada Baladweyne
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne diyaaradii ugu horreysay oo muddo afar sano ah kaddib dawo u sitay hay’adda MSF ee maamusha isbitaalka guud ee magaalada gobolka Hiiraan.


Guddoomiyaha maamulka DKMG ah ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xassan Afrax iyo xubno ka tirsan maamulka oo ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaarada u rarneyd hay’adda MSF, isagoo uga mahad-celiyay hay’adda MSF howsha baaxad leh oo ay u heyso bulshada ku dhaqan gobolka.

"Runtii waan uga mahad-celineynaa hay’adda MSF howsha baaxda leh oo ay u heyso bulshada gobollka Hiiraan, waxaan ku dhiirigalneynaa in horay u sii wadaan howsha caafimaad oo ay hayaan, wixii hadda ka danbeeynaya ma jirti doonto in wado ay hay’adda leedahay meelo kale laga dajiyo, si toos ah ayeey diyaaradu u iman karaan halkan," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waxaa uu ka dalbaday guddoomiyaha hay’adda MSF in ay xoojiso tayada caafimaad ee isbitaalka, gaar ahaan marka la eego dhaqaatiirta oo u baahan yahay ayuu yiri in la soo kordhiyo, maadaama baahida caafimaad ee jirta tahay mid balaaran.

Madaxa hay’addaha Samafalka ee maamulka dowladda KMG Keynadiid Muumin Cali oo guddoonsiiyay maamulka isbitaalka dawada maanta soo gaartay ayaa sheegay in mudo dheer laga shaqeynayay sidii ay dawada ku soo gaari laheyd magaalada, isaga oo intaa raaciyay in wixii hadda ka danbeeyay diyaaradaha hay’addaha samafalka adeegsan karaa garoonka magaalada.

"Markii hore dawada hay’adda waxaa laga soo dajin jiray meelo kale, sida magaalada Muqdisho iyo degmada Guri-ceel ee gobollka Galgaduud, taasoo dhibaato xoog leh ay ku qabtay hay’adda, madaama ay adkeyd in dhulka la soo mariyo, laakiin hadda arintaa waa ay soo dhamaatay," ayuu yiri Keynadiid Muumin.

Maamulka Isbitaalka guud ee gobollka Hiiraan ayaa ka mahad celiyay dadaalka dheeraad ah ee lagu bixiyay sidii loo suurtagali lahaa in Isbitaalku helo dawo mudo dheer aan soo gaarin, waxaana ay sheegeen in tani wax weyn ka tari doonto socod siinta howlaha caafimaad ee isbitaalka.

"Hay’adda MSF dawo la’aan ma aheyn, laakiin dhibaatada ugu weyn waxa ay ka jirtay sidii lagu soo gaarsiin lahaa isbitaalka, laakiin waxaan hubaa in wal walkii arintaa naga heystay uu soo dhamaaday," ayuu yir Dr. Xasan Cumar Siyaad oo ah madaxa isbitaalka.

Waxaa uu sheegay Dr Xassan in hay’adda MSF tahay hay’adda aan siyaasad shaqo ku laheyn kana shaqeysa oo kaliya arrimaha samafalka iyo sidii bulshada dhibaateysan gacan loo siin lahaa.

Diyaaradda u rarneyd hay’adda MSF ee maanta gaartay magaalada Baladweyn ayaa sida 1.2 tan oo Dawo, taaasoo wax weyn ka tari doonta soco siinta howlaha caafimaad ee isbitaalka gobollka, waxaana xusid  in dhawaan dawo u rarneyd hay’adda oo ku jeeday magaalada Baladweyne lagula dagay degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

8/8/2012 8:40 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa maanta dib u howlgeliyay suuqii xoolaha lagu iibin jiray ee Dayax, isagoo sheegay in ammaanka suuqaas uu yahay mid la isku halleyn karo.

8/8/2012 8:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah qalinka ku duugay qorshe lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka Soomaaliya afarta ee soo socota, kaasoo ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil hore.

8/8/2012 7:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo ka mid ah wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle.

8/8/2012 7:26 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ay xalay ku qaadeen deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen guddoomiye ay dowladdu u magacowday maalin ka hor deegaankaas, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cali Xasan.

8/8/2012 4:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

8/8/2012 3:47 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay Muqdisho soo gaareen ciidammo booliis ah oo hoos imaanaya AMISOM, kuwaasoo kala shaqeyn doona booliiska Soomaalida sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho.

8/8/2012 3:29 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta kala diro xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 550-xubnood, isagoo isla maantana la kulmaya dublamaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Muqdisho.