Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Ra'iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya oo sheegay inuu rajo weyn ka qabo in loo doorto Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Mudane C/weli Gaas ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu kaga dhawaaqayay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo shalay ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay in lagu qiimeyn doono waxyaabihii ay qabatay xukuumaddiisa muddadii sannadkan ahayd ee ay jirtay.

"Haddii aad eegto waxyaabihii ay qabatay xukuumaddeyda muddadii yarayd ee ay jirtay waxaad i siin doontaa codkaada," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka mid noqonaya murashaxiinta xusul-duubka ugu jira doorashada madaxnimo ee dalka.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku faanay in dowladdiis ay howlo badan qabtay intii ay jirtay, isagoo si gaar ah u xusay ammaanka oo uu sheegay inay tahay mid ay guul weyn ka gaartay xukuumaddiisa intii ay shaqeynaysay.
 
"Sababta aan isugu sharraxay doorashada madaxnimo ee dalka waa inaan kalsooni buuxda ku qabo inaan guuleysan doono," ayuu yiri C/weli Gaas oo intaas raaciyay inaysan jirin cid ku dhiirran kartay sannad ka hor inay ololaha doorashada madaxnimo ee dalka ay ku qabto Muqdisho, taasna waxaa sababtay ammaanka oo la xaqiijiyay.

Wasiirrada xukuumadda C/weli Gaas oo iyaguna xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay ku taageerayaan ra'iisul wasaaraha inuu xilka madaxnimo ee dalka isku soo taago iyagoo sheegay inay sumcad weyn ku heleen howshii ay qabteen halkii sano ee ay shaqeynayeen.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu ku biirayaa 19-murashax oo u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka aan awoodda lahayn.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa soo dooran doona 275-xildhibaan oo lagu wado inay maalmaha soo socda soo gudbiyaan magacyadooda odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho, waxaana murashaxiinta kale ay cabsi weyn ka qabaan in doorashada ay kusoo baxaan madaxda dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/8/2012 8:40 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa maanta dib u howlgeliyay suuqii xoolaha lagu iibin jiray ee Dayax, isagoo sheegay in ammaanka suuqaas uu yahay mid la isku halleyn karo.

8/8/2012 8:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah qalinka ku duugay qorshe lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka Soomaaliya afarta ee soo socota, kaasoo ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil hore.

8/8/2012 7:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo ka mid ah wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle.

8/8/2012 7:26 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ay xalay ku qaadeen deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen guddoomiye ay dowladdu u magacowday maalin ka hor deegaankaas, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cali Xasan.

8/8/2012 7:12 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne diyaaradii ugu horreysay oo muddo afar sano ah kaddib dawo u sitay hay’adda MSF ee maamusha isbitaalka guud ee magaalada gobolka Hiiraan.

8/8/2012 3:47 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay Muqdisho soo gaareen ciidammo booliis ah oo hoos imaanaya AMISOM, kuwaasoo kala shaqeyn doona booliiska Soomaalida sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho.

8/8/2012 3:29 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta kala diro xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 550-xubnood, isagoo isla maantana la kulmaya dublamaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Muqdisho.