Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Dood-cilmiyeed looga hadlayay Sidii lagu kobicin lahaa Ganacsiga Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Dooddan looga hadlayay sidii kor loogu qaadi karo ganacsiga dalka si uu u kobco dhaqaalaha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayhaa waxaa ka qaybgalay ganacsato isugu jiray rag iyo dumar.
 
Doodda oo ay soo qaban-qaabisay Hey'adda CCD ayaa lagu soo qaaday marxalada xilligan uu marayo ganacsiga dalka, iyadoo ganacsatada ay kusoo bandhigeen qodobbo badan oo lagu horumarin karo ganacsiga dalka.
 
Guddoomiyaha haweenka ee CCD, Sahro Maxamuud Amiin oo doodda hadal ku furtay ayaa sheegtay sheegtay in ganacsatada looga baahan yahay inay isku xirnaadaan, isla markaana ay kobciyaan dhaqaalaha dalka.
 

Sidoo kale, ganacsade C/llaahi Daahir Maxamed oo isaguna doodda ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu qayb ka yahay daqliga kasoo xarooda dekedaha dalka, isagoo soo hadal qaaday dekedda Kismaayo oo uu xusay in dhaqaalaheeda uu gacanta ugu jiro Al-Shabaab, isla markaana ay ka mid tahay afarta dekedood ee uu dhaqaala badan kasoo galo dalka, isagoo intaa ku daray inay rajeynayaan inay dowladda KMG ah la wareegto dekeddaas, dhaqaalaha kasoo xarooda loo isticmaalo sidii dhibaatada ka jirta gobolada Koofureed loogu maareyn lahaa.
 
Ganacsade Ibraahim Maxamed ayaa isna sheegay in xaalufinta dhirta ay qayb ka tahay nabaad-guurka deegaanka, isagoo cadeeyay in loo baahan yahay in la joojiyo dhoofinta dhuxusha ee ka socota dekedaha dalka qaarkood.
 
Waxaa kaloo doodda ka hadlay, Xasan Axmed Shardi isagoo xusay in qaabka ugu habboon ee la isugu xiri karo ganacsatada ay tahay inay midoobaan, si ganacsiga dalka kor loogu qaado.


Doodda ayaa waxaa sidoo kale hadallo kala duwan ka jeediyay ganacsatada kala ah, Cali Sheekh Xasan, C/qaadir Maxamed Maalin iyo Caasho Muxiyadiin waxayna dhammaantood sheegeen in loo baahan yahay in suuqyada ganacsiga amaankooda la sugo si ay ganacsatadu u bixiyaan canshuurta ay dowladdu ku leedahay. Iyagoo ka dalbaday in la ballaariyo goobaha ganacsiga dalka oo ciriiri uu ka jiro.
 
Ugu dambeyn, ganacsatadii doodda ka qaybaglayay ayaa soo gudbiyay fikrado iyo aragtiyo ku aaddan sida lagu kobcin karo ganacsiga dalka, laguna hormarin karo, waxayna muujiyeen in ganacsatada ay yihiin tiirka bulshada Soomaaliyeed.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/7/2012 5:38 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya. Haddaba maxay tahay sababta uu shaqada ka tago.

8/7/2012 4:38 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL)Xafladan Afur iyo Casha Sharafeedkan lagu maamuusayey Oradyahanada Dalkeena matalayey ee kala aha Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan ayaa xalat si heer sare ah uga qabsoontay Magaalada Bristol ee Dalkan Ingiriiska.

8/7/2012 4:18 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HO): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka doorashooyinka golaha deegaanka.

8/7/2012 11:14 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012— Dowladda KMG ah ayaa maanta ka dhoofisay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ciidammo ku dhaawacmay dagaallada ay kula jirto Xarakada Al-shabaab iyo fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Muqdisho si loogu soo daweeyo dalka dibaddiisa.

8/7/2012 11:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012— Beesha Gaaljecel oo ka mid ah beelaha Hawiye ayaa si weyn u diiday liis la sheegay in ay ku qornaayeen shaqsiyaad loo magacaabay in ay beesha u metelayaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee lagu mashquulsan yahay soo xulitaanka xubnihiisa.

8/7/2012 8:40 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Beelaha Soomaalida qaarkood ayaa aad uga soo horjeestay qaabka loo xulayo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya, waxaana beelaha cabanaya ka mid ah beesha Gaaljecel oo eedeyn u jeedisay wakiilka ugaaskooda.

8/7/2012 8:17 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda oo Kalfadhi aan caadi ahayn maanta iskugu yimid, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland.

8/7/2012 8:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday maamulka sare ee Xarakada Al-shabaab ayaa xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali, iyadoona xilkaasi loo magacaabay Gudoomiye cusub.

8/7/2012 8:07 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 28-sarkaal oo ka tirsan kuwa ciidamada cirka dalkeeda ay u dirtay Soomaaliya si ay uga qayb uga qaataan sugidda ammaanka Muqdisho oo lagu wado inay dhammaadka bishan ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

8/7/2012 8:06 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay deegaanka Biibi oo qiyaastii 90 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

8/7/2012 8:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in dawladda Denmark ay xafiis ka furanayso Magaalada Hargeysa, isla markaana shaqadeedda ay si rasmi ah u bilaabayso.

8/7/2012 7:29 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Inta la og-yahay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka DKMG ee gobollka Hiiraan ayaa ku dhintay illaa shan qof oo kalana way ku dhaawacmeen, kaddib markii si lama filaan ah uu mid ka mid askarta geeriyootay ugu qaraxday Bam uu sitay, xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Xaawa Taako ee magaalada Baladweyne.

8/7/2012 4:41 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Suxufiyad ka hawlay Telefishanka xukuumadda Somaliland oo lagu magacaabo Hodan Caafi ayaa waxaa dhibaato u gaystay taliye ku xigeenka saldhiga dhexe ee bileyska Boorame ee gobolka Awdal, kaas waxyeello kasoo gaadhay wejiga sida Ilkaha, isha hoosteedda iyo dibinta oo la sheegay inay dilaacday.

8/7/2012 4:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan kula yeeshay madaxtooyada Somalia saraakiisha ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo uga mahadceliyay guusha ay ka gaareen dagaalladii ay Muqdisho kula galeen Al-shabaab.

8/7/2012 3:49 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Iyadoo guud ahaan marka aad eegto khilaaf xoogan uu ka taagan yahay arinta ku saabsan soo xulista xildhibannada uga mid noqonaya gobollka Hiiraan baarlamaanka soo socda, ayaa waxaa arintaa ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

8/7/2012 3:21 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqaya inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynimoe ee Soomaaliya, taasoo sare u qaadaysa xubnaha u taagan qabashada xafiiska madaxnimo ee Soomaaliya.