Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2012
Jen. Cabdi Qaybdiid oo Muqdisho tagay, sheegayna inuu wadahadallo la yeelanayo madaxda Dowladda KMG ah
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) —  Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) oo toddobaadkii hore loo doortay madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kulammo la yeelanayo madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.

Jen. Qaybdiid oo saxaafada la hadlay markii uu Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go'an tahay inuu qayb ka qaato dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya.

"Waxaan doonayaa inaan madaxda DKMG ah wadahadallo la yeesho, waxaana kala hadli doonaa sidii la isaga kaashan lahaa nabad kusoo celinta Soomaaliya," ayuu yiri Jen. Cabdi Qaybiid oo ka hadlayay kulan lagu soo dhaweeyay oo ka dhacay hoteelka Saxafi ee Muqdisho.

Mar uu ka hadlay qorshihiisa waxqabad ayuu sheegay inay ka go'an tahay inuu wax ka qabto deegaanada Galmudug iyo kuwa xiriirka la leh, goobahaasoo uu sheegay inay saldhigyo ku leedahay Al-shabaab.

"Anigu waxaan qabaa in Al-shabaab lala dagaalamo, waayo waa koox aan naxariis u hayn shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Jen. Qaybdiid oo weli ay doorashadiisu muran ku jirto.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Col. Maxamed Axmed Caalin oo weli ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug, isagoo dalbadya in la furo wadahadallo lagu dhameynayo xiisadaha taagan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/6/2012 7:11 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

8/6/2012 2:15 PM EST
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka digay inay doorashooyinka golaha deegaanku dib u dhacdo.

8/6/2012 8:16 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Bannanaabax ay ka qaybgaleen dad aad fara badan laguna taageerayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Istaadiyum Koonis.

8/6/2012 7:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Xiisado dagaal ayaa maanta laga dareemayaa degmooyinka Afmadow iyo Badhaadhe halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo garab ka helaya Militariga Kenya ee dhawaan ka mid noqday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

8/6/2012 7:49 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa saaka lagu diley xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka, laguna magacaabi jirey Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe).

8/6/2012 3:43 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay shabakad dalka Jabuuti laga leeyahay oo lagu magacaabo Djibouti's La Nation inay ka go'an tahay inay ka geystaan gacan buuxda nabad kusoo celinta Soomaaliya.

8/6/2012 3:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo labadii dhinac ee dagaalamay ka mid ah, iyadoo la sheegay in tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.