Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Aug 6 , 2012
Bannaanbax lagu taageerayay Markii Al-shabaab ay ka baxday Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Bannanaabax ay ka qaybgaleen dad aad fara badan laguna taageerayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Istaadiyum Koonis.
Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, wasiirrada DKMG ah qaarkood iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa hadallo ka jeediyay kulanka iyagoo sheegay inay maanta tahay maalin lagu farxo.
"Waa maalin xusid mudan maanta, waayo waa maalintii ay shacabka Somaaliyeed xaqiiqsadeen inay iska dhicin karaan Al-shabaab," ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in sannad ka hor ay dowladdu howlo badan qabatay.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen qayb weyn in Al-shabaab ay isaga baxaan degmooyinkii ay kaga sugnaayeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Al-shabaab ayaa 06-dii Ogoosto, 2011 markii xoogagga Al-shabaab ka baxeen Muqdisho iyagoo sheegay inay bedeleen xeeladii dagaal ee ay kula jireen dowladda iyo ciidamada AMISOM oo degmooyin Muqdisho ka tirsan ka qabsaday Al-shabaab.
"Waxaa jira degmooyin iyo gobollo dalka ka tirsan oo weli ay Al-shabaab ku sugan tahay, waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka codsanaynaa inay gacan ka geystaan sidii looga saari lahaa," ayuu yiri Shariif Sheekh.
Sidoo kale, wasiirrada arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga DKMG ah ee Soomaaliya oo iyaguna dibadbaxa ka hadlay ayaa sheegay in bixitaankii Al-shabaab uu ku yimid awood ay adeegsadeen ciidmada dowladda KMG ah iyo AMISOM oo caawinaya.
Dibadbaxayaasha ayaa ku qaylinayay erayo ay ku taageerayaan DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo garoonka lagu xardhay sawirrada Shariif Sheekh Axmed oo u taagan inuu u tartamo xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo ay ka taliso DKMG ah ayaa haddana waxaa weli ka dhaca qaraxyo, iska-horimaadyo iyo dilal qorsheysa oo ay fuliyaan xoogag taageersan Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Yuusuf Garaad oo ka ruqseystay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da
8/6/2012 7:11 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka digay inay doorashooyinka golaha deegaanku dib u dhacdo
8/6/2012 2:15 PM EST
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka digay inay doorashooyinka golaha deegaanku dib u dhacdo.
Jen. Cabdi Qaybdiid oo Muqdisho tagay, sheegayna inuu wadahadallo la yeelanayo madaxda Dowladda KMG ah
8/6/2012 8:32 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) oo toddobaadkii hore loo doortay madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kulammo la yeelanayo madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.
Ciidamada DKMG ah, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billaabay Jubbooyinka
8/6/2012 7:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Xiisado dagaal ayaa maanta laga dareemayaa degmooyinka Afmadow iyo Badhaadhe halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo garab ka helaya Militariga Kenya ee dhawaan ka mid noqday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Kooxo hubeysan oo Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland ku dilay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal
8/6/2012 7:49 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa saaka lagu diley xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka, laguna magacaabi jirey Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe).
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysanayo nabad kusoo celinta dalka Soomaaliya
8/6/2012 3:43 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay shabakad dalka Jabuuti laga leeyahay oo lagu magacaabo Djibouti's La Nation inay ka go'an tahay inay ka geystaan gacan buuxda nabad kusoo celinta Soomaaliya.
Dagaal culus oo degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku dhexmarya Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab
8/6/2012 3:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo labadii dhinac ee dagaalamay ka mid ah, iyadoo la sheegay in tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.
Somali News
Puntland legislator killed in Garowe
-
Bar-Kulan
8/6/2012 4:04 PM EST
A member of Puntland’s regional parliament has been killed in Garowe on Monday morning, reports say.
Draft Communique: Consultative Meeting of the Somali Signatories
-
HOL
8/6/2012 3:28 PM EST
The principal Signatories fo the Roadmap met in Nairobi on 4th and 5th August 2012
Draft Communique: Consultative Meeting of the Somali Signatories next page
-
HOL
8/6/2012 3:27 PM EST
The principal Signatories fo the Roadmap met in Nairobi on 4th and 5th August 2012
In Somali capital, a year without Islamist militia
-
CSM
8/6/2012 2:40 PM EST
A little over a year ago, perhaps the most common sound regularly heard on a Mogadishu morning, after the muezzin’s call to prayers, was gunfire.
Space: NASA rover Curiosity lands on Mars
-
AP
8/6/2012 4:53 AM EST
newsinsidePASADENA, Calif. (AP) — In a show of technological wizardry, the robotic explorer Curiosity blazed through the pink skies of Mars, steering itself to a gentle landing inside a giant crater for the most ambitious dig yet into the red planet's past.
Armed men kill Mogadishu airport director
-
Sabahi Online
8/6/2012 2:11 AM EST
Unknown gunmen killed managing director of Mogadishu National Airport Ibrahim Iman Halane on Saturday (August 4th), the Somali National News Agency reported.
Helping Africa manufacture its own emergency and disaster relief supplies
-
Guardian
8/6/2012 2:07 AM EST
David Dickie set up Advance Aid when he questioned the sense in flying supplies for people affected by Africa's humanitarian crises from China, say, when they could be made on home soil.
Somalia draft constitution to go to referendum
-
Press TV
8/6/2012 2:04 AM EST
Somalia has endorsed a draft constitution that is set to replace an eight-year old Transitional Federal Charter that governed Somalia since 2004.
How Mo Farah rejected the "plastic Brit" charge
-
New Statesman
8/6/2012 2:02 AM EST
Before the opening of the Olympics, the Daily Mail ran a series of stories on those athletes it called "plastic Brits". By this ugly term, it referred to those in the British team who were born overseas and later acquired citizenship.
Djiboutian foreign minister reiterates commitment to Somali peace
-
Sabahi Online
8/6/2012 1:57 AM EST
Djibouti is committed to peace in Somalia and globally, Foreign Minister Ali Mohamoud Youssouf said in an interview with Djibouti's La Nation published on Saturday (August 4th).
Scottish charity Sciaf praises African drought response
-
BBC
8/6/2012 1:56 AM EST
A Scottish charity has said it raised more than £1m from Scotland to tackle last year's drought in the Horn and East of Africa.
Somali forces clash with al-Shabaab in Bay region
-
Sabahi Online
8/6/2012 1:54 AM EST
Somali troops defended Qansah Dhere in the Bay region from an al-Shabaab attack on Saturday (August 4th), Somalia's Garowe Online reported.
Secretary of State urges Kibaki to concentrate on regional peace
-
Xinhua
8/6/2012 1:53 AM EST
United States Secretary of State Hilary Rodham Clinton on Saturday called on Kenyan President Mwai Kibaki to keep engaged in regional peace and reconciliation efforts even when he retires.