Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Aug 4 , 2012
Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo dalbaday in ugu dambeyn berri lasoo gudbiyo magacyada Xidlhibaannada
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Guddiga farasamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulista xidhibaanada inay ugu dambeyn berri oo Axad ah soo gudbiyaan magacyada xildhibaannada baarlamaanka soo socda.
Shir jaraa'id oo guddoomiyaha guddigan Prof. Cabdullaahi Xiirey uu Muqdisho ku qabtay ayuu ku sheegay in waqtiga oo yar awgiis ay odayaasha weydiisanayaan in soo xulista xildhibaannada ay soo gabagabeeyaan berrina soo gudbiyaan.
"Odayaasha dhaqanka waxaan ka doonaynaa in ugu dambeyn berri oo Axad ah ay noo soo gudbiyaan xildhibaannada baarlamaanka cusub, waayo waxaan doonaynaa in dalkan loo sameeyo baarlamaan tayo leh," ayuu yiri Prof. C/llaahi Xiireey.
Sidoo kale, guddomiyaha guddiga farsamo wuxuu xusay in odayaasha laga doonayo inay soo gudbiyaan dad ay kasoo fikireen - wax akhrin kara waxna qori kara, kana saari kara dalkan dhibaatada uu ku jiro.
"Odayaasha waxaan ka codsanaynaa inay dhowraan shuruucda ka mid noqoshada baarlamaanka cusub, kuwaasoo ay ka mid yihiin: inuu Soomaali yahay, inuusan wax dambi horay u gelin, in maskaxdiisu dhan tahay, inuu dugsi sare kasoo baxay iyo inuu ixtiraamo diinta Islaamka. Waana inay odayaashu ilaaliyaan saamiga haweenku ay ku leeyihiin baarlamaanka ee 30%," ayuu Prof. Xiiriye ku yiri shirkiisa jaraa'id.
Sidoo kale la guddoomiyaha guddiga farsamo, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) iyadoo sheegtay inaan la ogolaan doonin in odayaashu ay soo gudbiyaan xubno aan u qalmin inay xildhibaanno noqdaan, iyadoo xustay in haddii xubnahaas loo soo gudbiyo ay ka qaadan doonaan tallaabada u dagsan.
Ugu dambeyn, Xaliimo Yarey waxay sheegtay inay 09:00 aroornimo illaa 05:00 galabnimo ee berri ay ku sugnaan doonaan xafiiskooda ayna odayaasha kala wareegi doonaan magacyada xildhibaannada baarlamaanka oo tiradoodu tahay 275 xubnood.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
MO Farah oo ku guuleystay tartanka orodka ee 10,000 Mitir
8/4/2012 6:10 PM EST
Sabti, August 04, 2012(HOL): Orodyahanka Mo Farah ayaa caawa taariikh Isboorti oo dhinaca orodka ah sameeyay kaddib markii uu ku guuleystay orodka 10,000 ee mitir ee ragga. Mo Farah oo u ordayay Britain ayaa wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay oo Biritish ah oo ku guuleystay billadda dahabka ah ee lagu helo orodka 10,000 mitir.
Hillary Clinton oo kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida (SAWIRRO)
8/4/2012 2:15 PM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xoghayaha amuuraha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa maanta kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida.
Guddoomiyaha Ururka UMMADDA oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey Qabsoomid la’aanta Doorashooyinkiii Golaha Deegaanka Somaliland
8/4/2012 9:24 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa qabsoomi la’aanta Doorashooyinka golaha deegaanka ku eedeeyey madaxweynah Somaliland, maadaama oo ay waajib ku tahay buu yidhi inuu suurtogaliyo dhicitaanka doorashaddaasi.
Shacabka Degmada Huriwaa oo Maanta dhigay Dibadbax ay uga Cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan Ciidamada DKMG ah
8/4/2012 8:00 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay dhigayeen dadweynaha ku nool degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay degmadaas, kasaoo ay uga cabanayeen dhac ay sheegeen inay ciidamada dowladda KMG ah geystaan.
Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka SSCD ee Qiimeynta ku hadhay oo loo Magacaabay Wasiir-u-dawlaha Nabadeynta Arrimaha Goboladda Bariga
8/4/2012 7:35 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa gudoomiyihii urur siyaasadeedka SSCD oo ka mid ahaa ururaddii ku hadhay qiimeyntii guddidda Diiwaangelintu samaysay u magacaabay wasiirudawlaha Nabadaynta Arrimaha goboladda Bariga Somaliland.
Howlgallo ay sameeyeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo lagu soo qabqabtay askar kuwo kalena lagu dilay
8/4/2012 7:26 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Howgallo ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ka sameynayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay kusoo qab-qabteen askari dhaca u geysanayay dadka shacabka ah, iyadoo dhowr askari oo kalena lagu dilay howgalkaas.
Daryanka Madafiicda culus oo Xalay laga Maqlayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
8/4/2012 7:16 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay xaafado badan oo magaaladaas ka tirsan laga maqlayay daryanka madaafiic iyo hub culus oo ka dhacayay dhanka deegaanno xeebta ku beegan ee hoostaga magaalada Kismaayo.
Dagaal culus oo ciidamada DKMG, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheere
8/4/2012 7:07 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheer ee gobolka Bay, iyadoo tiro inaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo saakay la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaradaha KM-50
8/4/2012 5:51 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay saakay la wareegeen iyagoo gacan milateri ka helaya ciidamada AMISOM garoonka diyaaradaha KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose.
Faahfaahinta dheeraad oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii (Eastlight) ee Magaalada Nairobi
8/4/2012 4:55 AM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Qarax shalay maqribkii ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi, oo ah goob ay ku noolyiin kumannaan Soomaali ah ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)
8/4/2012 3:50 AM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xaflad casho sharaf ah oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga ganactada xaafada Islii ayaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya loogu sameeyay Hoteelka Laico Regency ee magaalada Nairobi.
Somali News
Mo Farah makes history as first British man to take gold in Olympic 10000m
-
The Telegraph
8/4/2012 5:38 PM EST
Mo Farah sprinted into athletics legend here in London’s disbelieving Olympic Stadium, becoming the first British man ever to win the Olympic 10000m title, indeed any global 25-lap title, with a run of rare courage and brilliance.
U.S. encouraged by Somalia progress -Clinton
-
Reuters
8/4/2012 2:50 PM EST
NAIROBI (Reuters) - Somalia's political leaders are making encouraging progress toward meeting an Aug. 20 deadline to lay the groundwork for a new constitutional government, U.S. Secretary of StateHillary Clinton said on Saturday.
Alleged Somali pirate ordered back into custody
-
AP
8/4/2012 4:52 AM EST
WASHINGTON (AP) An alleged Somali pirate has been ordered back into custody after an appeals court reversed a lower court's decision to release him.
UAE participates in Mogadishu meeting, offers support to end decades-long instability in Somalia
-
8/4/2012 4:28 AM EST
Abu Dhabi (WAM) - The UAE participated in the international meeting held in Somalian capital Mogadishu to discuss ways to enhance support provided by the global community to Somalia. This is the first visit of a UAE delegation to Somalia in more than a decade and it coincided with....
Head of Al-Islah Meets with the Supreme Leader of the Muslim Brotherhood in Egypt
-
HOL
8/4/2012 4:15 AM EST
Cairo, August 3rd, 2012 – The official website of the Muslim Brotherhood reported today that the Murshid, (The Supreme Leader of the MB) Dr. Muhammad Badie met with Dr. Ali Basha Umar the head of Al-Islah, the Muslim Brotherhood branch in Somalia.
Team GB's Mo Farah's inspirational former PE teacher to cheer him at London 2012
-
The Independent
8/4/2012 2:55 AM EST
Out of the 80,000-strong crowd who will see Mo Farah compete tomorrow the proudest spectator will be his best man and former PE teacher Alan Watkinson.
Somalia: The European Union High Representative Catherine Ashton Visits EU Naval Force Operation Headquarters
-
EUNFS
8/4/2012 2:52 AM EST
On Thursday 2 August 2012, the High Representative of the Union for Foreign Affairs & Security Policy/Vice-President of the European Commission, Catherine Ashton, visited the EU Naval Force (EU NAVFOR) counter piracy operation headquarters (OHQ) in Northwood, UK. She was welcomed to the OHQ by Rear Admiral Duncan Potts, who is the Operation Commander to the EU NAVFOR.
Jobs, peace and love among reasons for moving to Canada
-
Edmonton Journal
8/4/2012 2:47 AM EST
For Ali Abdi, coming to Canada meant staying alive, but even after 20 years abroad, he still loves and misses his homeland of Somalia.
Emotional scenes as ship hostages return home
-
Khaleej Times
8/4/2012 2:40 AM EST
Emotional scenes were witnessed when seven Pakistani crew members of merchant ship MV Albedo were reunited with their families after 21 months late on Thursday night after flying into Karachi from Dubai.
Somalia: Aid trickles into Somalia's drought hit Baidoa region as militant group Al-Shabaab moves out
-
UNICEF
8/4/2012 2:38 AM EST
Until just three weeks ago, Nuriya Moallim and her family of nine children and grandchildren had managed to stay in their village in southern Somalia. Despite the failed rains and the drought of 2011, they persevere at home.
Somali war linked to brewing oil dispute
-
UPI
8/4/2012 2:31 AM EST
The military offensive by Kenyan and Ethiopian forces against Islamic al-Shabaab fighters is gearing up for an assault on the Indian Ocean port of Kismayo that's increasingly seen as a key element in a brewing dispute over oil and natural gas.
Clinton to Urge Somali Leaders to Complete Transition
-
VOA
8/4/2012 2:22 AM EST
U.S. Secretary of State Hillary Clinton is visiting Kenya to urge Somali leaders to complete a political transition to a new government on schedule.