Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Dagaallo la isu Habeensaday oo ka soconaya Duleedka Degmada Afmadow

Jimco, Agoosto 31, 2012(HOL): Dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Miido oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa waxa qeyb ka ahaa diyaarado nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya kuwaasoo geysanayay duqeymo aad u culus, walow aan ilaa imika la garaneyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xooggan ayay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana xoogagga Al-shabaab u suurogashay in ay gudaha u galaan magaalada Afmadow, iyadoona la sheegay in gudaha magaalada uu dagaal ku dhexmaray ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

“Magaalada gudaheeda ayay in cabaar ah xabad ka socotay, laakiin hada dib ayay uga laabteen, hada magaalada waxa ku sugan ciidamada dowladda,” sidaa waxaa yiri goobjooge ku sugan Afmadow oo HOL u waramay.

Sarkaal katirsan dhaqdhaqaaqa raaskaambooni oo ka gaabsaday magaciisa ayaa HOL u sheegay in ciidamada soo galay Afmadow ay ahaayeen ciidamo si dhuumaaleysi ah kusoo weeraray magaalada, wuxuuna xusay in ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay weli ku suganyihiin goobihii lagu dagaalamay.

Sarkaalkan ayaa beeniyay in dagaalkii maanta lagu jabiyay ciidamada huwanta ah, wuxuuna sheegay in weerarka lagu soo qaaday magaalada Afmadow uu ahaa mid aan sidaa u weynayn oo ay kahortageen, waa siduu hadalka u dhigaye.

Saraakiil u hadashay Al-shabaab ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan magaalada Afmadow, islamarkaasina ay dagaalkii maanta khasaarooyin lixaad leh ugu geysteen ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, sidoo kalena waxa ay sheegeen in ay soo rideen laba kamid ah diyaaradaha dagaalka Kenya.

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa in uu weli ka soconayo duleedka Afmadow, waxaana ilaa imika la hayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladan laisku habeensaday ee ka soconayo duleedka magaalada Afmadow.

Wixii kusoo kordha dagaalka wararkeena danbe ayaan idinku soo gudbin doonaa Insh’allah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya





Post your comments

8/31/2012 2:09 PM EST
Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Barnaamijka dareenka shacabka iyo siyaasiga ee ka baxa Hctv oo falanqeyn ku sameeyey sidii ay u dhacdey doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka ee soomaaliya taasoo ka dhacdey magaalada mugdisho.

8/31/2012 12:38 PM EST
Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Guddiga Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga ay dhiceyso doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, kaddib kulan uu guddiga ku yeeshay xarunta golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

8/31/2012 5:25 AM EST
Jimco, Ogoosto, 31, 2012 (HOL)-Taliyaha Booliska Somaliland Gen: Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ilaa afar askari ku dhaawacmeen iyo hal qof oo Qaxootiga ka mid ah, iska hor imaad shalay ku dhexmaray ciidamadda amniga iyo Qaxooti Itoobiyaan ah oo degan xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa.

8/31/2012 5:19 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay maanta yeelanayaan kulankoodii ugu horreeyay oo ay kaga hadlayaan qabanqaabada doorashada madaxweynaha, taasoo laga sugayo inay ku dhawaaqaan xilliga ay dhacayso.

8/31/2012 5:18 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dhawaan laga qabsaday degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay ciidammo fara badan soo dhoobtay deegaanno horay looga qabsaday oo ay ka mid yihiin Laanta Buuro iyo Lambar 50 oo u dhexeya Marko iyo Afgooye.

8/31/2012 5:17 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, C/qaadir Siidii oo ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in degmadaas ay dhowr jeer ka dhaceen qaraxyo iyo dil loo geystay qof rayid ah, balse ay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka u adkeyn lahaayeen.

8/31/2012 5:16 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Maxamed Ibraahim Xaabsade oo xubnihii ay amarka ku bixisay maxkamadda sare ka mid ah ayaa sheegay in sababta weli loo hortaagan ay tahay arrin siyaasadeed, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay inay yihiin hoggaamiye kooxeedyo dambiilayaal ah.