Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya oo dhaceysa 10-ka September

Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Guddiga Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, kaddib kulan uu guddiga ku yeeshay xarunta golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa kulanka uu yeeshay wuxuu ku magacaabay seddex guddi oo kala qaabilsan qabanqaabada doorashada, maaliyadda iyo araaji qabashada, iyadoo muddada araaji qabashada loo asteeyay inta u dhaxeysa 3-da illaa 6da bisha September.

Afhayeenka Guddiyada la magacaabay Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa saxaafadda u sheegay in marka ay musharrixiinta soo gudbiyaan araajidooda ay 8-da bisha soo jeedin doonaan waxyaabaha ay doonayaan in ay qabtaan haddii loo doorto xilka madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo wixii maalintaas ka dambeeyana  loo diyaargaroobayo doorashada madaxweynenimada oo 10-ka bisha September dhici doonta.

Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ee la qabanayo 10-ka September 2012 ayaa waxaa isu soo taagay  ku dhawaad 30 musharrax, kuwaasi oo isu jira siyaasiyiin dalka dibaddiisa ka tegay oo xilkan isu soo taagay kuwo dalka ku sugnaa iyo madaxda Dowladdii TFG-da ee waqtigeeda dhammaaday.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com





Post your comments

8/31/2012 7:22 PM EST
Jimco, Agoosto 31, 2012(HOL): Dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Miido oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

8/31/2012 2:09 PM EST
Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Barnaamijka dareenka shacabka iyo siyaasiga ee ka baxa Hctv oo falanqeyn ku sameeyey sidii ay u dhacdey doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka ee soomaaliya taasoo ka dhacdey magaalada mugdisho.

8/31/2012 5:25 AM EST
Jimco, Ogoosto, 31, 2012 (HOL)-Taliyaha Booliska Somaliland Gen: Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ilaa afar askari ku dhaawacmeen iyo hal qof oo Qaxootiga ka mid ah, iska hor imaad shalay ku dhexmaray ciidamadda amniga iyo Qaxooti Itoobiyaan ah oo degan xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa.

8/31/2012 5:19 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay maanta yeelanayaan kulankoodii ugu horreeyay oo ay kaga hadlayaan qabanqaabada doorashada madaxweynaha, taasoo laga sugayo inay ku dhawaaqaan xilliga ay dhacayso.

8/31/2012 5:18 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dhawaan laga qabsaday degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay ciidammo fara badan soo dhoobtay deegaanno horay looga qabsaday oo ay ka mid yihiin Laanta Buuro iyo Lambar 50 oo u dhexeya Marko iyo Afgooye.

8/31/2012 5:17 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, C/qaadir Siidii oo ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in degmadaas ay dhowr jeer ka dhaceen qaraxyo iyo dil loo geystay qof rayid ah, balse ay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka u adkeyn lahaayeen.

8/31/2012 5:16 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Maxamed Ibraahim Xaabsade oo xubnihii ay amarka ku bixisay maxkamadda sare ka mid ah ayaa sheegay in sababta weli loo hortaagan ay tahay arrin siyaasadeed, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay inay yihiin hoggaamiye kooxeedyo dambiilayaal ah.