Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Xarakada Al-shabaab oo Ciidammo fara badan soo dhoobtay Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dhawaan laga qabsaday degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay ciidammo fara badan soo dhoobtay deegaanno horay looga qabsaday oo ay ka mid yihiin Laanta Buuro iyo Lambar 50 oo u dhexeya Marko iyo Afgooye.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannadaas ayaa sheegaya inay arkeen ciidammo iyo gaadiid fara badan oo halkaas soo gaaray, kuwaasoo aan la ogeyn ujeedka ay leeyihiin, iyadoo Al-shabaab ay horay falal ammaandarrop uga sameyn jirtay inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho.

"Deegaannada gobolka ee u dhexeeya Afgooye iyo Marko waxaa soo buuxiyay ciidammo fara badan oo Al-shabaab ka tirsan, xaaladdu waa xaalad dagaal, balse lama saadaalin karo sida ay wax noqon karaan," ayuu yiri goobjooge ku sugan KM-50.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa waxay horay u sheegeen inay qabsan doonaan goobaha ay banneeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, ciidamada dowladda ee ku sugan Shalaanbood iyo Marko ayaa waxay sheegeen inay tageen deegaanno hor leh oo gobolkaas ka tirsan, kuwaasoo ay ku sameeyeen sahanno kala duwan.

Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii hore waxay ka baxaysay deegaanno ay kaga sugnayd Muqdisho iyo gobollada ku dhowdhow, waxaana sidoo kale ay ka baxeen degmooyin ku yaalla bartamaha, koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/31/2012 7:22 PM EST
Jimco, Agoosto 31, 2012(HOL): Dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Miido oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

8/31/2012 2:09 PM EST
Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Barnaamijka dareenka shacabka iyo siyaasiga ee ka baxa Hctv oo falanqeyn ku sameeyey sidii ay u dhacdey doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka ee soomaaliya taasoo ka dhacdey magaalada mugdisho.

8/31/2012 12:38 PM EST
Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Guddiga Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga ay dhiceyso doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, kaddib kulan uu guddiga ku yeeshay xarunta golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

8/31/2012 5:25 AM EST
Jimco, Ogoosto, 31, 2012 (HOL)-Taliyaha Booliska Somaliland Gen: Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ilaa afar askari ku dhaawacmeen iyo hal qof oo Qaxootiga ka mid ah, iska hor imaad shalay ku dhexmaray ciidamadda amniga iyo Qaxooti Itoobiyaan ah oo degan xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa.

8/31/2012 5:19 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay maanta yeelanayaan kulankoodii ugu horreeyay oo ay kaga hadlayaan qabanqaabada doorashada madaxweynaha, taasoo laga sugayo inay ku dhawaaqaan xilliga ay dhacayso.

8/31/2012 5:17 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, C/qaadir Siidii oo ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in degmadaas ay dhowr jeer ka dhaceen qaraxyo iyo dil loo geystay qof rayid ah, balse ay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka u adkeyn lahaayeen.

8/31/2012 5:16 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Maxamed Ibraahim Xaabsade oo xubnihii ay amarka ku bixisay maxkamadda sare ka mid ah ayaa sheegay in sababta weli loo hortaagan ay tahay arrin siyaasadeed, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay inay yihiin hoggaamiye kooxeedyo dambiilayaal ah.