Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Soomaalida ku nool Koonfur Afrika oo isku diyaarinaya sidii ay ugu iibin lahaayeen Guri Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas

Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay xukuumadda Soomaaliya u magacowday safiir dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa guddiga taakuleynta safaarada Soomaaliya ee gobolka Westren-Cape waxay sheegeen inay ku dhawaaqi doonaan bilaabidda qaabkii loo aruurin lahaa dhaqaalihii lagu dhisiyo guriga safaaraddu ay degi lahayd.

Guddigan oo ka koobay 30 ruux oo isugu jira waxgaradka, aqoonyahanno, culummo, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa xalay shir balaaran ku qaatay markaska weyn oo ay Soomaalida leedahay ee As-Sunnah ee ku yaalla deegaanka ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville kaasoo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Soomaalida.

Guddoomiyaha gudiga taakuleynta safaaradda Soomaaliya ee South Afrika, Daahir Baasto oo u warramayay saxaafadda ayaa sheegay inay aad u wanaagsan tahay in aan iibsano guri ay Soomaalida dhan leedahay oo cidna laga xigin lagu fuliyo danaha Soomaalida. Isagoo intaas ku daray in qof kasta oo Soomaali ah uu ka qayb-qaato dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika,


Afhayeenka guddiga Sheekh Bahjudiin oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaaliya wax wada-qabsan lahayd isla markaana la isku dayo in la dhiso safaarada Soomaaliya isagoo tusaale u soo qaatay guriga xilligaas lagu shirayay inuu yahay guri ay Soomaali leedahay oo laga bixiyay lacag badan.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga, Maxamuud Guutaale ayaa sheegay in hadda wax walba ay iskusoo dhawaadeen isla markaana la qaadayo talaabada ugu dambeysa taasoo ah dhaqaalaha loo baahan yahay, isagoo hadalkiisa ku daray in lacagta ay isla ogaan doonaan dhamaan 30 xubnood ee guddigani uu ka kooban yahay aadna looga taxadari doono lacagahaas.


Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay dhammaan qeybaha kala duwan ee guddiga waxayna u muuqdeen kuwa qaba kalsoonida shacabka Soomaaliyeed oo loogu bartay bixinta sadaqada iyo iibinta dhulalka taariikhiga ah sida safaaradda Soomaaliya oo kale iyadoo qof kasta ay ogtahay in Koonfur Afrika iyo Soomaaliya aysan weligood hadda ka hor aysan labada dal wax safaarad ah ku lahayn dalkaas, balse tani Soomaalida fursad weyn oo wax loogu qaban doono.

Isniintii shalay ayaa laga shaaciyay arrintan labada masjid ee Soomaalidu leedahay ee kala ah: Masjidul Sunnah iyo Masjidul Salaama, iyadoo guddiga aysan weli shaacin qaabka ay u aruurin doonaan dhaqaalaha.



Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)
deeqdarajo36@hotmail.com
Cape Town, Koonfur Afrika




Post your comments

8/28/2012 3:43 PM EST
Talaado, August 28, 2012(HOL): Waxaa goor dhaweyd soo gebagebowday doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay isu soo taageen illaa 10 musharrax.

8/28/2012 9:56 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu si rasmi ah u noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markiii uu tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ay isugu soo hareer wareeggii ugu dambeeyay.

8/28/2012 9:54 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey waxyaalaha looga baahan yahay xisbiyadda, ururadda iyo musharaxiinta laga rabo.

8/28/2012 6:32 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa laga dareemayaa deegaanada galbeed ee gobolka Jubada hoose, iyadoona dhaqdhaqaaqyada ciidan ay saameyn xooggan ku yeesheen shacabka ku dhaqan qeybo katirsan gobolka Jubada hoose.

8/28/2012 6:23 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Dusiga sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota hadda tirinta codadka ay dhiibteen 228 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoonka sare ee baarlamaanka.

8/28/2012 6:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Kulan lagu taageerayay beelaha Jareer-weyne uga mid noqday baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen nabaddoono, siyaasiyiin, aqoon-yaahnno, haweenka iyo iyo dhalinyarada beelaha.

8/28/2012 3:44 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay degmada Makro ee xarunta ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay hay'addu ay ku leedahay xarun weyn.

8/28/2012 3:30 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xaaladda degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa daggan saakay, kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaas, sidoo kalena ay ciidammo ka tirsan oo xafado ka mid ah degmadaas galay ay dib uga baxeen isla shalay.

8/28/2012 3:20 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Talaaso ah lagu dooranayaa guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo inta badan xubnihiisa la dhaariyay toddobaadkii hore.