Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Xaaladda Degmada Marko oo Maanta daggan iyo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dib uga baxay kaddib markii ay shalay galeen
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xaaladda degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa daggan saakay, kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaas, sidoo kalena ay ciidammo ka tirsan oo xafado ka mid ah degmadaas galay ay dib uga baxeen isla shalay.


Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa sheegay inaysan jirin wax ganacsi ah oo saakay ka furay gudaha degmadaas, sidoo kalena socodkii dadku uusan jirin sababo la xiriira iyadoo dadku ay baqdin ka qabaan in dhibaatooyin ay dhacaan.

"Xaaladdu waa daggan tahay, mana jirto cid hadda ku sugan gudaha degmada, xalay oo dhan cabsi ayaa jirtay dadkuna saakay waxay ku sugan yihin guryahooda," ayuu yiri goobjooge magaciisa qariyay oo ku sugan degmada Marko.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in xoogaggii Al-shabaab ay shalay isaga baxeen degmada ciidamada dowladduna aysan weli si buuxda u soo gelin degmada inkastoo ay shalay xaafado ka mid ah gaareen, balse ay dib uga baxeen.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee hoggaaminaya dagaalka ayaa sheegay inay dib uga baxeen degmada, balse ay rajeynayaan inay ammaankeeda la wareegaan xilli aysan shaacin.

Degmada Marko oo 90-km Koonfur kaga beegan Muqdisho ayaa waxaa tan sannadkii 2008 gacanta ku haysay Al-shabaab, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in tan iyo xilligaas ay ammaan ahayd degmada, basle aysan garanayn waxay mudan doonaan marka uu xukunku isbedelo.

Xarunta maamulka gobolka iyo saldhigga booliiska ayaa markii degmadaas ay isaga baxeen shalay xoogaggii Al-shabaab waxaa boobay dadweyne careysan, kuwaasoo qaatay agabkii halkaas ay uga tageen maamulkii gacanta ku hayay degmada.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in qabsashada degmada Marko ay wadada u xaarayso in la qabsado degmada Kismaayo oo 500-km Koonfur ka xigta Muqdisho ahna magaalada ugu weyn ee Al-shabaab haysato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/28/2012 3:43 PM EST
Talaado, August 28, 2012(HOL): Waxaa goor dhaweyd soo gebagebowday doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay isu soo taageen illaa 10 musharrax.

8/28/2012 9:56 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu si rasmi ah u noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markiii uu tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ay isugu soo hareer wareeggii ugu dambeeyay.

8/28/2012 9:54 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey waxyaalaha looga baahan yahay xisbiyadda, ururadda iyo musharaxiinta laga rabo.

8/28/2012 8:28 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay xukuumadda Soomaaliya u magacowday safiir dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa guddiga taakuleynta safaarada Soomaaliya ee gobolka Westren-Cape waxay sheegeen inay ku dhawaaqi doonaan bilaabidda qaabkii loo aruurin lahaa dhaqaalihii lagu dhisiyo guriga safaaraddu ay degi lahayd.

8/28/2012 6:32 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa laga dareemayaa deegaanada galbeed ee gobolka Jubada hoose, iyadoona dhaqdhaqaaqyada ciidan ay saameyn xooggan ku yeesheen shacabka ku dhaqan qeybo katirsan gobolka Jubada hoose.

8/28/2012 6:23 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Dusiga sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota hadda tirinta codadka ay dhiibteen 228 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoonka sare ee baarlamaanka.

8/28/2012 6:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Kulan lagu taageerayay beelaha Jareer-weyne uga mid noqday baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen nabaddoono, siyaasiyiin, aqoon-yaahnno, haweenka iyo iyo dhalinyarada beelaha.

8/28/2012 3:44 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay degmada Makro ee xarunta ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay hay'addu ay ku leedahay xarun weyn.

8/28/2012 3:20 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Talaaso ah lagu dooranayaa guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo inta badan xubnihiisa la dhaariyay toddobaadkii hore.