Hiiraan Online
Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Aug 28, 2012
Guddoomiyaha iyo Ku-xigeennada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta lagu dooranayo Magaalada Muqdisho
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Talaado ah lagu dooranayaa guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo inta badan xubnihiisa la dhaariyay toddobaadkii hore.
Doorashada ayaa waxay ka dhacaysaa dugsiga tababarka booliiska (Scola Polisio), halkaasoo ammaankeeda aad loo adkeeyay, waxaana ku qulqulaya xildhibaannadii baarlamaanka ee la dhaariyay iyo kuwo la doonayo in isla maanta la dhaariyo si ay doorashada uga qaybgalaan.
"Maanta oo Talaado ah ayay dhacaysaa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa," ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo intaas ku daray. "Waxaa la filayaa inay doorashada ka qaybgalaan xildhibaanno gaaraya 260 xildhibaan oo qaarkood la dhaarin doono intaysan doorashadu billaaban,"
Kulanka lagu dooranayo guddoonka baarlamaanka ayaa waxaa shir-guddoomin doona guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka, Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo loo doortay toddobaadkii hore inuu hoggaamiyo baarlamaanka inta ay doorashadu ka dhacayso.
Xilka guddoomiyaha baarlaamanka ayaa waxaa u taagan shan xubnood, iyadoo ku xigeenka koowaad ay u taagan yihiin 11 xubnood, halka guddoomiye ku xigeenka labaadna ay u taagan yihiin afar xubnood oo kaliya.
Shanta xubnood ee u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay kala yihiin: Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Prof. Cali Khaliif Galeyr, C/rashiid Maxamed Xiddig, Xasan Abshir Faarax iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Doorashadan ayaa waxaa xigi doona doorashada madaxweynaha oo ay go'aan ka gaari doonaan guddoonka cusub ee lasoo dooranayo, iyadoo sidoo kale ay xilka madaxweynaha Soomaaliya u taagan yihiin in ka badan 25-murashax oo ay ku jiraan madaxda dowladda xilligeedu dhammaaday ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Xildhibaan Jeylaani Iikar oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya
8/28/2012 3:43 PM EST
Talaado, August 28, 2012(HOL): Waxaa goor dhaweyd soo gebagebowday doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay isu soo taageen illaa 10 musharrax.
Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka kaddib markii uu tanaasulay Prof. Galleyr
8/28/2012 9:56 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu si rasmi ah u noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markiii uu tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ay isugu soo hareer wareeggii ugu dambeeyay.
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo sheegay waxyaalaha looga baahan yahay musharaxa golaha deegaanka iyo xisbigiisa
8/28/2012 9:54 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey waxyaalaha looga baahan yahay xisbiyadda, ururadda iyo musharaxiinta laga rabo.
Soomaalida ku nool Koonfur Afrika oo isku diyaarinaya sidii ay ugu iibin lahaayeen Guri Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas
8/28/2012 8:28 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay xukuumadda Soomaaliya u magacowday safiir dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa guddiga taakuleynta safaarada Soomaaliya ee gobolka Westren-Cape waxay sheegeen inay ku dhawaaqi doonaan bilaabidda qaabkii loo aruurin lahaa dhaqaalihii lagu dhisiyo guriga safaaraddu ay degi lahayd.
Xiisado dagaal oo ka taagan Deegaanno ka tirsan Jubada Hoose iyo Barakac xooggan oo ka billowday Magaalada Kismaayo
8/28/2012 6:32 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa laga dareemayaa deegaanada galbeed ee gobolka Jubada hoose, iyadoona dhaqdhaqaaqyada ciidan ay saameyn xooggan ku yeesheen shacabka ku dhaqan qeybo katirsan gobolka Jubada hoose.
Tirinta Codadka Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo socota
8/28/2012 6:23 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Dusiga sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota hadda tirinta codadka ay dhiibteen 228 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoonka sare ee baarlamaanka.
Kulan balaaran oo lagu Taageerayay Xildhibaannada Beelaha Jareer-Weyne uga mid noqday Baarlaaanka oo Muqdisho lagu qabtay
8/28/2012 6:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Kulan lagu taageerayay beelaha Jareer-weyne uga mid noqday baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen nabaddoono, siyaasiyiin, aqoon-yaahnno, haweenka iyo iyo dhalinyarada beelaha.
Hay'adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FAO oo sheegtay in shaqaalaheeda mid ka mid ah lagu dilay degmada Marko
8/28/2012 3:44 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay degmada Makro ee xarunta ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay hay'addu ay ku leedahay xarun weyn.
Xaaladda Degmada Marko oo Maanta daggan iyo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dib uga baxay kaddib markii ay shalay galeen
8/28/2012 3:30 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xaaladda degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa daggan saakay, kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaas, sidoo kalena ay ciidammo ka tirsan oo xafado ka mid ah degmadaas galay ay dib uga baxeen isla shalay.
Somali News
Nominate Abdiaziz Maahaay for CNN Hero Nomination
-
HOL
8/28/2012 11:31 PM EST
Abdiaziz is living in Rochester, Minnesota and here is his Bio information. We need at least Two thousand people to send this nomination otherwise are useless.
Prof Mohamed Sh Osman Jawari, became Speaker of new Somali Parliament after the withdrawal of Prof Ali Khalif Galleyr.
-
HOL
8/28/2012 8:18 PM EST
Tuesday August 28, 2012 (HOL) - Interim Chairman of both the new Parliament and Parliamentary Election Committee has officially announced that Prof Mohamed Sh. Osman Jawari is the elected Speaker of the new Federal Parliament of Somalia following the withdrawal of Prof Ali Khalif Galleyr from the participation of the final voting.
Somalia athlete chasing dream is among Africans who drowned at sea
-
LA Times
8/28/2012 7:31 PM EST
MOGADISHU, Somalia — When she was 17, Samia Yusuf Omar experienced a brief moment in the international spotlight when she ran a 200-meter race representing Somalia at the 2008 Beijing Olympic Games.
Somali children blown up in a school playground
-
BBC
8/28/2012 7:24 PM EST
At least six Somali children have died after picking up explosives in their school playground, a local official has told the BBC.
Somali parliament elects new speaker
-
Reuters
8/28/2012 7:05 PM EST
MOGADISHU Aug 28 (Reuters) - Former cabinet minister Mohamed Osman Jawaari was elected speaker of Somalia's parliament by a majority vote on Tuesday to lay the groundwork for a new government in the war-torn Horn of Africa country.
Grenade Attack in Kenya Kills Police Officer
-
New York Times
8/28/2012 7:03 PM EST
NAIROBI, Kenya — A Kenyan police officer died and 13 others were wounded late on Tuesday in a grenade attack during riots in Mombasa over the killing of a radical cleric, a senior police official said.
$21M awarded in torture suit against ex-Somali PM
-
AP
8/28/2012 6:56 PM EST
McLEAN, Va. -- A U.S. judge on Tuesday awarded $21 million to seven people who sued a former prime minister of Somalia now living in Virginia, claiming he tortured and killed his own people more than two decades ago.
Somalia struggling for first formal administration in two decades
-
Press TV
8/28/2012 6:03 AM EST
Controversy has engulfed the MPs selection process in Somalia barely a week after the official mandate of the eight year old Transitional administration expired.
Kenyan Banks Target Ethiopia And Somalia Expansion
-
Ventures Africa
8/28/2012 6:02 AM EST
Ethiopia and Somalia offer the best opportunities for Kenyan banks seeking acquisition and partnership deals, made possible by high capital reserves and a desire to expand across the five-member East Africa Community (EAC).
Uganda investigates helicopter crashes
-
UPI
8/28/2012 5:53 AM EST
Uganda is attempting to determine why three of its helicopters crashed earlier this month.
Stalwart Somali refugee isn't 'going back' anytime soon
-
Hume Weekly
8/28/2012 5:49 AM EST
A CRAIGIEBURN man forced to flee his home in war-torn Somalia in 1991 is about to tell Australia his story of survival and courage.
Somalia still needs support, U.N. says
-
UPI
8/28/2012 5:41 AM EST
Mogadishu needs international support as it moves to resolve loose ends in its political transition, a U.N. special envoy to the country said.
Man killed, body dumped in Nairobi
-
Daily Nation
8/28/2012 5:38 AM EST
The body of a man has been found dumped at the Uhuru Highway-Haile Selassie roundabout in Nairobi.
ETHIOPIA: Looking For The Exit In Somalia
-
Strategy Page
8/28/2012 5:36 AM EST
Kenyan forces in Somalia still say they intend to launch an assault on the port of Kismayo. August, however, is almost over and August was supposed to be the month of the big attack on the Al Shabaab-held seaport.
Tension high in Mombasa in second day of protests
-
Daily Nation
8/28/2012 5:29 AM EST
Tension was high in Mombasa Tuesday morning as rowdy youth took to the streets to protest the killing of Sheikh Aboud Rogo.
Callison: Somali-Bantus graced with guiding light
-
ArgusLeader
8/28/2012 4:17 AM EST
Abdul Sidow came to Sioux Falls intending to stay for 15 days. That was three years ago. He didn’t leave as planned, Sidow says, because the 600-member Somali-Bantu community needed his help
Somaliland: A Pocket Of Stability In A Chaotic Region
-
NPR
8/28/2012 4:06 AM EST
Somalia is synonymous with failed states, pirates and Islamist militants. But in the nation's northwest lies a peaceful, stable territory with an elected government known as Somaliland. The enclave broke away from the fractious Horn of Africa nation in 1991 and has been going it alone ever since.
Horn Petroleum's Somali wells come up dry
-
Reuters
8/28/2012 3:51 AM EST
NAIROBI (Reuters) - Canadian oil and gas exploration company Horn Petroleum said on Monday it had encountered only water in a well it drilled in Somalia's semi-autonomous Puntland region earlier this year, the first to be sunk in the country since civil war erupted two decades ago.
Somalia must form new government, EU's Ashton says
-
Reuters
8/28/2012 3:24 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Somalia's leaders have shown a commitment to reform but must move to install a new government in the economically and politically fragile country, the EU's foreign policy chief said during a visit on Monday.